MASKII ABEHEED
DILAY ISU WADA MAR
FARIIN KU SOCOTA:-
Ku: Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland
: Salaadiinta, Aqoonyahanka ku hawlan xallinta
Khilaafka Siyaasadeed ee dalka ku habsadey
Og: Shirguddoonka Golaha Wakiilada Somaliland
Og: Guddoomiyeyaasha Axsaabta Qaranka.
: Iyo dhammaan inta danaysa jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
September 16, 2009.
Marka
hore waxa qaderin iyo sharafba inaga muddan dadka ay ka midyihiin
Salaadiinta, Aqoonyahanada, Madax dhaqmeedyada, Ururada Bulsha
rayidka ah, ganacsatada ee isu xilqaamay xallintay khalaafka
siyaasadeed ee dalka ka aloosan sidii ay u furdaamin la haayeen.
Muwaadiniintaas oo ka damqanaya in dalkooda iyo dadkooda midna
burbur ku dhaco. Dedaalka iyo tacabka ayaa dadkaasi u tafaxayteen
Ilaahay hortii guul ayey ka gaadhidoonaane, dhinacy ada khilaafku
khuseeyaa iyaguna ha u hoggaansamaan talooyinka wax ku ool ka ah ee
ay soo jeediyaan. Doorkii hore waxa muran ka dhashay ereyga “Dhex
dhexaadin” [Arbitration] oo fasiraad sharciyeed u baahday waana
halkii la isku mariwaayey markii arrinta la gebogebeeyey. Halka waxa
ku haboon in la adee gsado isusoodhoweyn, furdaamin, iwm oo u
dhow ereyga [Mediation]; si aan mar dambe loo kala didin.
Hadaba waa tii la yidhi oodo dhacameed siday u kala koreeyaan ayaa
loo qaad aaye, intaan wax kale lagu degdegin dhacdadii Sabtidii ee
dalka foolxumaday u soo hoysey waa in Golaha Guurtid iyo inta kale
ee dedaalka ku jirtaaba iska kaashadaan baadhitaankeeda, dhinacyada
is hayana mid waliba dhabarka u ritaa masu’uuliyadda mashaqada
dhacday. Waa in laga gungaadhaa sababta keentay in xabbadi dhacdo ka
dibna dad muwaadiniin ihi ku nafwaayaan, qaar ku dhaawacmaan, qaar
kalena hantidodii la boobo. Tani waxay noqonaysaa furaha
isusoodhoweynta iyo in aanay mar dambe wax noocaas ihi dalka ka
dh icin. Haddaan sidaa la yeelinna ogsoonaada in xaalku yahay
buushbaash or mar dambe dib la is weydiindoono.
Hadaba waa in aynu maanta isweydiinaa khilaafkan halka xalkiisu ku
jiro iyo s idii qummaati loo abaari lahaa halka ay wax ka
murugsanyihiin. Muran siyaasa deedkan aan dhammaadka lahayni
dalkan iyo dadkiisaba wuxu u horseedido ona dibu dhac aan laga
soo waaqasan. Muddo kordhin oo keli ah ma noqon kar to xal
kama dambeys ah; bannanbax iyo shicib la kiciyo oo ku dhammaaday
dhi masho, dhaawac, iyo burburin hanti qaran iyo tu gaar ahba iyana
noqonw eydey xal waara oo dalka ka badbaadiya jahawareer siyaasadeed.
Khasaarihii dhacay Sabtidii ayaa sumcaddii, karaamadii, iyo sharaf
wixii aynu lahaynba dhulka jiiday, masu’uuliyaddeeduna waa mid la
wada leeyahay oo wax la isku tuur tuuro ma noqonayso. Goobta
dhimashada iyo dhaawacu ka dhaceen in la isku hambalyeeyaa waa waxa
anshaxa Binii Aadamka ka baxsan.
Ninka door biday in dibadda la inooga soo gurmaday, ha ku taamilo
qaato halka ay la martay faro gelin shisheeye Soomaali koonfureed.
