Maxamed Baashe Sh Xasan, oo ah Qoraa bulshada soomaaliyeed dhexdeeda caan ka ah.

 

Waxa uu dhowaan soo saaray buug xanbaarsan taariikhdii iyo suugaantii ilaahay ha u naxariistee Xaaji Aadan Afqallooc. Buuggaas oo ah kii ugu danbeeyey ee uu soo saaro waxa uu u bixiyeyey “Hal aan tebayey”. Waxa aan wax ka weydiiyey buugga iyo guud ahaanba qoraalka iyo xaaladaha ku xeeran. Waxa uu waraysigii na dhexmaray u dhacay sidan:

1. Su’aal: Dhowaan waxa aad soo saartay ama aad qortay buug la magacbaxay Hal aan tebeyey, oo ku saabsan taariikhdii, halyeygii, gabayaagii ilaahay ha u naxariistee Xaaji Aadan Af-qallooc. Waa taariikh loo baahnaa in dhaxal laga reebo. Wax ma nooga sheegi kartaa sababihii kugu dhaliyey in aad buuggaa taariikhda xanbaarsan qorto.

1. Jawaab: Sababaha u muhiimsan ee igu dhaliyey qoritaanka buuggan waxa ka mid ah:
b). Dayaca iyo tasowga weyn ee taariikhda ummadeed iyo halyeygeeda warmaha ma naxaanka ah ku haya iyo sida loogu baahan yahay daba-qabataynta iyo noolaynta dhaxalkaas ummadeed t). Jeelka iyo diihaalka loo qabo taariikhdaas, gaar ahaan xiisaha fac-yartu u hayso wax ka ogaanshaha iyo daraasaynta tagtadoodii ummadnimo ee shalayto, si ay u fahmaan joogtadooda maanta, una sii oddorisi karaan timaaddadooda berrito. j). Daah ka faydidda xaqa iyo xurmada ma guuraannimo ee loo hayo abaal-marin ahaan qof kasta oo dedaal iyo naf-hurnimo u hibeeyey ka dhabaynta jiritaanka ummadnimo oo hufnaan iyo hal-adaynimo, ficilo iyo falaad wanaagsan oo si ummadaysan u himilaysan kula noolaa waayihii iyo wacaalihii ummaddiisu godolba soo joogtey intii uu noolaa; hagaagsanaantaasna la hoydey oo la god galay.

2. Su,aal: Halkee baad gabayada intooda badan ka heshay. Miyey jireen qoraallo ama buug ka horreeyey buuggan aad qortay oo lagu ururiyey gabayadii Xaaji Aadan?

2. Jawaab: Sida aan maqlay waxa jirey laba bug oo laga qoray Xaajiga gabaydiisa xilligii dawladdii Kacaanka. Mid waxaa qoray Cabdillaahi Sheekh Xasan (Hantiwadaag), ka kalena Cumar Nuux. Labada qoraaba waxa ay ka mid ahaayeen shaqaalihii warfaafinta iyo akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta ee Muqdisho. Labadaas qoraal daraasayntaydu ma gaadhin oo waan waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Cabdillaahi Hantiwadaag oo aan xidhiidh la yeeshay, waxa uu ii tibaaxay in qoraalkiisii lumay oo dagaalladii sokeeye galaafteen. Buugga Cumar Nuux, waxa dhowaan markii uu soo baxay Hal Aan Tebayey ka dib, ayaan ka tibaax helay in laga helayo jaamacadda SOAS ee London.

Anigu gabayada aan helay intooda badan waxa aan ka soo naqliyey xog aan ka helay qoyska Reer Xaaji Aadan Af-qallooc, gaar ahaan Axmed Xaaji Aadan iyo Mahad Axmed Xaaji Aadan, iyo cajelado uu duuban Maxamed Cali Gurey oo la ii sheegay hadda inuu yahay nin da’ah oo ku sugan yahay Xiingalool oo Laasqoray ka mid ah. Waxa intaas ii dheeraa cajelado kale oo labada idaacadood Muqdisho iyo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du dubeen wax yar ka dib geeridii Xaajiga.

3. Su’aal. Buuggii aad ka qortay Hadraawi, waxa aad u bixisay “Hal Ka Haleel” buugganna waxa aad u bixisay “Hal Aan Tebayey” bal wax nooga sheeg labada magac macnaha ay xanbaarsan yihiin ama sida aad ugu dooratay?

