Masuuliyiinta Sare ee Xukuumadda Somaliland oo la Sheegay inay ku Kala Aragti Duwan Yihiin Qaabka Muqdisho loo Gaadhsiinayo Dhaqaalaha loo Ururiyey Soomaalida

 


 

 


Mawqifka Madaxweyne Siilaanyo taagan yahay iyo aragtida Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland aaminsan yahay

 


Hargeysa (TNN)- Masuuliyiinta sare ee ku jira xukuumadda Somaliland, ayaa la sheegay inay ku kala aragti duwan yihiin qaabka magaalada Muqdisho loo gaadhsiin doono lacagaha loo ururiyey taakulaynta loogu talogalay dadka dalka Soomaaliya ee baaraha iyo gaajadu ku habsadeen.

Xogo Jamhuuriya helay, ayaa tibaaxay in saraakiil sare oo xukuumadda Somaliland ka tirsani aaminsan yihiin in caawimada dadka baaruhu ku dhufteen loo ururiyey dawlad ahaan loo gaadhsiiyo magaalada Muqdisho, isla markaana qaadaan masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Somaliland, halka madax kaloo xukuumadda ahna ku doodayaan in aanay bannaanayn in masuuliyiin dawladda Somaliland ka socda xilligan munaasib ku ahayn tegista Muqdisho, balse fiican tahay in kaalmaadaasi qaab kale loo gaadhsiiyo dadka loogu talogalay ee ku macaluulaya dalka Soomaaliya.

Sida xogo ku dhow xukuumaddu si hoose ugu sheegeen Jamhuuriya shalay, Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, ayaa la sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan in kaalmada Soomaaliya looga ururiyey Somaliland lagu gaadhsiiyo Muqdisho qaab dawladeed, kuwaas oo ku doodaya in lala yimaad fikir kale oo lacagaha la ururiyey loo gaadhsiin karo dadka abaaraha iyo macaluushu ku dhufteen, iyagoo masuuliyiintan oo Madaxweynuhu u horreeyo ay rumaysan yihiin in siyaasiyan aanay xilligan habboonayn in masuuliyiin reer Somaliland ah tagaan Xamar.

Haseyeeshee, sida xogahaasi tibaaxeen waxa fikir kaas ka duwan qaba Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Saylici iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda tirsan, kuwaas oo sida la sheegay iyagu aaminsan in dawlad ahaan deeqdaas loo gaadhsiiyo magaalada Muqdisho, isla markaana wasiirro ama madax sare oo Somaliland ka tirsani kaalmadan qaadayaan.

Xafiiska Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Jamhuuriya la xidhiidhay shalay si jiritaanka warkan wax looga weydiiyo, ayaa ka hadalka mowduucaas isaga riixay dhinaca guddida qaranka ee xilsaaray taakulaynta abaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, kana tirsan guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya oo isagana dhinaciisa wax laga weydiiyey waxa ka jira arrintaas, sheegay in aannu jirin wax khilaaf ah oo la xidhiidha qaabka taakulaynta loo geyn doono Xamar, isagoo xusay in qorshahaas doodeeda lagu jiro oo marka wax soo baxaan kadib saxaafadda loo sheegi doono.

“Wax khilaaf ah kama jiro, arrintaasina waa lagu jiraa oo marka wax soo dhammaadaan waa la idiin sheegi doonaa,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.

Hase ahaatee, sida tibaaxaha soo baxay sheegayaan dawladdu way ku kala mawqif duwan tahay qaabka lacagaha la ururiyey loo gaadhsiin karo magaalada Muqdisho.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa horraantii bishii August ee sannadkan 2011guddi ka kooban 7 wasiir u magacaabay kaalinta sidii qaadhaan loogu heli lahaa dadka ku tabaalaysan Soomaaliya, iyada oo guddidaasi lacago badan u ururiyeen dadka ku tabaalaysan Soomaaliya.

Haseyeeshee, arrintaasi ayaa doodo kala duwan ka abuurtay Somaliland dhexdeeda, kadib markii qaybaha bulshadu aragtiyo kala gedisan ka bixiyeen qaadhaanka loo raadinayo Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ku doodayaan in aanay qurux badnayn in lacago laga ururiyo Somaliland loo raro Muqdisho, iyadoo dalka gudihiisa dhibaato iyo baahi weyn ku hayso muwaaddiniin tiro badan, halka kuwo kalena aaminsan yihiin in tallaabadani tahay mid dhinaca habboon loo qaaday oo Somaliland sumcad u soo jiidaysa.

 

Source:Jamhuuriya