Masuuliyiinta Xidhan oo loo diyaariyay eeddo hor leh & kulamo ay ka yeesheen madaxtooyada iyo xeer ilaalintu

 

 


“Nimanka waxa lagu eedeeyey raashin ay lunsadeen, taas ayaanuna u fadhinaa in lagu cadeeyo ama lagu waayo, laakiin eed cusub in loo sameeyo maaha wax dhici kara iyo wax aanu u fadhino toona”

 


Hargeysa (TNN) – Saddexdii masuul ee loo haystay inay lunsadeen raashin muwaacinno ah ayaa la sheegay in kiiskooda loo gud-biyey xeer-ilaalinta si ay u horgeeyaan maxkamadda, waxaana diyaarinta dacwadda waqtigan xaadirka ah gacanta ku haysa xeer-ilaalinta, iyadoo labo-sadexdii maalimood ee u danbeeyey xarunta madaxtooyada lagu falanqeynayey tashi ku saabsan sida loo dhigayo eedda iyo xukunka saddexda masuul ee ku xidhan xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, kuwaasoo kala ah Axmed Cilmi Barre (Agaasiimihii Guud ee Dib u Dejinta), Axmed Cumar Xaji Cabdilaahi (Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex) iyo Cisman Siciid (La Taliyihii Madaxweyne Ku Xigeenka).

Photo File: Muqaalka Baadhasaabkii Hore ee Hargeysa Mr. Xamarji oo Askari Booliska ahi Gacanta Hayo, iyadoo Maalintii Xabsiga loo taxaabayay uu ku sugnaa Xarunta Baarlamaanka ee Hargeysa

Sida ay sheegeen warar xogogaal ah oo laga soo xigtey ilo u dhuun daloola dhinaca Madaxtooyada waxa dhowrkii maalmood ee ina dhaafey qasriga madaxtooyada ka dhacayey kulamo googoos ah oo dhex-marey qaar ka tirsan madaxda sare ee Madaxtooyada fadhida iyo saraakiisha sarsare ee xeer ilaalinta iyo waliba saraakiil ka tirsan bilayska, waxaana kulamadaa lagaga arinsanayey qaabka iyo sida loo dhigayo eedeynta iyo xukunka sadexdan masuul oo mudo bil gaadheysa ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Sida ay wararku sheegeen saraakiisha dhinaca bileyska looga yeedhey ee kulamadaa ka qayb galey waxa ka mid ah taliye ku xigeenka bileyska Somaliland Cabdiraxmaan Fooxle iyo taliye ku xigeenka CID da.

Sidoo kale dhinaca xeer ilaalinta saraakiisha looga yeedhay ee ka qayb galey kulamada madaxtooyada ka dhacay waxa ka mid ah xeer ilaaliyaha gobolka (Mr. Sanjeex), iyadoo dhinaca madaxtooyadana ay kulamadaa qayb ka ahaayeen xubno ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka, wasiir-kuxigeenka waxbarashada iyo wasiirka madaxtooyada iyo xubno kale oo kala duwan.

Sida la sheegay saraakiisha xeer ilaalinta iyo bileysku waxay kulamo kala gaar ah la yeesheen Madaxweyne ku xigeenka, wasiirka madaxtooyada iyo weliba xubno kale oo isugu jira wasiiro iyo masuuliyiin kale, waxayna wararku sheegeen in aakhirkii halkaa lagu gaadhey talo kama danbeys ah oo ku saabsan qaabka loo dhigayo eedeynta iyo xukunka saddexdan masuul, iyadoo ay wararku intaa ku dareen in xataa madaxtooyada looga yeedhay garsooraha la qorsheeyey in kiiska la horgeeyo. Taas oo ay wararka qaar leeyihiin xataa wax-baa la iska sii waydiiyey mudada xukunkoodu inta uu noqonayo iyo waxa maxkamadda horteeda lagaga dhawaaqi doono, taasina ay tahay arin ay dhinacyadu sawtal-faahim ka sii yeesheen oo wax layskaga sii ogyahay.

Lama oga sababta keliftey in saraakiisha garsoorka (Xeer ilaalinta iyo maxkamadda) iyo saraakiisha bilayska ee kiiskan ku lug leh in looga yeedho madaxtooyada. Haseyeeshee warar lagu kalsoonyahay oo soo baxey ayaa daboolka ka qaadaya in gabi ahaanba laga guuray eedeymihii hore loogu soo oogey saddexdan masuul, lana hal abuurey eedeymo cusub oo aad uga duwan wixii hore loogu eedeynayey ee ay ku xidhnaayeen.

