Maxamed Xaashi Oo Sheegay In Deeqaha Dawladuhu Ay Ku Caa wiyaan S/Land Ay Ku Baxdo Dilaaliinta U Dhaxaysa Ee UNDP Iyo UNICEF Ka Mid Yihiin, Tilmaamayna Inay Shaqadoodu Dhaafi La’dahay Siminaar & Shir Yar Oo Nairobi Loo Tago

 



Hargeysa (TNN) – Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhaliilo u jeediyey hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Somaliland, kuwaas oo uu tilmaamay in deeqaha ay dawla duhu ay ugu soo dhiibaan Somaliland si wax loogu qabto ay ku kharash gareeyaan lacagta loo soo dhiibay waxyaalo aan anfac u lahayn dalka, sida Siminaaro iyo Shirar yaryar oo Nairobi iyo Djibouti loo tago.

Eng Maxamed Xaashi ayaa intaasi ku daray in si weyn loola xisaabtamo hay’adahaasi u dhexeeya dawladi hii Qaadhaanka soo dhiibay iyo Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay dilaaliin lacagta loo soo dhiibo ku kharashgareeya safaro ay iskaga dab qaadaan Nairobi iyo Somaliland oo ay badsadaan kharashka.

Maxamed Xaashi waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu siiyey Idaacada BBC-da laanteeda afka Somali ga, waxaanu yidhi “Waxa jira dilaal u dhexeeya qoladii bixisay aduunka inagu gargaartay iyo dawladdii waxa u dhexeeya qolo dilaaliin ah oo kolkaa ama UNICEF ha la yidhaahdo ama UNDP-ha la yidhaahdo magacyo noocaas leh oo dhexdhexaad ah ayaa jira oo Nairobi degan inta badan lacagta ay bixiyaan oo inta badan la yidhaa Somaliland ayaa loogu deeqay waa lacag aad u badan, wax ka muuqdaana ma jiro sida runta ah, hadaan tusaale ku siiyo 2010-kii waxa loogu deeqay Somaliland 98 Malyuun oo dollar waa lacag aad u farabadan, caafimaadka oo qudha waxa loogu deeqay 4 malyuun iyo badh intaas waxa ay dhisi kari lahayd saddex Cusbitaal oo waaweyn oo boqol Sariirood midkiiba yahay iyo qalabkoodii, markaad eegto lacagtaasi talaal iyo Siminaaro meelo lagu qabto iyo Nairobi oo la tago oo shir yar loo tago oo dhawr maalmood ah iyo Djibouti oo shir lagu qabto iyo wax caynkaas ah mooyaane wax naf leh oo meeshaa ka soo baxay ma jiro. Kalkaa lacag la lunsado oo iyaga uuni inta badan ay isticmaalaan ayay ku masabidaan caalamka soo koraya.

Anigu se ta Somaliland ayuunbaan u warhayaa, waana wax layaab leh ah haddii aan tusalae ku siiyo UNDP ayaa ii timid waxa ay ila galeen shir, hadana qolo kale ayaa shir ila galay, intaas oo dhan kharash ayaa baxaya goor walba waxa ay kuula imanayaan tii aad ka hadasheen, sheeko uun buu waxooduba yahay, kolkaa safarkoodan lacagta way ku badsanayaan. Somaliland inkasta oo ay nabadgalyadeedu aad u wana agsan tahay, hadana waxa ay iyagu lacagta ku qaadanayaan inta badan meel khatara ayaanu joognaa ay aa wax lagu siiyaa, kolkaa waxa jira dad u bartay sidan oo muddo dheer ku soo noolaa sidan, khasaaraha ugu weyn ee la qabaana waxa uu yahay wixi loogu deeqay ummadan Somaliland oo kale ma soo gaadhayo Somaliland, kuwii waxan bixiyeyna kama daba tagaan, oo wax lagu shaqaysanayo ayuunbay noqotay, oo qaar baaban Eryey oo aan idhi ha ii imanina haysta waxa aad bixinaysaan, in aanu isla xisaabtano ayaa ka fiican intaynu bini’aadam baryayno”.

Mar la waydiiyey Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi sida looga hortagi karo lac agta ay hay’adahani kharash gareeyaan ee aanay waxba ku qabanayn ee iyaga ku baxa waxa uu yidhi “In lala xisaabtamo ayaa meesha ku jirta oo la yidhaahdo waxa aad na siinaysaan muxuu ku baxayaa waxaas ayuu ku baxayaa marka la yidhaa, hadaba anaga iyo qoladii deeqda na siisay waxa aanu samaynaynaa oo aanu ka wada hadlaynaa sidii waxayagani ay u ahaan lahaayeen wixii loogu talo galay inay galaan.

Kolka hore Madaxweynuhu waa ninka ugu sareeya meesha oo isaga kama maqnaan karto oo isaga iyo W asiiradiisu inta ay siyaasad dhigaan oo maxaynu ka yeelaa la is yidhaa ayaa meesha ku jirta. Waxa horta agan waxa weyi aqoondarona way jirtaa, xisaab darona way jirtaa, ordoo naga tagaaba ku filan sidee ay aan la iskaga celin karayn, inta aynu iyaga gacanta hoos haysano miyeynu ilaahay gacanta hoos haysano, Raxmaadka ayaynu ka dhargi lahayn hadaynu Illaahay gacanta hoos dhigano inta aynu iyaga baryeynee”.

Eng Maxamed Xaashi mar uu ka hadlayey korodhka Miisaaniyada ee uu sameeyey intii uu xilka Wasaarada asi hayey iyo siday ugu suuro gashay ayaa waxa uu yidhi “45 Milyan ayay Miisaaniyadii hore ahayd halka aanu gaadhsiinayna waxa weeyi 83 Malyuun, lacagtaasina waxa ay ka iman kartaa kolka aad eegto cashu uraha la qaadayey ayaa aad u yaraa cashuurahaasi aanu anagu qaadaynay waxa ka mid ahaa guryaha kiradooda Macaashal-macaashka laga qaado guryaha kiraysan maaha kuwa dadkii lahaa ku jiro, waxa kale oo jira shaqaalaha cashuur laga qaado (Payroll Tax), waxa kale oo jira shuur laga qaado wixii la iibiyaba in wax la saaro (Sales Tax), aduu ilaa lixdameeye cashuuro ah oo noocaas ah ayaanu qaadaynay oo inta badan aan hore loo qaadi jirin”

Mar uu Wasiirkii hore ka hadlayey sida ay ugu suurta gashay waxa uu yidhi “Waxa aanu samaynay kolka hore shaqaaluhu waxa uu qaadan jiray lacag aad u yar kolkaa boqolkiiba boqol ayaanu mushaharkii hord hinay, waxa kale oo aanu samaynay meheradihii, tusaale ahaan hadaan Hargeysa u soo qaato waxa ay u qaybsan tahay 5 waaxood, shantaa waaxoodna waxa ay u sii qaybsan yihiin 22 xaafadood, kolkaa Hargey sa ayaanu ka furay xafiisyo waaxahaa oo aanu tirakoobnay oo aanu Computrise-garaynay meher adaha ku jira goobtaas haduu yahay sharikad yahay, haduu ganacsi kale yahay, dabeetana waxa ay noqotay in aanu gaadhnay heer aanu ogaan karno waxa naga soo gali kara meel walba, kolkaa waxa ay halkaasi ku tusaysaa in la wadi karo in cashuurtii sii kordhi karto sanad walba, kol hadii si nidaam leh loo sameeyo.
 

source:haatuf