“Midow Labaad Oo Sal Sharci Aan Lahayni Waxa Uu Sababa yaa Halaag Ka Xun Kii Hore, Koonfur Waxa Ku Dhacay Inqilaab Dhaqan Iyo Mid Aqooneed”

Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Kornayl Calas


 


Hargeysa (TNN) - Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Kornayl Cabdillaahi Xaaji Jaamac Calas ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan koonfurta Somalia uu ku dhacay inqilaab dhaqan iyo mid aqooneed, waxaanu tilmaamay in midow labaad oo dhex mara Somaliland iyo Somalia oo aa n lahayn sharciyad uu sababayo halaag ka xun kii hore, isaga oo xubnaha horjoogayaasha ka a h maamulka Khaatumo iyo Garaadada beesha Dhulbahante ee ka soo horjeeda Somaliland ugu baaqay in Somaliland ay ku soo laabtaan.

Mr Calas waxa kale oo uu sheegay in masiirka beesha Dhulbahante aanu oolin Somalia, balse uu yaalo Somaliland.

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Kornayl Calas waxa u sidaasi ku sheegay qoraal uu soo gaadh siiyay wargeyska Haatuf, oo uu fariin ugu diray kooxda Khaatumo, kaasoo uu sidoo kale kaga w aramay Ilduufkii midnimadii Somaliland iyo Somalia dhex martay 1960-kii, nuxurka qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:-

“Warqad furan oo ku socota madaxda Khaatumo, mudanayaal marka hore aniga iyo saaxiibaday da Haatuf waxaanu idinka raali galinaynaa weedhii warqadaydii hore ku jirtay ee ahayd waa ina ydin u toobad keentaan Somaliland, halkii ay ka ahayd waa inaad u soo laabataan dalkiina hoo yo ee Somaliland.

Marka labaad waxaan idin leeyahay waar talada siyaasadeed ee aayatiinka guud ahaanba umm ada Somaliland, gaar ahaana beeshiinu shalay 1960-kii waxay taalay Xamar, maantase waxa ca d inuu Hargeysa yaalo, maxaa yeelay eega siday wax u dhaceen, 1960kii iyo siday wax u socda an maanta. 1960kii waxa Hargeysa laga diray wafti ay ka mid ahaayeen Maxamed Xaaji Ibraahi m Cigaal, Cali Garaad Jaamac iyo Axmed Maxamed Qaybe, kuwaas oo Xamar la tagay fikradii bi laa shuruuda loogu midoobay, Xamarna kumay qancin, maxaa yeelay waxa joogay siayasiyiin wax la soo baray, siayasadana muddo dheer ku soo jiray, sida Aadan Cade, Cabdilaahi Ciise, Ca bdi rashiid Cali Sharma’arke, Juuje, C/risaaq Xaaji xuseen, dabadeed way ka gabadeen inay ku gacan saydhaan, balse waxay ka soo daba direen wafti sida warqad qoraala oo ay ku qeexeen in in midnamadu ay u baahan tahay nidaam, sidaa darteed harta dawlad soo dhista, anaguna dawlad aan soo dhisano, dabadeed guddi laga xulay labada dawladood ayaa inoo soo dajin do ona nidaamka midowga, waynu jiidhnay taana sidaana waxa ku dhisantay dawlad aan sal sharci oo ay isku taagto aan lahayn, cawaaqibkeediina waa kaynu maanta la jahawareersanahay.

Maanta Hargeysi waxay taagan tahay midow labaad oo aan mar labaad lahayn sal sharci oo la gu wada qanacsan yahay, halaagii hore mid ka xun ayuu sababayaa, sidaa darteed waxaanu ga ranay taladii aanu shalay idinka diidnay inay ahayd ta saxda ah, sidaa darteed anagu wax ba anu dhisanay hay kal dawladeed idinkana kooxaha ka guura oo dawlad soo dhista, markaa ka dibna guddi aynu labada dawladood ka saarnay nidaamka daris wanaaga midkay doonto haw dhacdee guddi ka so talisa labada dawladood aynu ka saarno aan ka dayno qarda jeexa, iyagu na waxay la soo taaganyihiin midnimadu waa muqadas waa intii dhagahooda ku dhacday, waa yo koonfur waxaa ku dhacay iqilaab dhaqan iyo mid aqooneed, taladoodana waxa hormood ka ah da’yar aan aqoon iyo khibrad siyaasadeed aan lahayn.

Sidaa darteed waxaan maanta idin tusayaa taladiinu Hargeysa ayay taalaa cid aad ka magan sanaysaana ma jirto maskax lagu bad baadayaa Xamar ma taalo”
 

source:Haatuf