Sida la ogyahay saddexdan masuul waxay ku eedeysnaayeen lunsi iyo xatooyo raashin mucaawino ah, laakiin eedeynta cusub ee hadda la qorsheeyey waxay tahay wax loogu yeedhay dayacaad (Negligence) iyo amar diido, taasina ay tahay eedda ay xeer-ilaalintu gacanta ku hayso hadda ee ay maxkamadda ka hor-ooggi doonto .

Amarka xadhiga sadexdan masuul iyo danbiga lagu eedeynayoba waxa markii ugu horeysey markii ay taariikhdu ahayd 10 March, 2012 warbaahinta kaga dhawaaqey Madaxweyne ku xigeenka JSL mudane Cabdiraxman Saylici, wuxuuna isagoo arintaa ka hadlaya yidhi “Taliyaha Boliceka ayaan amrey inuu raashinkaa qabto, baadhitaan dhab ahna sameeyo, baadhitaankiina wuxuu noqdey in masuuliintii qaranka oo aanu wax u dhiibney iney leexsadeen rashinkaa”.

Saddexdan masuul isla maalinta xadhigooda la amrey ayaa laga qaadey xilalkii ay hayeena, wuxuuna Madaxweyne ku xigeenku sababta xilka qaadistooda ku tilmaamey inay lunsadeen raashin ay dad masaakiin ahi leeyihiin, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Markii ay noo cadaatey inay leexsadeen oo ay iibsadeen raashin dad masaakiin ah loo wado ayaanu sadexdan masuul xilka ka qaadney”.

Madaxweyne ku xigeenka mar la weydiiyey sida uu ku cadeynayo inay masuuliintani raashin lunsadeen wuxuu ku jawaabey “Danbiga ayay gacanta kula jireen (Falgaraso)”.

Sidoo kale taliye ku xigeenka policeka Cabdiraxman Fooxle ayaa isna ka Hadley eeda loo xidhay masuuliintan, wuxuuna sheegay inay raashin lunsadeen, wuxuuna warbaahinta ka sheegay inuu cadeymo u hayo raashinka masuuliintan lagu eedeynayo inay lunsadeen, isagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Dhiiqadii ay faraha kula jireen iyo danbigii ay qaranka ka galeen ee aanu ku qabaney cadeymaheediina aanu keeni doono ayay hada kula galgalanayaan wasiiro”.

Sida hadaba ku cad hadalada ay bilowgii arintan warbaahinta ka jeediyeen madaxweyne ku xigeenka iyo taliye ku xigeenka Boliceku waxa sadexdaa masuul xadhigooda iyo xilka qaadistoodaba lagu xidhiidhiyey musuqmaasuq iyo iney raashin mucaawino ah lunsadeen iyadoo waliba waraaqihii iyo qoraaladii lagu ansixiyey xadhiga masuuliintan lagu sheegay cadadka iyo noocyada raashinka ay lunsadeen.

Sidaa darteed mudo dheer waxay ehliyadda saddexda masuul iyo guud ahaan dadka reer u fadhiyeen in musuqmaasuqa nimankan lagu eedeeyey lagu caddeeyo ama lagu waayo. Haseyeeshee sheekada hadda soo baxaysa ee ah in laga guuray eeddii hore, loona guuray eed cusub waxay noqonaysaa lama filaan iyo sheeko aan loo fadhiyin, waxaana markiiba ka dhashay dareemo iyo aragtiyo walaac leh.

Lama oga sababta madaxtooyada iyo xeer-ilaalinta ku keliftay inay dhalan-gedido eeddii markii hore lagu soo oogay saddexdan masuul, hase yeeshee waxay xogaha soo baxayaa sheegayaa in haba yaraatee wax cadayn ah loo waayey dembigii markii hore nimankan loo maleegay, sidaa darteedna ay arintu ka fursan-waday in eed cusub la abuuro.

Sida ay wararku sheegeen xeer ilaaliyaha gobolka Mr: SANJEEX ayaa wakhtigan xaadirka ah gacanta ku haya diyaarinta eedda cusub, iyadoo ay wararku intaa ku dareen in xeer ilaaliyaha gobolka iyo rag kaleba ay ka mid ahaayeen raggii talada ku bixiyey in eed cusub loo sameeyo masuuliintan, maadaama eeddihii hore loo waayey qiil iyo caddaymo ummadda laga iibiyo.