Nabad waarta iyo xasi looni koonfur waxa ka hortaagani waxa
weeye markay taladoodii guddoonsiiy een in cid kale u maamusho.
Dowlad ku-meelgaadh ah iyo mid loo dhanyahay ay ey sideed iyo
taban sannadood ku naaloonayaan; welina guul kamay gaad hin oo
waa kuwaa sida habar dugaaga is cunaya ee addunweynihiina u
caalw aayey in uu kala badbaadsh. Markaa xaalkeenii ma wuxu isugu
biyo shubtay an kuwaas la masowne, waanu wadatashan kariweyne
annagana ha naloo arri miyo? Jawaabtu waa maya. Cidda taa
doonaysaa waxa rabaan mashruuc dalka lagula mideeyo Soomaaliyadii
hore u haliganta, oo maantaba waa kuwaa in CabdiRashiid iyo Wadaad
Shariif luxudka la soo kacey ee ku soo dhiiraday in ay ku dhawaaqaan
annaga ayey na hoos yimaadaan! Halkee sanqadhu uga baxday? Yaa se u
gacan haadinayaa?
Dalka seddex dabar ayaa duyuca lagaga dhigay weliba wax kaaloo ka
sii daran ayaa dabarada weheliya. Haddii seddexda dabar la jaro,
shakaalka weheliyaa isaga ayaa iskii u go’aya!
DABARKA KOOWAAD: JEBIS DIMUQRAADIYADII ISKU
DUUBTAY
Marka u horeysa habsocodkii nidaamka dimuqraadiyada ee la filayey in
uu dalka ka hanaqaado ayaa waxa madaxa iskaga duubtay jebis. Xalka
keli ah ee murankan joogtada ah iyo ismaandhaafka lagaga gudbi
karaana waa in jebistan laga furdaamiyaa. Seddex Xisbi Qaran ayaa
isu aqoonsaday in aan cid kale fagaaraha siyaasadda kula tartami
karin oo keligood dalku u rahmanyahay. Distoorka Qaranka iyo
Xeerarka doorashooyinka midna kuma qeexna in Seddexda Xisbi ee
doorashada Deegaanada ee u horeysa ku guulaystaa weligood ahaanayaan
Axsaabta dalka ka jirdoonta.
Markay seddexda xisbi ku heshiiyeen in geedi socodkii doorashooyinka
la khalkhaliyo oo tii madaxtooyada lasoo horeysiiyo ayaa ujeedadu
ahayd in Qodob sagaalaad ee Distoorka faqradiisa Seddexaad jidgooyo
la hordhigo waxana soo jeediyey mucaaridka oo ku adkeystey.
Arrintaasi maalintay fushay ayaa jahawareerku inala kowsaday.
Mashkalada aynu gacmaheen ku abuuray waxba yaan cid kale oo ina kala
hagta dibadda looga yeedhin.
Ta ugu horesya ee u baahan in sidii Distoorku jideeyey loogu dhaqmo
waa arrintaas ee ciddii in uun dalkan lexejeclow ka haysaa waa in ay
toos uga hawl gashaa oo runta aynu isu sheegnaa. Wixii kale oo
dhammi waxay noqonayaan dab demis iyo murankii oo halkiisa ka
aloosmay markay muddo kordhintu dhammaato. “Kursiga ha la baneeyo;
meesha dib uma sii fadhi karo e ha soo dhaafo; dawlad wadaag, dawlad
ku meel gaadh ah, iyo dawlad loo dhan yahay talada dalka ha lagu
wareejiyo; maanta wixii ka dambeeya dawladda jirta sharciyaday ku
fadhido ma aqoonsanin.. iwm.” Ka dibna waa xaalkeena oo noqda maskii
aabeheen dilay isu keen mar; isqabqabsigii oo halkii ka bilaabma iyo
car iyo car.
