Masuuliyiin Lagu Suntay Hogaanka Waxqabadka Mudo Shansano Ah Oo Maanta La Abaal Mariyey Iyo Labada Wasiir Ee Madaxtooyada Iyo Hawlaha Guud Oo Ka Mid Noqday

 



Hargeysa (TNN) :- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu qabtay munaasibad si weyn loo soo agaasima y oo u jeedadu ahayd in ururka sodra abaal marin ku sunto xubno masuuliyiin tira bada n oo loo aqoonsad ay inay yihiin shaqsiyaad ka soo baxay shaqadii loo igmaday iyo horumarinta danta guud

Munaasibada waxa ka soo qayb galay Marwada Madaxweynaha, Wasiirka cusub ee Hawlaha Guud ,Wasiir ka Arimaha Dibada, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta ,Wasiirka Caafimaadka, Afhayeenka madaxtooyada, Ag aasimayaal, xildhibaano ,Wasiiro ku xigeeno iyo marti sharaf kale

Munaasibadu intii ay socotay waxa hadalo ka jeediyey Wasiirka Caafimaadka Wasiirka Hawlaha Guud ,Wa siirka Diinta Iyo Awqaafta ,Wasiirka Arimaha Dibada, Maayarka Laascaanood, Marwada Madaxweynaha Iyo Masuuliyiin kale waxaanay dhamaantood xuseen in wax qabadka la sameey ey uu hormuud ka yahay Madaxweyne Siilaanyo oo isagu ah mishiinka ka danbeeya dhaqaajinta iyo dhisida Horumarka Danta Guud ee Dalka



Xubnaha Safka Hore kaga jira Abaal Marintan ayaa waxay kala yihiin:


1- Marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed Jirde

2- Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabsi

3- Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Cali Xasan (Mareexaan)

4- Wasiirka Arimaha Dibada Sacad Cali Shire

5- Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye)


Sidoo kale waxa xusid mudan in Abaal Marintan Xafiiskiisa Lagu Gudoonsiin Doono Madaxweynaha Janhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo