Maxakamada Gobolka Hargeisa oo 3 sano oo Xadhiga ah ku Xukuntay tafatiraha Guud ee wargeysaka Madaxbanaan ee Waaheen.

 


Hargeisa(TNN)-Maxakamada Gobolka Hargaeisa ayaa Maanta 3 Sano oo Xadhig ah iyo  Gan aax lacageed oo dhan 6000,000 shilin Somaliland(lix milyan oo Somaliland shilin) ah ku riday Tafatiraha Guud ee wargeyska Madaxa banana ee waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac( xuu to),kaasoo isla markii Xukunaka lagu dhawaaqay ay Ciidanka Boolisku Xabsiga u  taxaabe en,isla markaana ilaa hada ku xidhan saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeisa.


Xadhiga Tafatiraha Wargeyska Waaheen ayaa yimi ka dib markii ay soo gabagabowday d acwad Mudo socotay oo ka dhaxaysay isaga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo dhinaca iyo Maareeyaha Xooga korantada Somaliland oo isna dhinac ah,kuwaasoo Xeer ilaalinta u soo Gudbiyey Dacwado ka dhan ah Warsidaha Madaxbanaan ee uu tafatiraha ka yahay  Maxa muud Cabdi Jaamac ,dacwadahaasi oo ay xeer ilaalinta Gobolka Hargeiesa ka dhigtay Laba eedood oo dawliya sidaasi,isla markaana mid kaliya laga dhigayo Dacwadooda oo ay Xeer ilaalntu Muduci ka noqonayso.


Tafatiraha Wargeyska waaheen ayey Maxakamadu Markii ay dhegaystay Dacwadaha lagu soo oogay waxay ku dooday inay qanci waayeen caddeymaha uu soo bandhigay ee uu isku dufaacayey,kuwaasoo markii la horkeenay Maxakamada qaarkood ay Qirteen Masuulyiintii Dacwada u soo Gudbiyey Xeer-ilaalintu.


Qareenka Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo Markii Xukunka lagu dhawaaqay  maxakam ada ka sheegay in Xukunka uu rafcaan ka qaadanayo, oo aanu wax ka waydiinay sida uu ula muuqdo Xukunka Maxakamadu ku dhawaaqayday ee ay ku xidhay Tafatiraha  wargeys ka Waaheen ayaa sheegay in Xukunkani baal marsanyahay shuruucda dalka u yaala iyo Xeerka saxaafada Somaliland ,isla markaana uu Rafcaan Maxakamadeed ka  qaatay,qar eenka ayaa sidoo kale sheegay Wariyaha la xidhay uu Maxakamada Hor keenay Cadaymo la xidhiidha wararka u qoray ee lagu haysto,kuwaasoo sida uu sheegay Caymo ugu filan dacwada Maxakamada,balse aan la raacin ee Maxakamadu Xukunka iskaga dhawaaqaday.
Dacwada tafatiraha Wargeyska waaheen ayaa mudadii ay socotay waxa uu dhiniciisa soo Bandhigay Cadaymo tiro badan iyo Markhaatiyo kala Duwan,kuwaasoo dhamaantood la xidhiidhay wararka laga qoray Masuuliyiinta,halka ay Xeer-ilaalintu cadaymo u soo  qaada tay Jaraa’idkii uu warka ku qoray.

Waxaanay Maxakamadu sheegtay in Xadhiga loo iibin Karin isla markaana aan wax  damaan ad ah lagu sii dayn Karin Tafatiraha Guud ee waaheen Media Group,taasoo u muuqata mid ka baxsan Xeerka Ciqabta Madaniga sida uu sharciga dalku dhigayoWaxaanu Qareenka  Ma xakamada uga Doodayey ku adkaystay inaanu Xukunakan ku qanacsanayn,isla markaana uu Racfaan ka qaadanayo si degdegana uu maxakamada Rafcaanka Dacwada tafatiraha ugu gudbin doono.


Si kastaba ha ahaatee Xadhiga Tafaatiraha waaheen ayaa ku soo Beegmay Xili ay  Maxaka mada ku jiraan ilaa shan dacwood oo ka dhan ah saxaafada Madaxa banana ee dalka ka  ha wl gasha,kuwaasoo ay soo dacweeyeen Masuuliyiin ka dawlada Somaliland,iyadoo horena ay Dawladu si sharci daro u xidhay Tafaatiraha Hada la xidhay ee Wargyska  waaheen,kaa soo laba Cisho ku xidhnaa Xarunta CID-ad ee magaalada Hargeisa,waxaanay dhamaanba dacwadahan iyo Xadhigaan lagula kacay saxaafada Somaliland Meesha ka saartay Balan qaadkii Xisbiga Kulmiye u sameeyey Saxaafada Somaliland ee ahaa in Marka ay talada  qab sadaan aanay Xoriyada saxaafadda soo celinayaan,isla markaana aan la xidhi doonin war iye Madaxbanaan oo dalka ka hawl gala.

 

Source:Waaheen