Maxaa Cashar laga baran karaa Tartankii Doorashada Madaxtooyada 2017 ?Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilligaololaha doorashada (campaign season ).... By: Cali Xaruuri

 



Waa wax ilaahay loogu mahadiyo ah in aynu haysanno nabad iyo xasilooni aanay haysa n dalal badan oo jaarkeenna ah, iyo Dimuqraadiyad aynu kaga tashanno Aayaheenna oo aan ku soo xulan karno Madaxda Hoggaanka Dalka, taas oo aanay haysan waddammo badan oo qaaraddeenna ama adduunka saddexaad ka mid ahi.

13 November 2017, waxa inoo qabsoontay doorasho taariikhi oo xambaarsanayd qodob bo muhiim ah:

  in Markii ugu horreysay somaliland la iska diiwangeliyo, laga ololeeyey lagana codee yo dhul aanay hore doorashado uga dhici jirin.
  in Markii ugu horreysay Madaxtooyada uu isu soo taago murashax ka soo jeeda Gobo lada Bari oo uu Xisbiga UCID Madaxweyne ku-xigeen uga tartamo.
  lagu codeeyo Hannaan casri ah oo aan lagu noq-noqon karin codeynta.
iyo ugu dambeyn iyadoo si Nabadgelyo ah inoogu dhacday.

Waxa Xusid mudan in Cadowga Somaliland ay saadaalinayeen oo ay jeclaayeen in aynu isku dhacno oo iskaga hornimaadno. Waxay lahaayeen "way is dilayaan oo waa lagu kala tegeyaa”. May noqon oo ilaahay kama dhigin".

Rag uu ka dhexeeyo geel,
Hadduu kala geeyo damac,
Waxaa isu gaysa dane,
Allow garansii nin moog!


Waxay hilmaansanaayeen Dimuqraadiyada Somaliland in ay tahay mid guun ah (gaamurtay) oo ka soo unkantay ururkii halganka SNM (oo ahaa Jabhadda Dimuqraadi ah) taasoo ay soo mareen ama iskaga dambeeyeen 5 guddoomiye oo dhammaantood ku wada yimid qaab doorasho dimuqraadi ah.

Doorashadani 2017 waxay noqotay mid indhihii Caalamka soo jiidatay, waxana Somalila nd lagu tilmaamay SIRAADKA AFRIKA. Waxayna Somaliland noqotay mid la majeerto oo Role Model u noqon doonta gobolkan aynu ku nool nahay, Afrikana uga muuqata sida UBAX meel abaar ah ka baxay uu u muuq dheer yahay.
Waxaa quruxda doorashada sii bila, Madaxweyne Siilaanyo oo ah (a popular president) oo isagoon doorasho lagaga adkaan, sharciguna u ogol yahay in uu mar labaad sii tarta mo uu isgu ikhtiyaarkiisa uga degay xukunka, halka madaxda waddamada qaar kursiga ku dheggan yihiin lagana rogi la’yahay.

Runtii qaabkii diiwaan gelinta codbixiyayaasha, hannaankii olalaha doorashada, dooddii Tv-ga ee murashaxiinta iyo habkii codbixinta intuba waxay u dhaceen oo inoogu dhamma adeen jabwi wacan oo ilbaxnimo, bisayl siyaasadeed iyo isu dulqaadasho leh.

Kursigu laba ma qaadee mid baa la iska qeybshaa,
horaa loo yidhi (Gari laba nin ma wada raacdo)


Hase yeeshee go'aankii natiijada codbixinta doorashda waxa saluug ka muujiyey Xisbiga Waddani inkastoo uu markii dambe tanaasulay oo aanu wax dacwad ah u gudbinin Maxk amadda Sare oo iyadu natiijada Rasmiga ahayd ama kama dambaysta ahayd ku dawaaq day.

Adoo wax ka gaws qabsaday
Mar baa gefka loo liqaa
Inaan danta guud murkacan

Waa dabciga dimuqraadiyada in bulshadu qeybsanto xilliga ololaha doorashada (campaign season ). Waxase ugub ahayd oo xummadda iyo xaraaradda doorashada kor u qaaday Madax-dhaqameedkii dhex boodayey ee aadka uga dhex muuqday ololahaha doorashada, kuwaas oo dhabqiyey milligiii iyo macnihii doorashada, muujiyayna sawir ka duwan kii Xisbiyada oo aad mooddaysay in Qabaa’ilo ay tartamayaan.

Waxa habboon wixii khaladaad farsamo ah ee dhacay in guddida doorashooyinka iyo Aka damiyada nabaddu ay ka diyaariyaan Warbixin rasmi si waayo aragnimo iyo cashar looga barto isla markaan xeer looga soo saaro.


waxaa la yidhi doqoni meel lagu xafiiltamay in lagu kala tegay mooddaa (Hiirtaanyo xas uuste walaal ma xidhiidhsho)

Ha giijin xadhkaa ha jarin!
Ha goyn waxa laysku yahay
Magliga gacan loola baxay
Gudaha uma dhaadhacdee
Ha gaadhin laftoo ha jabin
Afkaagana godob ka dhowr!


Haatan iyo gababo waa Mas’uuliyad Wadareed (collective Responsibiliy) in guud ahaan Murashaxiintii, gaar ahaan Madaxweynaha la doortay ka shaqeeyaan wadajirka iyo mide eynta ummadda iyo sidii loo tirtiri lahaa xanaftii iyo xagtimihii tartanka doorashadu keen tay. Run ahaantii waa arrin u baahan in  si dhab ah ay uga wada-hadlaan isla marka ana uga wada-hawlgalaan hoggaamiyayaasha Xisbiyada qaranka. Madaxweynaha cusub wa a inuu maanka ku hayaa in kuwii u codeeyey, kuwii ka codeeyey iyo kuwii aan codeyn intaba uu isagu Madaxweyne u yahay.


Gedday tahay dheesha taal
Inuu hebel guul heliyo
Inuu gudbiwaayo hebel
Galaasku halkaa ma yaal
Nimaan garanoow u toos!


Wa billaahi tawfiiq

 

 


Somaliland Guul iyo Gobanimo
Cali Xaruuri
Holland
e-mail Adam.32@live.nl