Maxaad ka taqaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ee  is ku tashaday, iyo kuwa laga tagay, maxaase ugu wacan ee is dhaafshay?!

 


Maankeena iyo malahiisu-toona inama siinayaan, waxan loo kabtiyin oon loo kalihin oo lagu kifaaxay o!, waxan xaglaha loo kala bixin oon loo xaydan oo xisaabtan galaya!, waxan guntiga loo adkaysan oon loo garwaaxsan oo guul aad ku hananayso!, Maahmaah ayaa tidhaa,xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan! isaga oo isna halkaa ka aabaaraya baylahdeena ma-bojisintada ah Cabdilaahi Suldaan '' tima-cade '' waxa uu ku saafay oo uu weliba ku baayiciyay erayadiisii amadka ( xasiida iyo aalaha ) ka macaanaa.-

 

- Lama helo wadaadoow waxan cidi ku hawshoone

- Naftaa loo hantaaqaa waxaad hiigso leedahaye

- Hamadeenu ber-ri bay ahayd heesta naagaha-e

- Hel-leyda iyo barjahu waa waxii hoos inoo riday!


Allah naxariista jano ha ka waraabiyee, maxuu kor iyo hoosba inoogu dhigay! maxuu hareera-mar iyo hoga-tusaalaynba inagu maasheeyay! waxse ku qaadan mayno-e mar kalena waa kii ina lahaa isaga oo qayrkeen inoo sheegaya siday u dadaaleen;-


- Ingiriiskan laga qayliyee qaaq wax kaga siiyay

- Isaguba marbuu qaadan jiray qaanso iyo leebe

- Qarfe iyo mar buu seexan jiray qalqal hoosteede

- Ha yeeshee quluub wada jirtaa qaniya sheekhoow

 

Waxba yaanan maayadaha abwaanku kiciyay ku hafane, waxaynu eber iyo mudh iyo gacan ka bilo wnay qaranka Somaliland iyo dalkeena dhisidiisa gugii 1991-kii, markii aan dib ula soo noqonay  jirit aankeenii dawladnimo, xiligaa inta badan gayiga Somaliland waa wada burbursanaa oo wax buuran oo la is dhaamay ma jirin, marbaana alif-ka laga wada bialaabay dib u yagleelkiisa, habar iyo  habee nkeed iyo nin iyo dadaalkiiye mudo ka yar 20 gu wadankii aad iyo itaal ayuu u kala tagay, dhan  kas taba, meelaa aad u taaba galay oo horumar muuqdaa ka hirgalay, meelana waa hagaaseen, ka eegi mayno daaraha la taagay iyo hantiyaha gaarka loo samaystay dalka horumarkiisee, waxa haboon in hoos loo dhugto, sida danta guud dadka reer Somaliland qaarkood degaamada ay ku nool yihiin uga ambaqaaadeen, waxa in lagu daydaa ay haboon tahay labada gobol een hoosta ku qoray, iyo degmada aan ku nuday ee wehelisa, waxana in la iska manciyaa ay aad u wanaagsan tahay sida  gu ud ahaan ay dalka intiisa kale yeeleen, welibana gaar ahaan Gobolka Gabiiley..

- Waxa mudan in loo sacabiyo Gobolka Togdheer, oo istaageersiga dadkiisa ay u suurta gashay inay biriijo dhib badan ku hayay noloshooda qotonsadaan, iyaga oon dawlad iyo cid toona ku xiloodin, Ja amacad, dhakhtar iwm ahna samaystaan.

- Waxa bogaadin mudan oo kale Gobolka Awdal, oo hormood ka noqday abuurista gole-aqooneed, oo u baalaleeyay cariga Somaliland aqoonta qaybteeda sare ee heerka Jaamacadeed ah, gobolkaa soo dadkiisu weliba hadana ku sii daray oo suurta galiyay, inay dhakhtarada caalamiga ah ee waree ga qaarkood ku soo xidhaan gobolka, oo ay sanadkiiba mar ama laba jeer hawlo caafimaad oo dalka waxtar u leh ka fuliyaan.

- Waxa iyana in la xuso mudan, Degmada Alleybaday, oo dadkeedu ka soo mudheen dadka reer  So maliland, waxa u qabsoomay dadka reer Alleybaday ( oo waxoogaa lexejeclo xumo lagu xaman jiray berigii hore * kafatan * ) guul aad u balaadhan oo dhanka waxbarashada iyo wax soo saarka  beer ahaba ah, waxay Alleybaday dabada-iskugu dhufatay degmooyinkii iyo weliba Gobolol badanoo  dal ka Somaliland, waxana Alla magane mudan in lagaga daydo wanaaga ay sameeyeen dadkeena reer Alleybaday.

Waxa in la iska waaniyo oo la iska manciyo ah sida dalka intiisa kale yahay, bal Goboladan  qooraa nso sida ay u dhogor xun yihiin ee ay u shaashaysan yihiin, ee ay shilintuna u cuntay, Sool, Sanaag, Oodweyne, Saaxil, Salal iyo kuwa kale ee badan! waxay goobahaasi qarka u saaran yihiin in laga qa xo oo laga hayaamo, wax haba yaraatee naftu ay ugu xilato oo ulato ayaa gabaabsi ku ah, maxaa sidaa ka dhigay ee qayrkood ka reebay ayaan nidhaahnaa, ma dawladaa mise waa dadka ku nool? jawaabta waxad ka helo oo intaaba sawir cad u ah Gobolka Gabiiley oo isagu ah, ka ugu liita marka Somaliland oo dhan la isku wada geeyo, dhankii aad ka eegtoba, haday tahay horumarka gaarka ah iyo ka guudba.

Dib u dhacaa dul hawaarsaday Gobolada Somaliland oo Gabiiley u horaysana waxa sal u ah, Tolfiiq la' i bulshada dhildhilaha u saaray, oo sida looga furdaamiyaana ay adag tahay ! Waxa aan haba  ya raatee ku qorayn qalbiyada dadka Gobolada hagaasay ka soo jeeda in '' Gacmo wada jir ay wax ku gooyaan ''!Wax eed ah oo buuran oo ay dawlada Somaliland ku leedahay dib u dhacaa iyo baaba' aa Goboladaasi ma jirto, waayo? nin isagu is dilaya cidna ma badbaadin karto.

Gabo-gabada, la kala bax oo la kala jaqaafi oo 18-ka gu ee Somaliland jirtay ayaa muujiyay sida  da dka reer Somaliland u kala karti badan yihiin, una kala wanaag iyo is weheshi jecel yihiin hada  ahaa ne, bal in la is canaanto oo dib la isugu noqdo oo wanaaga la iskaga daydo oo lagu tartamo  horuma rka iyo in kale, aan dhawro ninkii Ilaahay gaadhsiiyo, 18-ka gu ee soo socda ee danbeeya iyo  aaya ha halka la iskala soo dhaco.

Taloow may noqon Somaliland mid hal ku dhigan ( Gobolka laga badiyo gadhka shuuro ha loo mariyo) iskugu faanta, jawaabtu waa mooyi!


Ha jirto Somaliland oo ha Joogto.

 

 

 

Qoraagii weynaa: Cali Cumar Xasan