Maxaa Ka Jiraa Inuu Ismaaciil Buubaa Ku Biirayo Xis biga Mucaaridka Ah Ee UCID, Se Maxaa Ku Car qabad Ah Aqoonsi Ay Somaliland Hesho !

 

Ismaaciil Buubaa oo ka mid ahaa siyaasiyiinta waaweyn ee ka soo jeeda  Somalil and, kana mid ahaa xukuumadii ugu horraysay ee ay yeelato dawlada Somaliland oo muddooyinkan dambe oo dhan u ololaynayay aragtida ah inay Somaliya iyo Somaliland noqdaan dawlad federaal ah,markii ugu dambaysayna ahaa wasiir ka tirsan dawlada Soomaaliyana noqday, oo Wargeyska Saxansaxo khadka telefoonka kula yeeshay Waraysi waxa uu jawaabo iyo faah-faahin ka bixiyay socdaal la sheegay inuu Somaliland ku imanayo, sababta uu u imanayo ee ku dhalisay, inuu ku biiri doono xisbiga UCID iyo in kale, sababta saldhiga u ah caqabada ilaa imika hortaagan aqoonsiga Somaliland iyo inuu xidhiidh la soo sameeyey xukuumada iyo in kale.

Waraysigiina waxa uu u dhacay sidan:

S:> Waxa soo baxay warar saxaafada qaar baahisay in aad imanaysid Hargeysa. Maxaa kugu dhaliyay safarkan?

J:>Safarkan in muddo ah waan ka fikirayay, arrimo badan oo ay ahayd in laga baaraan degana waan ka baaraan degay, waxaan goostay in aan dhakhso ugu soo noqdo xaga Somaliland.

S:> Markaa mawqifkaagii hore ee ahaa in Somali wayn lagu helo nidaam fadaraal ah, ma waxbaa iska badalay.

J:> Walaahi siyaasadu waxa weeyaan in wixii suurto gal ah lagu shaqeeyo, waxaana cad in arrintaasi sidii aanu doonaynay ee ah muftaaxa in Xamar la hagaajiyo oo haddii Xamar la hagaajiyo ay wax waliba hagaagi karaan. Arrintaas ayaa igu soo noqotay oo aan arkay in aanay sidaa ku hagaagayn, waxaana loo baahan yahay in dhinaca kale laga eego, ee sida wax suura gal u noqonayaan loo eegi lahaa, halkii ahayd Xamar buu muftaaxu yaalaa ee aanu inta badan raadinaynay waxaanu aragnay in aanay suurto gal ahayn in halkaa laga helayo oo ay tahay in dhinaca kale ee Somalida degan laga eego, oo ay suurto gal tahay inay ku soo kordhin karaan aaraa cusub oo wax la is weydaarsan karo, oo aanu xalku Xamar oolin.

S:>Ma keligaabaa safarkan ku imanaya mise dadkii fekerka awalba kula qabay ayaa kula socda?

J:>Walaahi horta waxaan jeclaan lahaa in dadka raygaa qabaa isu yimaadaan, laakiin waxaan doonayaa inaanu ku nimaadno ilaa shan qof, waxaana jirta warqad aanu qornay ninka u fadhiya qaramada midoobay Somaliya Axmed Walid Cabdala, oo aanu nidhi waxa loo baahan yahay in dareenka loo jeediyo dhinaca Somaliland iyo Puntland, oo iyaga wax lala qabto.

S:>Xukuumada Somaliland miyaad la soo xidhiidhay ka hor intaanad iman mise weli wax wada hadal ah lamaad yeelan?

J:>Way jiraan wasiiro aanu wada hadalnay oo aanu wada xidhiidhnay oo aanu aaraa is weydaarsanay.

S:>Adigu ma ogtahay in dad badan oo sidaada intay Xamar tageen ku soo noqday dalka kadibna la xidhay, adigana ay suurta gal tahay in lagu xidho, inkastoo aanay jirin cid maxkamad lagu soo taagay?

J:>Maya wax alle wax dambiya oo aan galay ma arko, ra’yiga siyaasigu ma aha dambi sideedaba, aragtiyda siyaasadeed sidaas ayay ila tahay haddii ay dambi noqoto dunida gabigeeduba dambi ayay ku wada jirtaa kolkaas.

S:>Waxaad tahay siyaasi weyn oo miisaan ku leh gobolka, dawladii ugu horraysay ee xukuumada Somaliand waxaad ahayd wasiirkii maaliyada, wasiirul khaarajiga Somaliya waad noqotay, arrimaha geeska afrika waxaad ka mid tahay shakhsiyaadka ugu xogta badan leh, Somaliland aqoonsigeeda caqabada ugu weyn ee hortaagan maxaad u malaynaysaa inay tahay?

J:>Arrinta ugu weyni waxa weeye sida aynu u caddaynay (ku dhawaaqistii gooni isu taaga), run ahaana anigu ka mid baan ahaa oo imika cid ku riixi maayo ama ku eedayn maayo, laakiinse sidii aynu yeelnay waxa jirey siyaabo laga doorbidayo, oo malaha ka dhowaa tusaalehaan haddii aynu yeelno sidii loogu fekeray Eritrea ee arrintooda ay ku dhammaysteen ama la yeeli lahaa sidii dastoorka SNM ku qornayd oo markaa inta laysu yimaado laga wada hadlo oo laga wada heshiiyo inaynu laba dawladood kala noqono laakiinse loo galay ee ahayd ku dhowaaq dhinac keliya ee aan dhinicii kale waxba laga soo qaadin inay arrintan wax ka qabato, waxaan u malaynayaa arrimahaas ayaa fiicnaan lahaa laakiinse waxa jirtay khibrad la’aan.

S:>Adigu markaad timaado waxa jirta xan ah inaad xisbiga UCID ku biirayso maxaa ka jira?

J:>(qosol), xisbiga UCID… ma jiro anigu xisbi aan u ololaynayo oo aan u imanayaa, laakiinse aniga waxay ila tahay wixii dadku isku raacsan yahay inaan u hogaansamo, haddii kolkii hore aniga laygu dhaleecaynayay inaan raygayga iyo waxay ila tahay uun iska watay, imika waxaan culayska saarayaa oo ay ila tahay in aan u hogaansamo oo aan ka mid noqdo waxa loo wada dhan yahay ee la isku wada raacsan yahay.



Wargeyska Saxansaxo