Maxaad ka taqanaa Magacyada Dumarkii Hore ?


Bulsho kastoo dunidan ku nooli waxay leedahay hiddo iyo dhaqan soo jireena , kaasi oo fackastaaba uu facii ka sii horeeyay ka dhaxlayay .

Dhaqanka iyo caadada ay bulsho leedahayna waxa uu door weyn ka  ci yaaraa jiritaanka bulshadaas isagoo u ah aqoonsi ay kaga duwan  ta hay qoomiyadaha kale ee aduunka kula dhaqan .

Soomaaliduna waxayba tidhaa Huggu haybta waa ka badh , taasi oo  in a tusaysa in qofka lagu aqoonsan karo xaga uu ka yimid marka la arko dharka uu xidhan yahay , luuqada uu ku hadlayo , magaciisa , amaba hab-dhaqan kale oo intaas u sii dheer .

Hadaba bulshada Soomaalidu waxay leedahay dhaqan soo-jireena oo runtii qiimo badan leh ayna kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee la dariska ah amabase aduunka kula nool .

Inkasta oo aynaan xagan kusoo koobi karin dhaqanka iyo caadooyinka soo-jireenka ah ee Soomaalida hadana waxaan maanta jeclaystay inaan xagan ku soo gudbiyo qaar ka mida magacyadii hore ee dumarka Soomaaliyeed kuwaas oo aad moodo inay maanta meesha ka baxeen loona guuray kuwo cusub oo dibada ka yimid .

Hadaba akhristayaasha qiimaha badanoow waxaad ila akhrisataan magacyadii dumarkii hore ee Soomaaliyeed .

Waana kuwan ee akhris wanaagsan .


Daacado , Dahabo , Dalays , Dayibo , Dawo , Dawlo , Dayaxo , Deggan , Degmo , Dekeeya , Diiddan , Diiran , Diraaco , Dugsiiya , Dulmar , Duniyo , Deggan , Dekeeya , Dhool , Dhuux , Raaxo ,Timiro , Toolmoon , Tiriig , Tooxyar , Toosan , Tusmo , Baada , Baar , , Batuulo , Baxsan , Badheedha , Barkhado , Barni , Beyddan , Beerlula , Biciido , Bila , Bilan ,Binti , Buuxa , Bogaad , Buteeya , Bureeqa , Busaad , Bushaaro , Bullo , Berdan , Arliyo , Addeeca , Ardo , Aslan ,Axado , Iido , Iimaan , Isniino , Xaadsan , Xaali , Xabiiba , Xareedo , Xogla , Xalan , Xalwo , Xildiido , Xorriyo , Xaadsan , Xurmo , Jamaad , Janno , Jawhara , Jimco , Jinow , Ceebla , Saxarla , Saluugla , Warla , Rafiiqa , Ruun , Ruqiya , Dulmar , Koraad , Baar , Saafi , Saado , Saaqa , Salaado , Saluugla , Samawada , Siraad , Siman , Suubban , Subkan , Sudciya , Shaafi , Shafeeca , Shamis , Shahmaad , Shuun , Shukri ,Dulmar , Koraad , Sarrays , Dhudi , Dhilan , Dhimbilo , Dhool , Dhudi , Dhigan , Dhamays ,Cawrala , Ceebla , Culus , Dekeeya , Miyir , Cabban , Cadar , Calaso , Carafo , Casiisa , Cambaro , Cawlo , Ceebla , Ciiltira , Cilleeya , Cilmiyo , Cosob , Cutiya , Cuddoon , Cudbi , Cugan , Culan , Culimo , Culus , Farow , Faayo , Fatuux , Farow , Faynuus , Fiido , Qaafo , Qoran , Qumman , Qureesha , Qarad , Qaali , Qureesha , Qorroxo , Qani , Qamar , Qalbi , Qarni , Qaleeya , Qorad , Qadan , Qaayiba , Kaafi , Kaaha , Karuur , Kaliilo , Kalsoon, Kiin , Koraad , Kordahab , Kutubo , Labeen , Laqan , Laqanyo , Leexo , Luul , Nadiifo , Magool , Haweeya , Hufan , Habsan , Habboon , Toolmoon , Muumina , Mullaaxo , Muslimo , Murriyo , Mudan , Milgo , Miyir, Maydhan, Miiggan , Malabo , Mako, Madheedho , Madiino , Markabo , Nadiifo , Nuuriya , Wacdiyo, Warsan , Warla , Waafi , Wacan , Warmoog , Weris , Werdi , Wiyilo , Haajira , Haweeya , Hira , Hindisa , Haboon , Hodma , Hufan , yusur .




Intaasi waxa inoogu dhamaaday kuwii Dumarka insha alah waxaan idiin soo gudbin doonaa kuwii Raga Soomaaliyeed .




Wabilaahi Towfiiq




Qalinkii , Musa Mohamoud Essa ( Dalmar )
Stockholm , Sweden
Haji_musa@hotmail.com