Mashaariicdeeda Mooyee Waabay Inooga Dari,Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID,Cali Gurey

 


Wasiirada Axmed Silanyo kuwa ugu misuq maasuqa badan,ee ugu eexda iyo qaraabo kiilka badan, yaad odhan lahayd sedexda ugu horeeya.?. Markii waxa laga yaabaa in wasiirka madaxtooyadu uu noqdo ka ugu horeeya ee madaxaaga ku soo dhaca sababta oo ah hadal hayntiisa oo ka badan hadii la isku wada daro hada haynta inta kale ee wasiirada ah. Taasi na wax uu ku galab sado oo kale ma jirto ee waxa la og yahay awoodaha intiisa ka badan ee gaadhsiiyay in ay wasiiro badani indhaha ho os uga rogtaan iyaga oo ka baqaya in hadii ay sutida u qabtaan isaga daraadii uu mansabkiisa ku w aayi karo.

Inta ugu tirada badan golaha wasiirada na isagaa ba qortay oy daba joogaan kuna qasban yihiin in ay u dhego nuglaadaan ama ku shaqaysto ba. Intaas oo dhami iyadoo jirta ayay hadana suurto gal tahay in mid iyo laba ba ay liiska ka horeyn karaan marka ay musuq maasuqa tahay ku ladhan eexd a, qabyaaladda, iyo qaraabo kiilka ba. Waxa jira kuwo aan iyagu han kale lahayn sida Xirsi arkayana xaaladda odayga reerka na sida Xirsi ka tirsan. Marka ay musuq maasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka tahay Xirsi waa bikh. Waxa ka horeeya Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, in kastoo dhawaan laga war eejiyay biyaha iyo kan Duulista Hawada. Labadooda iyo Xirsi ba waxay ka mid yihiin wasiirada idman oo odayga adeersada birtiisu na, in kastoo aanay beer bislaaday kala goyn hada na seefta isku sha an dhaynta la yidhaa iyagu waxay ka haystaan belaayo xijaab. Xirsi iska daa isaga eh mid keliya oo colkiisa ah lama taaban karo, ka uu doono na waabu sii dalac siiyaa. Sidaa daraadeed isku shaandh aynta odaygu waa seef qooraha wasiirada reerkiisa ka soo jeeda aan karin laakiin kuwa reeraha ka le ka soo jeeda uun lagu saliday.

Wasiirka Macdanta ayaa ah libaaxa aan ciyin ee looga caagay kaynta musuq maasuqa, eexda iyo qa raabakiilku hadhsado. Isaga waxan miisaaniyadda la leeyahay ba quud uma yaqaan. Shirkadaha sah anka shidaalka iyo macdanaha kale ayuu marka uu quruskiisa la fuqo ee la fuqo ee hada na la fuqo ayuu waxoogaa yadii loogu talo galay waciyi gelinta iyo horumarinta na afka iska mariyaa. Hadhow ayay dadkii oon qardhac loo tuurin oo kacsan shanqadhi na u baxday ay shaqadii shirkadda is hor  t aagaan marka ay doonto in degaankooda ay ka bilawdo. Mar kaasaa dabeed la isku yaac yaacaa, h a loo diro colkii ka hor tagga argagixisada( rru) iya na dhoomberkii u xasaysnaa baa nin weliba la so o baxaa waa nay isu qaylo dirtaan kii geela lagu raacayay iyo ragii sitay oo gurmada ayaa raabe ra abe isaga soo daba dhaca car iyo car bay gaadhaa, inta goor ee la isku sigtay na cadad ma leh. Alle h ha inoo sahalo! Waar shidaalkeeda na mooyaane armay inooga daraanoo nabadgelyadii yarayd e eynu dhoob dhoobnay nay inaga kala tuuraan.

Waxay tidhi islaantii jirtay” anana mar uun baanu axamo qalan”! Waxay xukuumadani ina baday wax ina bartay baa ka sii daran. Xukuumadu waxay ahayd inay dhiiri geliso in dadku ay wax wada yeesh aan sidii caadada u ahaan jirtay na dhib iyo dheef ba ay wadaagaa. Marka mashruucii ugu horeeyay ee ugu waynaa dalka wixii qandaraasyo laga helay lagu bixi yay eex iyo qaraabo kiil ee in yar oo isk u reer ihi keligood wada qaataan saw dhibaatadeeda ma laha mana yeelan doonto. Xumo iyo wana ag mid ay tahay ba waa sunne uu inoo dhigay Madaxwayne Axmed Silanyo. Tan qandaraasyada laft eeda ayay nu og nahay inta goor ee la isku sigtay.