3. Jawaab: Ereyga “Hal” bay labada magac wadaagaan oo ka dhexeeya. “Hal Ka Haleel” waxa aan uga jeedey wax badan oo loo baahnaa in la qoro, ayaan anigu doorkan ka haleelay inta buuggan ku urursan. Magacu waa farriin hoosta ka xarriiqaysa in maanku godlado oo qalmaantu cartaan oo qofba inta uu haleelo ku mintido oo soo bandhigo qoraal ahaan.
Hal Aan Tebayeyna waxa aan uga gol lahaa xaqiiqada salka ku haysa in magaca Xaaji Aadan Axmed Xasan Af-qallooc iyo dhaxalkiisii wax soo saarba, ay saaxadda ka maqnaayeen oo magacuba sii gamaarayey sidii dab sii bakhtiyaya meel gabaddano iyo gabayoox la wada kuududo.

4. Su’aal: sida aynu wada ognahay ma fududa in la qoro buug. Gaar ahaan buug taariikheed aan tixraac hore lahayn. Waxa kale oo dhibaato ku ah qoraaga, sidii uu buuggaas ugu heli lahaa dhaqaale uu ku daabaco. Intaaba marka uu ka soo gudbo waxa hortaalla, in uu isla isagii suuq u raadiyo oo uu buuggii iibgeeyo. Maxaa lagaga bixi karaa dhibaatada noocaas ah ee hortaalla qoraaga Soomaaliyeed.?

4. Jawaab: Horta waa in qoraaga Soomaaliyeed u dhabar adaygaa hawsha dhibkeedu kaas muuqda yahay. Ummad dhaqankeedu “hadlaa” yahay oo ereyga qoran iyo laxaadkiisu aanay ka dhex ciidamin, ayaynu qoraageedii nahay oo xilkaas dusha u ridanney. Intaas waxa dheer maqnaanta dawlad iyo hay’adihii lala garabsan lahaa eerasho ahaan gudashada waajibaadyadaas culus. Sida ugu sahlan ee maanta dhibaatadaa loo fududayn karaa, waxa ay ila tahay, si tubta iyo toobiyuhu ugu toosaan waa in qoraaga laftiisu iskaashi sii sokeeya sameeyaa, dadkiisana uu dhacsiin karaa dhibaatada iyo dareenkiisa, gaar ahaan inta u dhega nugul tallaabooyinka hore-u-jeedka ah oo aan hubo in ay badan yihiin si kasta oo haddana loogu jiro xilli cilladaysan.

5. Su’aal: Ma ku talo jirtaa in aad buug kale soo saarto. Haddii uu jiro muxuu ku saabsanyahay?

5. Jawaab: Haa. Dhawr buug baa maskaxdayda ka guuxaya. Waxa ka mid ah mid ku saabsan Halgankii Hubaysnaa ee Mucaaridkii Soomaalida xilligii dawladdii dhacday ee Maxamed Siyaad Barre dalka ka amar ku taaglayn jirtey.

6. Su’aal: Dhibaatooyinka ugu adag ee ka hor iman kara qoraaga maxaa ka mid ah?

6. Jawaab: Waxa ugu daran agab la’aan. Meel ama cid uu ka helo xogtii uu baahnaa raad-raac ahaan, ayaa had iyo goor dhibaato weyn ah. Dhaqaaluhuna waa mushkilad kale oo sal ballaadhan oo lugta iyo gacanta qoraaga isku xidhaya sidii maraboobta oo kale. 7. Su’aal: Ma jiraa qoraa Soomaaliyeed oo aad jeceshahay qoraaladiisa ama buugaag uu soo saaray oo aad si gaar ah u xiiseyso.?

7. Jawaab: Dabcan waxa jira qoraa dhawr ah oo aan xiiseeyo qoraalladooda iyo buugaagtoodaba. Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd) oo leh qoraallo badan iyo buugaag dhawr ah, ayaan runtii si gaar ah u xiiseeya habka iyo hannaankiisa farshaxannimo ee uu farriimihiisa ugu soo gudbiyo ee u soo gaadhsiiyo isha iyo maanka akhristayaasha.

8. Su’aal: Ugu danbayn maxaad kula talin lahayd da’yarta Soomaaliyeed ee jecel in ay noqdaan QORAA’ mustaqbalka?

8. Jawaab: Tirada qoraalkiinna ka xigsada tayayntiisa, ayaan kula talin lahaa. In yar oo tayo leh, ayaa ka mudan in badan oo xagaafka la qaadsiiyo. Afkuna qiiro ayuu leeyahay ee ha loo meel dayo hab-dhaqan adeegsiga ereyga, xulashada weedhaha iyo isku xidhkooda iyo weliba ilaalinta soohdimaha higgaadda iyo xeerarka ilaa hadda lagu heshiiska yahay.
 


Wax aan kaaga mahadcelinayaa wakhtiga qaaliga ah iyo fursadda aad na siisay. Bahda Qoraaga.Com Diyaariye: Sayid Maxamed Yuusuf-dhegey