Masuuliyiinta Madasha Wadda Tashiga Iyo Toosinta Qaran ka Ee Gobolka Togdheer Oo Xukuumada Somaliland Dhaliilo Ba'an U Soo Jeediyey.
 


Burco (TNN):-Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka iyo Xubno badan oo kamid ah Mujaahidiintii Snm ayaa maanta Shir Jaraa,id oo ay ku naqdiyaya an Xukuumada ku Qabtey Huteelka Golis ee Magaalada Burco.

Xubnahan ayaa Xukuumada Siilaanyo u direy fariin adag oo Isugu jirta Digniin iyo in aanay dalka ka abuurin Xaalad buuq iyo Qulqulatooyin ka Siyaasadeed ah Islamarkaana, ay Iska Deyso faragalinta iyo Iska Dhagamarinta Mujaahidiintii dalka usoo halgamay sida ay hadal kooda u dhigeen Waxaanay ka Digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii la isku dayo in Xadhig iyo wixii lamid ah loola Yimaado Mujaahidiinta Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.

Siciid Axmed X- Qulunbe Oo ka mid ah Madaxda Madasha Wada-tashiga iyo Toosinka qarank a oo ugu horaynba halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladisii ka mid ahaa:
“Waxaanu halkan kasoo jeedinaynaa in Madexweynuhu umada u cadeeyo Waxan uu u diidan yahay in Wasiirada Macdanta iyo Duulista Hawadu inay Baarlamaanka hor yimaadaan oo ay umada u cadeeyaan Musuqmaasuqan lagu eedeynayo Hadeynu Reer Burco nahay Waxaanu leenahay Ragaasi Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranku waa Ragii Waaweynaa ee SNM xaqbay u leeyihiin in ay hadlaan waxaanay yidhaahdeen Muhiimada Madexweyne La Xisaabtan dadkaaga Madexweynuhu Mushkilad ayuu galinayaa dalka si aan loola Xi saabtam in kolba Ciidanbaa la daadinayaa Hargeysa habeen walba Ciidamada ayaa la cadibayaa, wey din arkeyseen shaley waxa lagu diley Berbera Afhayeenkii Xisbiga Ucid oo ay gacan saareen ninka Dekeda Haysta iyo Ciyaala Suuq la Socda oo Guulwadayaal Waligoodba la yaqaaney ah umada iyo Shacbigu way kula Xisaabtamyaane aawey Cashuurtayadii ayay ku leeyihiin kolba meel ha isku qaadin Madexweyne” ayuu yidhi Siciid X- Qulunbe

Siciid Xasan Nuur waaye Oo isaguna halkaasi ka hadlay waxa Hadaladisii ka mid ahaa “Waxaa n aaminsanahay hadaan la helin cid hadasha oo ka hadasha Wacyiga taagan inaan waxba ji rin, waxaan leeyahey Ragaa Mujaahidiinta ahi in ay yihiin rag Wadankan wax badan u soo marey in ay yihiin ma noqon karaan rag wax burburinaya waa rag isku xilqaamey toosinta iyo Dhaliisha Wadanka Mujaahidiintan Waaweyni dadka ayay indho u yihiin ee hadaad diida an in la idiin sheego waxa idinka khaldan la idinka yeeli maayo Madexweyne malaha ma diidin in dowladaada loo Sheego wixii ka xun laakiin sikale ayaa wax laguugu sheegay, Madexwey nuhu markuu safarka ugu soo baxey Gobolkan ilaa halkii uu ugu dambeeyay ee Baligubadle waxa uu dhiyay Dhagax waa la arki doonaa halka ay ku dambeeyaan iyo in ay noqdaan kuwii aynu ku nacney Dowladii Rayaale ee iyaduna dhigi jirtey, Waxaan hadalkeyga ku soo gunaa nadayaa Madexweyne Waxaanu kaa eegayney inaad Waxqabad dhab ah la timaado laakiin lagaama fileyn in aad Odoyaasha Madasha iyo Dadweynaha isku reebto oo aad tidhaado iska ilaaliya Madasha kuwa Madasha wax ka sheegayaan ma aha dadkii loo baahnaa in ay ka hadlaan Masiirka umada” ayuu yidhi Siciid Nuur Waaye

Mujaahid Axmed Qori Gubtey oo kamid ah Mujaahidiintii waaweynaa ee Snm islamarkaana, H alganka Snm la bilaabay Mujaahid Maxamed Cali oo ka hadley halkaasi ayaa si qiiro leh u she egay in Xoriyada iyo dowladnimada maanta la haystaa ay kutimid dhiigii usoo daatey, ee ku manaanka qof kusoo shahiideen, waxaanu Madexweyne Siilaanyo ku eedeeyay in uu ku tun tey halgankii Snm Mujaahidiintii oo dhan Xaquuqdoodii maantana uu afartii kasoo hadhey doonayo in uu gumeeyo isagoo ooyay, markii uu ku guda jirey hadalkiisa Waxaanu si qiiro leh u xusey in uu ragii aasaaska u ahaa halgankii hubeysnaa Xaasaskoodii xadhig ugu abaal gudey.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadley Siciid Calas, Mujaahid Mustafe Aw Nuur(Gacan), iyo Xubno kale oo kamid ah Dadweynaha Reer Burco iyo odoyaasha taageersan Madasha Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka. oo kamid ah Taageerayaasha Madasha wadatashiga iyo Toos nta Qaranka.

Ugu Danbayntii Shirkani Jaraid ayaa ku soo Beegmaya Wakhti ay Saxafada Dhaliilo Xoogan isu marayaan Madasha Wada-Tashiga iyo Xukumada S/land.
 

Source:Golisnews