Masuuliyiinta Somaliland Oo Aqoon Korodhsi
Ugu Baxay Itoobiya



Hargeysa (TNN): – Wefti xubnihiisu ku dhow yihiin soddameeye xubnood oo iskugu jira Gol eyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa maanta dalka ka dhoofay si ay tababar dh inaca hoggaaminta ah ugu soo qaataan dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya.

Weftigan waxa Hoggaaminaya Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxa med Cabdilaahi (Cirro), waxaana xubno ka ah Xildhibaanno ka tirsan Wakiiladda iyo Guurti dda, Wasiir Ku xigeennada Warfaafinta iyo Shaqadda iyo Agaasimeyaasha wasaaradaha qaarkood.

“Waxaannu nahay wefti balaadhan oo ka socda Somaliland kuna socda dalka Itoobiya, wa xaanu dalkaas u tagaynaa tabobar ku saabsan hogaaminta. Weftigani waxa uu ka kooban yahay labaatan mudane oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, agaasimeyaal guud iy o Wasiir ku-xigeenno,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu.

Mar uu gudoomiyuhu ka hadlayay qiimaha uu tabobarkaasi u leeyahay xubnahan iyo wax yaabaha kale uu u qorshaysan inta ay joogaan dalka Itoobiya waxa uu yidhi “Tabobarkaa s waxaanu filaynaa in uu wax badan ku soo kordhin doono Somaliland, intaanu halkaas jo ogno, waxaanu kulamo la soo qaadan doonaa haddii Alle yidhaahdo madaxda dalka Itoo biya.

Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa ururka midowga Afrika. Waxa iyana aanu is leenahay oo aanu doonaynaa in aanu wax ka soo qabanno arrinta qadiyada Somaliland iyo ictiraaf raadinta.”

Source: Somaliland.Org