Maxaa la odhan karaa hadii qofku garan waayo hadalada uu yidhi

 

Hibada uu Allaah (SWT) adoonkiisa ugu deeqay waxa ka mid ah miyirka.Miyirku waa awooda garasho ee Allaah (SWT) uu ku abuuray maskaxda adoonkiisa. Qof walba na Allaah (SWT) qayb ka mid ah miyirka ayuu ugu deeqay,waana sababta keentay inay dadku kala garasho iyo aqoon roonaadaan.

Hadaan hoos ugu daadago halka dulucda qormadan aan qalinka ugu qaatay  wa xa la yaab leh hadalada ceebaynta ah ee uu wasiirka  warfaafintu Mudane  Ahm ed X.Dahir kula kufay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali. Waa erayo  xis hmada iyo qadarinta wasiirnimo iyo ta qofnimaba ka xayuubisa oo dadnimadiisa qaawisa,xilka uu hayana kalsoonida loo qabo ka qaada.

Wasiir Ahmed X.Dahir hadaynu miisaano xilka uu ummada u hayo iyo erayada  dib nahiisa ka soo baxay ee uu saxaafada kula hadlay kuna ceebaynayo  Gudoomi yaha xisbiga qaranka ee UCID Eng.Faysal waxa ka mid ahaa: (“Faysal waa la  og yahay jariimada khiyaamo ee uu ku kacay wakhtigii halganka” waxa cid kasta ogtahay in nin xil qaran haya oo erayadaasi ka soo baxeen miyirkiisu dhamayn, ama uba  dhas hay garashada gaaban. Sheekooyinkii isku horkeenka ahaa ee  mu cangagii S.Bare shacabka Somaliland adeegsan jiray inuu wasiirka warfaafintuna maanta soo  cusb aynaysiiyo waa arrin qof miyir qaba ka daadagayn.

Waxa kale oo ayaan darro iyo kadeed shacabka haysta, aragtiyaha la midka ah kuwii laga dhaxlay maamulkii keli-taliska ee S.Barre in maantana mar labaad loo adeegsado, sida weedhahan uu adeegsaday wasiirka warfaafintu Mudane  Ah med,kana mid ahaayeen: (Faysal Cali Waraabe iyo cidii kale ee hamuunta  kursi gu madax-martayba lagama aqbali doono loomana dulqaadan doono inay ku kacaan inqilaab la mid ah kii hore uga dhicisoobay ee ay ku khamaareen dhiiga da’yarta ay ka xadeen maskaxda.)

Wasiirka warfaafinta Mudane Ahmed waxa aan u sheegayaa inaanad afka iyo  doo nista shacabka ku hadli karin ee aad afka dawladda aad ka tirsantahay iyo ka xilka aad hayso ku hadli kartid,shacabkuna maanta uma diyaar aha inay dheg ahoodu maqlaan aragtidii,erayadii iyo shaqandhahii mindiyaha laysugu dhiibi jiray waayadii mucangaggii S.Barre.. Waxa kale oo aan ku xasuusinayaa  dacaay adaha aan sal-lahayn dib u soo fagin dhacdooyinkii ayaamahii khilaafku inna soo maray ee ay  gad hwadeenka ka ahayd dawladda hogaanka dalka haysaa,taasina waa mid aad  adi guna ogtahay,aniguna ogahay,shacabka intii innaga ag dhoway dna ogtahay, Eng.Faysal-na ahaa halyaygii u guntaday ee hadh iyo habeen ka fadhiyi waaya y,ilaahayna la qabtay ee ku guulaystay inuu dalka cagaha u  dhig o.. Waana ayaan darrohadii guusha laysu qiri waayo,weliba ceebayn iyo huma ag lays marmariyo.

Waxa kale oo aan xasuusinayaa wasiirka warfaafinta inaanu garab marin,ka na  dig toonaado inuu xajiimeeyo heshiiskii saddexda gudoomiye xisbi qaran ay qalanka ku duugeen,welina qabyada innaga ah. Haddii daacad wadaniyeed kugu jirto adiga iyo saaxiibada xisbiga UDUB ee ilaa maanta dhaleecaynta aan meela ku qotomin  saxaa fadda u soo marinaysaan hogaamiyaasha xisbiyada mucaaridkaa ayaad ka xishoon lahaydeen.

Dalku uma baahna in khilaaf siyaasadeed oo hor leh ka abuurmo,shacabka iyo  xisbi yada mucaaridkuna idinka aqbali maayaan sida aanu doono aanu u socono,cidaanu doonana aanu xajiimayno ee doorasho xor iyo xalaal ahi inaynu qabsano ayaynu ku heshiinaye deelqaafka ka daayo dalka.

Waxa aan ku soo dabaalayaa qormadan gaaban waydiinta aan cinwaanka uga  dhig ay ahna: Maxaa la odhan karaa hadii aanu qofku garanayn hadalka uu yidhi?
 

 

 


Xuseen Badmaax