Maxaa u sabab ah dagaalka badheedhka ah iyo faragelinta dawladeenu ku hayso Urur Siyaasadeedka Umadda?
 

 



Waxaan salaan qiimo iyo qaayo leh u dirayaa dhamaan akhristayaasha sharfta leh iyo bahda saxaafad oo dhan,

Waxaan kale oo halkan ka hambalyanayaa Mujaahidka Boobe Yusuf Ducaale sida geesinimada leh ee uu ugu balbalaadhiyay Reer Soomaliland hab dhaqanka Dawladeennu u dhaqanto iyo sida uu maamulka dalkeennu u socdo, waxaan odhan kara ninka ama gabadha si dhamaystiran u akhriyay maqaaladaa Mujaahidku soo gudbiyay inaanu u baahnayn wax kale ee uu halkaa kala soo bixi karo ama ka fahmi karo sida dalkeenu u socdo.

Waxaan Mujaahid Boobe leeyahay weliba waad dul xaadinaysaa ee bal hoos u yara dhaadhac, qoraalkaagana ficil ku dar oo arintu yaanay noqonin qoraal uun ee ku soo dhawow halganka Siyaasiga ah ee Ururka Umadda uu ku jiro, waxaan jecelahay inaan kugu soo dhaweeyo Ururka keliya ee mucaaridka ah ee isagu ka gilgishay maamul xumada,Musuqmaasaqa, iyo Siyaasada jaha wareerka ah ee maanta dalkeena haysta Ururkaas oo ah Urur Siyaasadeedka Umadda.

Waxaynu ka wada dheregsanahay in dagaal ban ay Dawladeena u hogaamiyinayo Madaxwayneheena Mudane Axmed Maxamoud Siilaanyo ay kula jirto Ururka Umadda oo aynu ka war qabnay inay isku dayday in ay ku reeban Ururka Umadda kala reebistii Ururada ee guddida diwaan gelinta, taas oo sura geli wayday ilaa iyo maantana u dagaalkaasi socdo oo faragelinti ay gaadhay ninka ama gabadha ka sharxan Ururka Umadda lagu baayaco hantidi iyo xilalkii dalku lahaa ee Umadda reer Soomaliland u dhaxaysay, taaso oo gaadhay in hawlwadeendii Ururka kolba qaar cid loo soo diro ama xildhibaanadii Ururka Umadda u sharaxnaa oo maalin kasta aad maqlayso inuu Xisbil xaakimku fadhataysanayo.

1. Waxaa guul u ah Ururka Umadda oo noqday dariiqad shaqo lagu hello oo dadwayneheena shaqo laaantu aafaysay inay magaca Ururka Umadda shaqo ku helaan taas oo markastaba ka mid ahayd barnaamijka Ururka Umadda oo aad moodid inuu Ururku fuliyay qayb ka mid ah barnaamijkiisi.

2. Waxaa guul wayn u ah Ururka Umadda oo u xisbigii (Kulmiye ) ee dalka ugu waynaa ama tallada dalka gacanta ku hayay muddo ka badan 12 sanadood jiray inuu Musharaxiintii Ururka Umadda oo dadiisu aad u yartahay u ka fadhatayso, halka ay ahayd in xisbil xaakimka (kulmiye ) isaga ay Ururadu Fadhatastaan.

3. Faragelitaas ay dawladda iyo xisbil xaakimka (kulmiye) ku hayaan Ururka Umadda oo taageer wayn u soo jiida Ururkan oo markasta oo faragelintaasi timaado ay taageerayaal fara badani ku soo biraan Ururka oo ku sii xoogaysto

4. Gusha kale ee Ururka Umadda ka hello Faragelintaas oo ah in hawlwadeenadda Ururku inay laban laabaan hawlqabadkoodi oo ay hawl kastaba si xamaasad iyo ficil leh ku gotaan hawl maalmeedkooda.

Hadaba waxaa is waydiin mudan maxaa sabab u ah ama keenay dagaalkaas ama faragelintaas ay dawladu ku bartilmaameed sanayso Ururka Umadda?

