Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo soo dhaweeyay Baaq ay soo saareen Qurba-joogga Saaxil
 


Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble


Hargeysa March 31st, 2010  (TNN)- Masuulliyiin ka Tirsan Xisbiga KULMIYE oo soo  Dhaweey ey Baaq ay soo Saareen Qurbo-jooga Reer Saaxil ee Birmingham.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo masuulliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE ee ka soo jeeda  gobol ka Saaxil, ayaa soo dhaweeyey Shir ay isugu yimaadeen xubno ka soo jeeda Saaxil oo  dha waan ku qabsoomay Dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaallada Birmingham, kaasoo ujeedadiisu ahayd baaq kusocda dadweynaha reer Saaxil oo ku saabsanaa inay ka qayqaataan isbedel dalka ka dhaca, islamarkaana si buuxda u taageeraan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE.

Kullan ay isugu yimaaeen xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Guddoomiyaha Warbaahinta u  qaabil san KULMIYE Maxamed Cilmi Aadan iyo Axmed Cali Nuur oo ka tirsan xisbiga, ayaa kullan ay ku qabteen Hudheelka Xaraf waxay hambalyo iyo bogaadin u direen shir ay dhawaan isugu yimaadeen xubno reer Saaxil ah oo isugu jiray rag iyo haween, kaasoo baaq loogu jeediyey dadweynaha ku abtirsada Saaxil inay qayb ka noqdaan isbedel dalka ka qabsooma.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ujeedada kullankooda ka hadlay, ayaa waxa uu hadalkiisa oo dhammaystirani u dhignaa sidan “Waxaan doonayaa inaan halkan hambalyo iyo sallaan diiran oo aad u qiime badan uga diro rag iyo haween ka soo jeeda gobolka Saaxil, oo dhawaan  isu gu yimi shir ka dhacay Birmingham oo guud ahaan baaq ugu soo jeediyey reer Saaxil in  xis biga KULMIYE la taageero, kuwsoo uu hormood ka yahay odayga Saleebaan Cumar ku-joog, Mujaahid Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye, Cabdikhaaliq Maxamed Sheekh, Cismaan Nuur, Cumar Cabdillaahi Yaasiin iyo rag kale oo farobadan oo runtii ka tashaday aayaha ummadooda oo go’aan ka qaatay aad iyo aadbaan u hambalyaynayaa, aad iyo aadna waan u soo  dhawayn ayaa. Reer Saaxil waxaan u arkaa inay maanta waayo-arag ka noqdeen dalka waxaa ka socday, runtiina waxaanu qabnaa rajo-badan taageero badana waanu u huraynaa. Haddii dalka isbedel ka dhaco horumarka dalka waxaa ugu horaysa Berbera sida barnaamijkayaga oo dhawaan la sii dayn doono aanu ugu tallogalnay, mudnaanta uu gobolka Saaxil  leeyah ayna barnaamijkayaga ayaa lagu arki doona.”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu dareen rajo leh ka muujiyey doorashada  madaxtooya dda Somaliland ee la filayo inay dhawaan dalka ka qabsoonto, waxanuu yidhi “Runtii, maanta maalin aan ka rajo banahay ma jirto, rajadaan qabaana aadbay u badantahay inay  doorash ada adaxtooyadu dhacdo oo weliba ah mid xor iyo xallaal ah, waxaaku kalsoonahay  Komish anka Doorashooyinka, illaa hadda wax wareen ah oo ka soo baxay ma jirto, hadallada  xisbiy ada aan ka maqlaana waxay muujinayaan in lagu kalsoonyahay iyo xukuumadduba, guud ahaana waxaad mooda in dalka oo dhammi ku kalsoonyahay, doorashada w ka horaysa  bed ellaada kaadhadhka oo sid aga dhawaajinayo ay noqoto bisha April, markaa sida  xeerkuqor ayo inay laba billood ka danbayso ayaa la filayaa, waxaanan ku rajoweynahay bilowga Bisha June inay doorashadu bilaabanto.”

Source:Somaliland.org