Xeer ilaaliyaha gobolka oo ah ninka eedda cusub maxkamada ka hor oogaya waxay isku reer yihiin madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxman Saylici iyo wasiirku xigeenka waxbarashada Cali Xaamud oo labaduba ka mid ah ragga safka hore kaga jira eedaha iyo xukunka loo diyaarinayo saddexdan masuul, iydoo uu hore madaxweyne-kuxigeenku u sheegay inuu wasiir-kuxigeenka waxbarashadu ahaa qofkii u horeeyey ee u soo sheegay inay nimankaasi raashin lunsadeen, laakiin hadana waxa la sheegay inay ciidanka baadhista dembiyada (CID) ay marar badan u yeedheen Cali Xaamud si ay wax uga waydiiyeen arintan, balse aanu mar qudha hortegin oo uu ka war-wareegay, lamana oga sababta uu sidaa u yeelay, waxaysa u muuqataa inuu wasiir-kuxigeenku caddayn u waayey wixii uu sheegay. “Nimankan waxaa lagu eedeeyey inay raashin lunsadeen, taas oo kaliya ayaanu uga fadhinaa in ama lagu cadeeyo ama lagu waayo, laakiin sheekadaa odhaneysa eed cusub ayaa nimankii loo sameeyey waxaanu u aragnaa inaanay wax dhici kara ahayn, hadii ay taasi dhacdona waxay noqondoontaa jariimad tii hore ka xun, madaxweynahana marar badan oo aanu la kulaney waxa kaliya aanu ka codsaney waxay ahayd cadaalad iyo in nimankaa lagu cadeeyo ama lagu waayo musuqmaasuqaa lagu eedeeyey, madaxweynuhuna taa wuu nagu balan qaadey, waanuna uga fadhinaa , mana filayno inay cadaalad darro intaa le,egi dhici karto” sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah ehliyadda masuuliinta xidh-xidhan oo dareenkiisa ka bixinaya wararka sheegaya in nimankii xidh-xidhnaa eedo cusub loo sameeyey, lagana guuray wixii hore loogu eedaynayey ee ahaa inay raashin lunsadeen.

Inkasta oo markii hore saddexdan loo xidhay, xilkana looga qaaday qaab fir-kanax leh oo inqilaab u eg, islamarkaan eedayntooda aad loo buun-buuniyey oo lagu micneeyey inay galeen dembi culus, hadana waxa markiiba soo if baxay warar iyo macluumaad daah -furaya inaanay sheekadu sidaa ahayn ee ay wax badani ka bedellan yihiin, waxaana ra’yul-caamka iyo indhaha hortooda yimi sida ay tahay xaqiiqdu, halkaana waxa ka muuqatey in ay raggii masuulinta xukuumadda ahaa ee sheekada siddan u soo dhigay ay xukuumadda geliyeen dabbin aan laga fiirsan, taasina ay keentay in markii danbe lagu mergado sidii arintaa la isaga furdaamin lahaa, sidaa darteedna waxay madaxda sar-sare ee arinta ka shaqaynayaa maalmo badan ku mashquulsanaayeen sidii ay arinta u dhigi lahaayeen, sidaa darteedna waxay miciin bideen in eedo cusub la hal-abuuro, maadaama wixii ay ku sayaxeen ee ay ummadda u sheegeen aanay u hayn qiil iyo caddaymo ay badka geeyaan, hadiise ay arintu sidaa u dhacdo waxa halkaa ka muuqata inay xukuumaddu mar labaad gelayso dabin hor leh.

Dadka axwaasha iyo sheekooyinka xukuumadda u dhuun-daloolaa waxay aaminsan yihiin inay talaabada caynkan ah is-leedahay kaga baxso fashilkii kaga yimi talaabadii isugu jirtay xadhiga iyo xil-kaqaadista ee ay hore ugu fuliyeen saddexdan masuul, taas oo ama badheedh haloo galo ama is-moodsiis haloo galee ahayd talaabo laga dhadhansaday cadaawad iyo tayiiso-xumo siyaasadeed.

Si kastaba wax haw-jireene hadii ay arintu u dhacdo sida la soo werinayo, waxa halkaa ka dhalan kara joor-fal iyo cawaaqib-xun.

source:saxafi