MasaajidadaIyo Masaakiinta - I
 

 

bulsho kasta oo aduunka ku nool waxa xaqiiqo ah in laga dhex helayo, amaba ay leedahay dad badan oo masakiin ah,waxna aan  heysanin .marka dhinac laga eego waa imitixaan rabaani ah,dadka ayaana la isku imtixaanayaa.maxaa yeelay ilahay adoon kasta sidiisa ayuu u abuuray ,goonidiisana wax wuu u siin karaa,laakin inta wax heysata ayaa lagu eegayaa sida ay ugu gar,garaan.waxa bulsho kastaba ay leedahay dad baahan oo loogu talo galay in la caawiyo,sadaqada iyo sakadana la siiyo.


meel kasta oo aduunyada ka mid ah,xitaa wadamada horumaray waa laga helayaa dadyow ku dhextabaleysan amaba ku baahan,somaliland-na maanta haddad eegto waxaad aad u dareemi kartaa in ay jirto amaba soo badaneyso duruufaha sababaya in dadka qaarkii ay masakiin noqdaan,amaba waxa la odhan karaa xaalado badan oo maanta jiraa waxa ay si toos ah u muujinayaan sida baahidu u xad dhaaftay.

 
Run ahaantii waxa jirta baahi badan oo ay qabaan in badan oo ka mid ah bulshadeenu,weyna kala badan yihiin maanta dadka wax heysta iyo inta aan waxba heysanin.waxa malaa laba jeer badan danyarta iyo masakiinta sida dhabta ah u baahan.nabada macaan ayuunbaa lagu soo toosaa,laakin xaqiiqdii waxa jira dadyow badan oo saddexda wakhti mid ka mid ah afka wax geliya.amaba aan midna waxba cunin.

Dadkaasi baahan weliba waxa ku jira in badan oo aan hadal oo ka xishooda in ay dadka wax weydiistaan,oo laga yaabo in ay ka mid yihiin jaarar badan oo xaafadaha ka tirsani.

Waxase jira in badan oo ka mid ah, oo gaajo waa cudure u adkeysan waayey fakhrinimada haleeshay dadkana gacmaha hoos dhigtay.

Dedaalka bulshada ee ku wajahan arintani ma maqna,hase ahaate ma buurna.waan ogahay indhaheygana waan ku soo arkay xaafado iyo meelo badan oo magaalada ka mid ah oo arintani laga hadal hayo,dadkana wax loogu uruuriyo.waxa kale oo iyadana aan arkay ,dhageysteyna xubno bulshadeena martabad ku leh sida culimo marar badan arintan ka hadashay,bulshadana u tusaaleyey baahiyaha taagan iyo sida loogu bahan yahay in la caawiyo dadka tabaleysan.

Sidoo kale waxa jira xarumo loo furay miskiin kal,kaalka oo xaafado ka mid ah magaalada aad uga shaqeeya.masaajido ayaana jira jimce kasta dadka lagu xasuusiyo arimahani.

Si kastaba ha,ahaate dad is xilqaamayaa inta ay qaban karaan waa ay xadidan tahay ,maxaa yeelay arintani waa arintii dawladi wax ka qaban laheyd.markaa taasi waxay keeneysaa in baahidii in yar uun wax laga qabto inteedii badneydna ay guud ahaan dalka ka jirto.

Danyarta hadda bulshadu leedahay,waxa ka xanuun badan marka intii wax heysatay ay sii degayaan ee ay ku biirayan dabaqada masakiinta.maamulka arimo badan ka gaabiyey ee dawlada waxa laga rajeynayaa in guud ahaan shicibka wax u qabto,masakiintana xaalkooda ogaado.


Waxaan haddaba maqaalkan kulafa guri donaa,nidaamka tuugsiga ee wakhtigan,yaa miskiin loogu yeedhi karaa?cid aan miskiin aheyn ama aan danyar aheyn oo haddana iska dhigeysa ama ku andacoonaysa sidee lagu ogaan karaa?goormaa qofku miskiin noqon karaa?dhibta masaakiintu ku hayaan masaajidada magaalada.maxaad ka og tahay?Waxa kale oo qeyb ka ahaan doona maqaalkan talooyin muhiima oo soo socda?




La soco taxanaha danbe






Abdifataah Mohamed Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com