Arinka Wasiirka Macdantu sahanka shidaalka uun maaha. Waar wixii dalka korkiisa iyo hoostiisa ya alay inta shakhsi ama koox warqad yar uu siiyay hoosta ku haysta ee isagu siiyay tiro ma leh. Waxa ka daran kuwa shisheeyaha uu heshiis yada kula galay oo kumanyaal km baaxadoodu tahay wax laga gurto iyo wax laga helo iyo si la yidhaa aan cid garanaysaa jirin. Halista wasiirka macdanta iska dhaaf inaga eh waxa lagu socdaa waa in mustaqbalkii caruurteena qalaylka lagu liqo inta odaygu ma daxtooyada yaal eenu war iyo wacaal u hayn xaaladda runta ah ee ka jirta dalka.

Wasiirka Duulista Hawadu isagu waa qof buka oo nac iyo ciil iyo colaad iyo calool xumo iyo xasad iyo buqdi ay wadaageen oo aanay waxba kaga tegin. Ilaahay ka daweeya ayuu leeyahay. Madaarka Ha rgeysa ma jecla haday tiisa tahay na waa bu dumin lahaa. Isagoo marka hore Hargeysa nacaybka ku caan baxay ayaa misna madaarkeedii loo bixiyay Cigaal International Airport. Marxuun Cigaal na markuu ka yaabay mucaaridadiisa waa kii u bixiyay Cusaama Bin Ladan marka indhaha ku dhufto magaca Cigaal ayay meel go’daa kana na bedeli karo. Waxa nasiib daro ah ninkii shalay mucaaridada iyo nacaybka Cigaal fatihiyay ee reerka dhan gaadhsiiyay in uu maanta marka qof mucaarid ihi wax ka sheego beentiisa, tuugadiisa iyo musmaasuqiisa uu yidhaa ” Madaxwaynaha ayuu qof ahaan, iyo qoys ahaan iyo qolo ahaan u neceb yahay”

Madaarka Hargeysa waxa duulimaadyada laga xidhay iyadoo aan wixii shaqadiisa lagu bilaabi lahaa aan wax ka diyaar ihi jirin. Markii dambe waxa la bilaabay in gacanta lagu buux buuxiyo meelihii goo go’ay iyadoo qalabka la adeeg sanayay uu kaariyoone ahaa, isagu na uu og yahay oo aanu beenin karin. Maal maalmaha ka mid ahayd oon soo arkay ayaan ka hadlay. Maalinta aan ka hadlay maalintii ka dambay say na waxa ka soo degay Madaxwanaha. Muxuu sameeyay afar maalmood oo xin iyo xa sad ah ayaa la isugu wada tegay in kaariyoonihii la tuuro oo si deg deg ah loo soo hawl geliyo dhaw r makiinadood oo aan hore marna loogu isticmaalin hawsha. Ka dib cay iyo af legaado ayaa TVga la soo fadhiistay. Anigu juuq uma odhan waayo waan aqaan inu shakhsiyad rakhiis ah yahay. Hadii is aga iyo aniga uu mid kaayo Hargeysa wanaag la jeclyahay in aanu isaga ahayn ee aniga yahay ilaa hay iyo dadku na way og yihiin. Cusaame ayaa Hargeysa jecel Caligurey na wuu neceb yahay waa hadii ay reer Hargeysa ka siisataan.

Iska daa waxa uu lunsaday iyo guryaha England eh shaqaalaha ayaa nu og nahay in uu eeex iyo qaraabo kiil iyo qabyaalad keliya uu ku shaqaaleeyo. Hada na “nin leh baa u doobayay” adeerkii baa u madaxwayne ah oo waa lama taabtaan Wuxu doono ayuu samayn karaa. Waxan is waydiinayaa cadaaladda Dr. Xuseen Xoog eriday ee Cusaame, Xirsi, ka Macdantii iyo ninkii Ciyaaraha deysay. Dee waa ta Axmed Silanyo ee cadaalad daradu ay cadaaladda tahay.