Maxaa dacar lay walaaqay - Waabeeyo ku caafimaaday!

 


Xuseen Xasan Badmaax
Xoghayaha Arrimaha Gudaha
Xisbiga UCID

 


Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee mujaahid marxuum Maxamed Mooge waxa uu shac abkauga tagay suugaan dhaxal-gal ah.Heestaa uu marxuumku ku codayn jiray,midho ka mid ah-na aan cinwaanka maqaalkan ugu soo qaatay waxay inoo iftiiminaysaa waxyaabaha ka dhex dhaca bulshada,waqtiga,aaminaada,sirta iyo dabinada laysu dhigo.


Shacabka Somaliland ayaa maanta heestaa u qaadaya Madaxweyne Axmed-siiraanyo. Mujaahid Axmed-Siiraanyo dalka waxa uu geliyay marxalad siyaasadeed oo adag,shacabkuna way arkaan talaabooyinkiisa qaawan ee uu hadoodilayo.Waxa marag ma doon ah labadii gole ee baarlamanku inay hogaan ugu xidhanyihiin Madaxweyne Axmed-siiraanyo,xildhibaanada maanta dhaliilayaana waa kuwii lahaa “Kulmiyoow-Kulmiyoow-Kulmiyoow.” ee garan waayay xilkii ay shacabka u hayeen,ilaabayna inay codka shacabka ku fadhiyaan golaha wakiilada.

Xildhibaanka la yidhaa Cabdiraxmaan dheer-ana ee aan saaka dhaliishiisa ku arkaayay saxaa fada waxaan u arkaa uun “Maroodigu takarta fuushan ma arkee ta ka kale fuushan ayuu ark aa” waayo horta isagu waa maxay sharciga uu ku yahay xildhibaanka ee uu ku fadhiyo golaha wakiilada iyo sharciga uu kaga mid noqday golaha dhexe ee Kulmiye marka uu ka hadlay cada ala-darrada ka taagan garsoorka.Markaa waxan xildhibaanadaa u arkaa uun niman laga xanq arsaday,waayo waxay ka hadli lahaayeen xaalada cakiran ee dalku marayo.

Dawladan dalka ka talisa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed-siiraanyo waxay tidhi “ weligeen ku jiri mayno i-iinyo ee aynu wada hadalo Soomaaliya”. Erayadaasi waxay ku salaysn aayeen aragtida ah ku noqoshada midnimada Somalia balse waxa shacabka laga dhaadhiciyay waxay jeclaayeen oo ah wada-hadalka u jeedadiisu inay tahay walaalayaal na aqoonsada! Waxase kashifay talo la’aanta dawlada Axmed-siiraanyo.Wasiirka arrimaha dibada waxa ku haboon inuu si dhakhso ah isu casilo haday daacad ka tahay raadinta aqoonsiga oo aanu kula socon Axmed-siiraanyo ku talo galka gogol xaadhka ku noqoshada midnimada Somalia.

Arrinkaasi inuu jiro waxa cadaynaya talaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Axmed-siiraanyo:
 

1.Waxa uu furay ururo badan.Tani waxay furfurtay midnimadii shacabka,waxaanay mucaaridkii u jeedisay
Jiho kale.


2.Waxa uu xoojiyay qabyaaladii,tanina waxay iska hor keentay beelahii isku deegaanka ahaa,waxaanu
abuuray kala dhowaysi beelaha ku jihaysan,waxaanay keentay iska da acid kaloo beeshiisii ayuu laba


waaxood u qaybiyay,cadayntuna waatan hoos ku xariiqan:


Madaxweeynuu waa H.jeclo /Maxamed Abokor

Wasiirka macadanta iyo biyuu waa H.jeclo /Maxamed Abokor

Wasiirka madaxtooyadu waa H.jeclo /Maxamed Abokor

Agaasimaha wasaaradda maaliyadu waa H.jeclo/Maxamed Abkor

Maareye-ku-xigeenka dekeda Berbera waa H.jeclo/Maxamed Abokor

Admin and finance wasaarada dhalinyarada & ciyaaraa H.jeclo/Maxamed Abokor

Admin and financega commissionka ‘’AIDSKA’’ H.jeclo/Maxamed abokor

Taliyaa unuga ilaalada madaxweeynuu waa H.jeclo/Maxamed abokor

Isu duwayaasha gobolka Burco waa H.jeclo/Maxamed abokor

La taliyaasha dadban ee leh inoo qabo aynu tijaarad & magac samaaysane waa M.abokor

Taliyaha ciidamada qaranka ee aan la ogayni waa H.jeclo/Maxamed Abokor

Badhasaabkii Burco Cimraan, waa laga qaaday oo loo dhiibey H.jeclo/M. Abokor

Dadka ugu badan ee lagu naas nuujiyo qandaraasyada qaranku waa H.jeclo/M.abokor

Dadka ugu badan ee qaata fursadaha maal gelineed waa H.jeclo/Maxamed abkor

Dadka ugu badan ee sirdoonka iyo xuuraanka ku jiraa waa H.jeclo/Maxamed Abokor

taliyaha ciidamada sirdoonka qaranka, H.jeclo/Maxamed Abokor.



3.Cadaaladii,garsoorkii iyo nabadii oo faraha ka baxay,tusaale laba qaab ayaa maxkamadaha dalku u socdaan oo aanay jirin xidhiidh-maamul sare oo ay isugu yimaadaan.Dhacdadii ka dhac day caasimada dalka ee Hargeysa laguna toogtay gudoomiyahii gobolka,dhacdadii gabiley,tii kalshaale,tii Ceerigaabo,tii buuraha saaxil,tan taagan ee buhoodle,tii taleex iyo….iyo..iyo,kuwaasina waa hubka ay dawlada Axmed-siiraanyo ku curyaaminayso jiritaanka iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

4.Ciidamada qaranka uniform-koodu la mid yahay kii Somalia,darajadoodana lala sugaayo midn imada Somalia.



Hadaba waxa aan shacabka,3da xisbi qaran iyo 6da urur u soo jeedinayaa in:


Talo laga yeesho xaalada adag oo laga tashado waxa aynu miiska la tagayno,qorshe laysla qaatayna laga yeesho.

Talo qaran oo golayaasha baarlamanka,dawlada,ururada siyaasada iyo hay’adaha-ba laga yeesho sidii
xal loo dhanyahay loogu heli lahaa dhacdooyinka joogtada ah ee nabadelyada halis gelinaya.

Waxan shacabka ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan cid kasta iyo dhacdo walba oo nabad gelyada dhaawacaysa,waxan ku boorinayaa inay adkeeyaan midnimadooda,ilaaliyaana madax banaanid Jamhuuriyada Somaliland.Qof walba xil ayaa ka saaran degenaanshaha iyo xasilooni da markaa waa inaynu meel uga soo wada jeednaa arrimaha furfurka inagu dhex abuuri kara.

Waxaanan ka digayaa inay dawlada maanta jirtaa dalka afduubto oo ay sidii lixdankii bohol ku rido. Waxaanan leeyahay “Maxaa dacar lay walaaqay-waabeeyo ku caafimaaday.”
 

 



Xuseen Xasan Badmaax
Xoghayaha Arrimaha Gudaha
Xisbiga UCID