1.Ururka Umadda waa Ururka keli ah ee Mucaaradka ah isla markaana ka tarjuma dareenka dadwaynaha Reer Soomaliland, taas oo ah shaqada ugu wayn ee Urur
Siyaasadeed.
Waxaan aad iyo aad ula yaaba markaan arko Urur Siyaasadeed dalkeen ka jira oo ilaa malintii la sameeyay aan ka hadlin habka dawladeenu u shaqayso taas aan kala garan kari waayay inuu Urur Samafal yahay iyo Inuu Urur Siyaasadeed yahay,
Urur Siyaasadeeda qaarba yidhaahda waxaan nahay Urur muxaafid ah taas oo macneheedu yahay inay la dhacsanyihiin xisbiga (Kulmiye) iyo habka dawladeennu u shaqaynayso, waxa markaa is waydiin mudan hadda muxuu doonayaa Ururkaasi ama muxuu Kulmiye ugu biiri waayay ilayn waa muxaafid?

Ururka Umaddu wuxuu aaminsanyahay in dawldeenu ay Tareen khaldan saarantahay, Tareenkaas oo dalkii iyo dadkiba saaranyahay, Ururka Umadda wuxuu u aaminsanyahay inuu maant dalkeeni meel halis ah u marayo oo uu badbaado u baahanyahay oo in loo gurmado ay waajib tahay, taasna waxaa kuu cadaynaya qoraaladii u Boobe qoray oo run ahaantii wax laga yaxyaxo ah habka ay dawladeeni 20 sanadood jirtay u shaqaynayso.
Ta kale waxaa inoo cadaynaya arimahaas waxay tahay bal hadda akhristow is waydii imisa goor buu Madaxwayne Kuxigeenkeennu ka cadhooday habka maamulka dalku u socdo ama Madaxwaynaha la isku dhacay?
Ninkii jiray wuxuu yidhi mayad maxaa ugu danbeeyay iyo kaa la sii sido, waxaynu ognahay inuu Madaxwayne Kuxigeenku cadho ku tegay Dubai goaansaday inaanu dalka ku soo noqon laakin ergayn ka bacdi uu soo noqday.
waxaynu ogayn in dhawaan shirkii labada cisho ka socday Madxtooyada lagu heshiisiinaya golaha wasiirad arimahaas oo dhamaantood ku cusub Soomaliland oo aanynu hore u maqli jirin in dawladu is haysato.

Ururka Umadda waxa uu ka soo horjeeda arimahaas iyo kuwan hoos ku qoran

1. Saddex Xisbi oo hadana hal Xisbi ah
2. Saddex Wasiir ah oo hadana hal Wasiir ah
3. Saddex nin oo hadana hal nin ah
4. Saddex Gole oo hadana hal Gole ah
5. Dal hal magaalo ah
6. Dawlad hal nin ah

Arimahaas oo dawladeenu rabto inay xaqiijiso ama ay hirgeliso intay tallada hayso oo uu Ururka Umadda una ka soo hor jeedo una arko inay tahay kuwa u dhamaynaya jirtaanka dalka oo inagu celinaya xukinkii keligi taliska ahaa ee aynu haganka dheer la galnay ayaa sababay dagaalka iyo cadaawada dawaldu ku hayso Ururka Umadda.

waxaan jecelahay inaan wax yar ka idhaahdo Doorashadda Degaanka

Doorasha Degaanku waa tii ugu horaysay ee Kulmiye iyo dawlada qabtaan waxaan kula dardaarimi lahaa inay noqoto muday ku faanaan oo ay qabtaan Doorasho Xor oo Xalaal ah oo ay isku daba qabtaan taas oo haddii ay soo baxdo cadaalad darro waxaa halis ah inuu dalku gallo marxald aadiyo aad u adagoo khalkhal gelisa nabadgelayda, kala danbaynta iyo jiritaanka dalkaba.

Doorashadan waxaa lagu tartamayaa 23 Degmo oo Dalkeena ka tirsan waxaana ku taramaya 2 Xisbi iyo 5 Urur Siyaasadeed oo Urur kastaba u sharaxanyahay
375 Xildhibaan.
Hadaba haddii cadaalad daro ku dhacdo hal Urur Siyaasadeed, waxay cadaalad daradaasi saamaynaysaa 375 kaa Xildhibaan taas oo haddi aynu nidhaahno halkii xildhibaanba ay taageersanyihiin 1000 qof waxay noqonayaa 375 000 taageere

waxaan maqaalkan oo taxan ah la soco qaybaha kale

ALLA MAHAD LEH

 



Faisal Farafadiye