Sida marka xaal yahay waxa khasab noqonaysa oo furdaamintuna ku
jirtaa in dib loogu noqdo Distoorka oo Xisbi kale ka qaybgalaan
tartanka wareega hore ee doorashada Deegaanada markay shan sannadood
ka soo wareegtoba. Haddan xalka halkiisa loogu tegin weligeen
murankaas ayaa in hor ooli. Maantay dhowdahay toos ha loo abbaaro oo
yaan laga warwareegin in jebistan qaranka ragaadisey laga takhaluso.
Seddexda Xisbi ee maanta dalka ka jiraa hadday doorashada deegaanada
ku guulaystaan ma cidbaa ka maroorsaneysa?
DABARKA LABAAD: HUNGADA DIIWAANGELINTA?
Ta labaad ee iyan u baahan in xalkeeda si kama dambeysa ah looga
heshiiyo waa sidii loo kala hufi lahaa natiijadii ka soo baxday
Diiwaangelintii codbixiyeyaasha oo musuq, ku noqnoqosho aan loo meel
deyin, iyo isdabamrin baahsani ku jirto. Qalabkii casriga ahaa ee la
yidhi waxbuu kala shaandheynaa wuxu isugu biyo shubtay kaa maanta
inoo horseeday ismaandhaafka iyo goolaaftanka aan wax macno ah ku
fadhiyin. Sida ay mucaaridku warbaahinta soo gaadhsiiyeen bishii
July 25, 2009 waxay sheegeen in tirada wejigii iyo farihiiba sugmeen
ay dhantahay in ku dhow 587,000; halka tirada guud ee diwaangelinta
ka soo baxday ay dhantahay 1,350,000. Waxa meesha ka muuqdaa ma
noqon kartaa diiwaangelin xalaal ah? Jawaabtu waa maya. Sida awgeed
ayaanay tiradani u noqon karin mid doorasho deegaan iyo tu kale
toona lagu geli karin e waxa haboon in haddii la heleyo qalab lagu
kala saaro waxan meesha ku huursan in la raadiyo, oo weliba cid aan
ahayn Interpeace oo dhexdhexaad ihi maamusho. Markaa waa in la helaa
mudada ay kala shaadhayntu qaadaneyso iyo weliba in ay tahay mid
laga dursugi karo oo lagu kalsoonaan karo; hana la ogaado in
Interpeace oo marka horeba murankan dhalisey aanay mar dambe hawshaa
faraha ula gelin.
DABARKA SEDDEXAAD:DOORASHOOYIN ISDABAJOOG AH?
Marka lagu daro doorashadan madaxtooyada ee dalka khalkhalka u
horseeday, waxa iyana sannadka dambe kaabiga inagu soo haya
doorashadii Deegaanada, tii Golaha Wakiilada, iyo tii Guurtida oon
iyada cidiba hawsheed hadal hayn. Waa tiroba afar doorasho oo sannad
keli ah isku soo beegmay. Dhaqaalae ahaan iyo maamulid ahaanba
dalkani hawsha baaxadda le’eg in uu u babacdhigo ma karaa? Jawaabtu
waa maya ee inteynaan mar kale isla oogsan hadda sidii loo maareyn
lahaa ha la isweydiiyo. Qaraamaad addunweynuhu inoogu deeqo iyo
doorashooyin La inaga taakuleeyo halkay ina gaadhsiin?
Markaa miyaanay haboonayn in doorashooyinkan qaarkood mar la wada
qabto, siiba kuwa Madaxtooyada, Deegaanada, iyo Golaha Wakiilada.
Labaddii sannadood ama seddexdiiba in dalka doorasho ka dhacdo
dhaqaale inoo saamaxa hadaynaan haysan, waa in sidii doorashooyinkan
tirada badan Golayaashii Sharci Dejintu mideeyaan oo xeer u
sameyaan. Maanta weynu aragnaa waxa inaga khaldan iyo sidey
arrimaheenii isugu murgeen. Xalku halka uu ku jiraana waa in
arrimaha kor ku xussan laga baaraan degaa si hufanna looga wada
hawlgalaa, haddiii kale halkii ayeynu ka guryo noqon.
Wa Taciya haa udunun waaci,
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
September 16, 2009
|