Maryan Mursal oo Xalay Cadho kaga Guuragashay Hargeysa

 

Fannaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise, ayaa xalay cadho kaga guurashay magaalada Hargeysa, iyadoo u sii jeeda magaalada Berbera oo ay maanta ka dhoofayso.


Fannaanada Maryan Mursal ayaa la sheegay inay ka cadhootay abwaan Maxamed Warsame Hadraawi oo ka cudurdaartay dugsi ay ka dhisaysay xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa oo ay isaga ugu magic-dartay, isagoo dhawaan sheegay in ay jiraan dad badan oo isaga dalka ugu mudan oo ku fiican in loogu magic-daro, balse arrintaasi ay si weyn uga cadhiisiisay Maryan Mursal, taas oo keentay inay si kedis ah uga ambabaxdo dalka iyadoo aanay gaadhin waqtigii markii hore u qorshaysanaa inay tagto, waxaanay maanta subaxa hore Madaarka magaalada Berbera ka raacaysaa iyada iyo laba wiil oo ay dhashay diyaaradda Xorriya Airways, isla markaana waxay beddeshay diyaaradii markii hore ay ku qornayd inay raacdo oo ahayd Daallo Airline.


Fannaanada oo aannu xalay isku daynay in aannu khadka telefoonka kula xidhiidhno si aannu wax uga weydiino bixitaankeeda kediska ah iyo cadhada la sheegay intay ku tagtay, ayaanay noo suurtogelin.


Sida ilo xogogaal ahi sheegeen xubno miisaan leh xukuumadda ka mid ah oo isugu jira wasiiro iyo saraakiil kale, ayaa isku dayday inay dejiyaan Fannaanada Maryan Mursal, isla markaana aanay dalka ka tegin, haseyeeshee waxa la sheegay inay Maryan Mursal codsigoodaasi ku furtuurtay.


Fannaanada Maryan Mursal oo muddo bil ku dhow joogtay Somaliland, kadib markii ay ka timi dalka Ingiriiska oo ay ka soo qaaday hees ay Somaliland ku ammaanayso, waxaana loo soo dhaweeyey si weyn.


Tagitaanka Maryan Mursal ayaa yimi xilli aanay siday sheegtay shacabka Somaliland u qaban bandhig faneed ay hore u ballanqaaday, isla markaana aanay la kulmin qaybo badan oo ka mid ah bulshada, gaar ahaan dadka laga tirada badan yahay.

 




Jamhuuriya Online