Mashruucii Nicholas Kay iyo Dawladda Maqaar-saarka ah oo Fashilmay

 





بسم الله الرحمن الرحيم


Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.


Shirkii Madasha Wadatashiga ee ka furmay Xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane ee magaa lada Muqdīsho ayaa ku soo geba-gaboobay fashil. Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu da mbabaso guuldarradii mashruucii dhicisoobay ee ahaa in 2016ka Somalia laga hirgeliyo door asho qof iyo cod ah ( One man one vote).

Nikolas kay iyo dawladdiisan uu ku maxaabsanayo ayaa tahli kari wayday inay fuliso ballan-qaadkii afar sanno ka hor ay qaadday ee ahaa inay dalka Somalia ay gaadhsiiso doorasho ka duwan kuwii hore ee 4.5 ee wax lagu soo xuli jiray, arrintaas oo marka horeba dadka siyaasa dda u dhuun daloolaa u arkayeen RIWAAYAD iyo arrin aan caqli gal ahayn in xilligan ay ka dhacdo doorasho ah qof iyo cod.

Iyadoo ay arrintaasi jirto ay ku fadeexadoobeen Mr. Kay iyo dawladdan karantiimada kaga jirtay shacbigii ay metelaysay ee ay maanta isku aamini kari weyday inay xafiisyada dawladd a iyo magaalada Xamar dhexdeeda shir ku qabsato oo ay shirweynahan kula soo dhuumatay oo miciinsadeen Xaruntii ciidamada AMISON ee Xalane, ayay haddana sidii Habartii xaabada la kici kari weyday ee tidhi "in kale iigu soo dara " maanta go'aammadii maaweelada ahaa ee ay soo saareen ku sheegtay in ay Somalilandna qeyb ka tahay dawlad goboleedyada Soma lia ee ay doorashada ka qabanayaan.

Arrintaasi waxay noqotay mid aad loogu qoslo oo dadweynaha soo xusuusisay Dawladdii Xu kunkii kelitaliska ahaa ee xilli gabbalkeediiba sii dhacayey oon waddankuba gacanta ugu jirin lahayd "waxan qabanaynaa ciyaarihii gobolada dalka oo 18kii gobolka ka soo qeyb gelayaan oo ay ku jiraan Gobolada Waqooyina".......... hadda waa Waddan kala go'ay oo beri hore lagu kala tegay.



Wabillaahi Tawfiif



Cali Xaruuri

The Netherlands