Masuuliyiin Uu
Horkacayo Axmed Siillaanyo Oo Booqday Talisyada Ciidamada Qaranka
Iyo Bileyska Somaliland
Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah
ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxa muud (Siillaanyo), gudoomiye
ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada iyo xubno ka tirsan xisbigiisa
iyo urur-siyaasadeedka QARAN ee bah-wadaagta kula jira xisbiga
KULMIYE, ayaa shalay booqday Talisyada Guud ee ciidamada Milateriga
iyo Bileyska ee magaalada Hargeysa.
Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan booqashada ay masuuliyiinta
xisbiga KULMIYE ku tageen Talisyada ciidamada Qaranka iyo Bileyska
laga soo saaray, hase yeeshee siday ay Haatuf u xaqiijiyeen
Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranku in weftiga KULMIYE oo abaaro
11:00 Subaxnimo booqday Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka ay halkaas
kula kulmeen Taliyaha ciidanka Nuux Ismaaciil Taani, isla markaana
ay la yeesheen kulan albaabadu u xidhnaayeen.
Warku ma sheegin waxyaabihii ay madaxda KULMIYE kala hadleen Taliye
Nuux Taani iyo ujeedada booqashadooda toona. Hase yeeshee waxaa loo
malaynayaa inay booqashadoodani ka dhalatay falkii ay doraad
ciidamada Bileysku kula kaceen gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siillaanyo
iyo taageerayaal la socday oo ka soo dareeray xaflad lagu xusayay
aasaaskii SNM, kuwaas oo ay Bileysku si badheedha ah rasaas aan la
filayn oodda ugaga qaadeen, waxaana tallaabadaas loo arkay mid
khatar ku noqon karta nabadgelyada iyo nidaamka dimuqraadiyadda ee
ay Somaliland qaadatay.
Axmed Siillaanyo oo ay booqashada Taliska Ciidanka Qaranka ku
weheliyeen gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Baashe
Maxamed Faarax, Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN, Dr. Maxamed
Cabdi Gaboose iyo ku-xigeenka 2aad Jamaal Caydiid ayaa markii ka soo
laabteen booqashadooda Taliska ciidanka Qaranka waxay sidoo kale
booqdeen Taliska Guud ee Bileyska Somaliland, halkaas oo ay kulan
kula yeesheen Taliyaha Bileyska Maxamed Saqadhi Dubad.
Warku wuxuu intaas ku daray in masuuliyiintan si fiican loogu soo
dhaweeyay Talisyada ciidamada ee ay booqdeen.
Ma jiro war rasmi ah oo faahfaahin ka bixinaya waxyaabaha ay
masuuliyiinta KULMIYE kala hadleen Taliyeyaasha Bileyska iyo
Milateriga toona, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay ujeedadoodu
ahayd sidii ay Saraakiisha ciidamada ugu wargelin lahaayeen inaanay
shacbiga iyo masuuliyiinta mucaaridka toona awood ciidan loo
adeegsan wakhtiga uu dalka ka jiro khilaafka siyaasi, isla markaana
ay ciidamadu maadaama ay yihiin kuwo qaran ay ilaaliyaan shuruucda
iyo nidaamka dimuqraadiyadda ee dalka u degsan, iyagoo aan ku
milmayn muranada iyo khilaafyada siyaasiga ah ee xisbiyada qaranka u
dhexeeya, isla markaana aanay ku sifoobin kuwo qof, xisbi iyo koox
gooni ah u shaqeeya.
Haatuf
|