Masuuliyiinta
Somaliland ee Gobolka Sool oo taageeray
go’aankii muddo kordhinta Golaha guurtida
Iyadoo ay maanta Golaha Guurtida
Somaliland ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen muddo kordhinta
xukuumada hadda talada haysa muddo lix bilood oo danbe ay inay xilka
madaxtinimada Somaliland ay sii hayso ayaa waxaa soo baxaya baaqyo
lagu taageerayo arinkaasi.
Maamulka Somaliland ee Gobolka Sool ayaa waxa ay taageereen muddo
kordhinta Golaha Guurtida ee Somaliland iyagoo ku tilmaamay in
Golaha Guurtida ee Somaliland ay gaadheen go’aan looga baahnaa inay
gaadhaan kaas oo ku salaysan aqoon iyo waayo aragnimo loona baahan
yahay in lagu dhaqmo.
Sidoo kale masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Sool oo si wada jir
ah saxaafada u soo gaadhsiiyay go’aankan iyadoo uu hor kacayay
Taliyaha Qaybta Police-ka Gobolka Sool ahna kusimaha Badhasaabka
Golka Maxamed Saleebaan Gooni ayaa waxa uu sheegay in loo baahan
yahay geesinimada ay sameeyeen in loogu tahniyadeeyo.
Muddo kordhinta Golaha Guurtida ee Somaliland ay u kordhiyeen
xukuumada hadda talada haysa ayaa waxa ay ku tilmamaeen maamulka
Somaliland ee Gobolka Sool inuu yahay muddo kooban oo loogu diyaar
garoobayo doorashada Somaliland taas oo ku dhici kari wayday
waqtigii loogu talo galay cilado farsamo awgood.
Hadaba muddo kordhintan codka aqlabiyada ah ay ku ansixiyeen Golaha
Guurtida ee Somaliland uuna ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Guurtida
ee Somaliland Saleebaan Gaal ayaa waxaa ay kusoo beegantay xilli
muran siyaasadeed uu ka jiray Somaliland taas oo soo afjarmay maanta
iyadoo ay shacabka Somaliland si wayn ugu tahniyadeeyeen.
Ahmed Abdulahi Binow
Isuduwaha wasaarada warfaafinta iyo wacyi
gelinta Somaliland ee Gobolk Sool.
|