Masuuliyiintii Degmada Tog-wajaale oo dhamaantood xil kii laga qaaday iyo maamul cusub oo loo magacaabay

 

 

   

Aaden Muuse Cilmi (Shiine)
Mayorka cusub ee magaalada Tog-wajaale



Hargeysa (TNN):- Gudoomiyihii degmada Tog-wajaale, Xaashi Maxamed Cabdi, ku xigeenkiisii Maxamuud Sheekh Muuse Bookh iyo Xog-hayihii degmada C/naasir Xasan C/laahi ,ayaa xil kii laga qaaday iyada oo la magacaabay masuuliyiin cusub.
 
Masuuliyiintan xilka laga qaaday, ayaa mudo dheer oo ku siman afar sanadood iyo badh xil ka soo hayay, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 8/4/2015 , xilka laga qaaday sida ku cad warqada xambaarsanayd xilka qaadis iyo magaacaabis oo maanta ka soo baxday Wasaraa da Arrimaha Gudaha, kuna saxeexan yahay Wasiir Cali Maxamed Warancade.
Masuuliyiinta xilalka loo magacaabay waxay kala yihiin:

Gudoomiye: Aaden Muuse Cilmi (Shiine)

G/Kuxigeen: Mursal Nuux Cisman

Xoghaye: Liban Maxamed Jibril

Waxaa xusid mudan in ay tahay markii u horaysay ee degmada Tog-wajaale loo magacaabo Gudoomiye Aadan Muuse Cilmi (Shiine), oo ah masuul qurbo joog ah, kaas oo la filayo in uu wax wayn ka badali doono baahiyaha adeegyada bulshada ee degmadu u baahan tahay.

magaalada Tog-wajaale ayaa ah magaalo xuduudeed kulmisa Ganacsiga Geeska Afrika, Som alilandna Dhaqaalaheeda door wayn ku leh , taasi oo baahi wayn u qabta masuuliyiin aqoon leh,  oo ku dadaala sidii loo horumarin lahaa guud ahaan degmada Tog-wajaale.