MAXAMUUD XAASHI WAA HALYEY KA SOO BAXAY XILKIISII KADAAYA XAGXAGASHADA





Waxaan halkan ka salaamayaa warabaahinta noo kala gudbisa wararka waxaan leeyahay waa mahadasntihiin.Intaasi kadib waxaan jecel ahay in aan in yar ka idhaahdo dadka xaasidaka ah ee wisiir maxamuud xaashi xagxaganaya ee aan ku arkay warbaahinta,horta Maxamuud waa mas'uul qaran waliba raga ugu mas'uulsan xukuumadan hada jirta ee uu hogaaminayo mujaahid Axmed Maxamed Siiraanyo.


Waxaanse maammahan warbaahinta ku arkaayey dad fara badan oo iska aflagaadaynaya mas'uul xilkiisii iyo mid ka badanba qabtay hase ahaatee dad ay ka luntay muraayadii wanaag aragu ayay ka timid aflagaadadaasi, taasi oo aan qabanin mas'uulkaasi waayo marka hore waa nin gutay waajibkiisii intii ku aadanayd iyo in ka badan oo kale,waa mas'uulka ugu wax qabadaka badan uguna dhawrsoon taasi oo ah firinfrcooni ilaahy u dhaliyey.


Sidaasi awgeed marka aad halkan cay iyo aflagaado ula soo fadhiisataan mas'uul xilkiisii gutay ku dheeraadana ku dary kii cayda lahaa miyaa amaanaysaan? jawaabtu waa haa waayo idinka ayaa sidaasi u muuqda oo ah dad aan kala garanayn wanaaga iyo xumaanta.


Hadaba sida aan taariikhda ku hayno mudadii xukuumadani la wareegtay xilka waxa ay ku talaabsaatay wax qabad badan oo dhinac walba leh maxamuud waa wisiirka ugu wax qabadaka badan uguna firinfrcoon xukuumada Axmed.m. siiraayo taasina maaha mid aan ku amaanayo ee waa mid uu mutayastay wisiirka duulista hawadu waana markhaati madoon in uu madaarada dawlada oo wada hawlgab ah(disabled) uu wada dhaqaajiyey intii tamartiisa ah waxaana ka mid ah madaarka hargeysa oo aad indhihiina ku argtaan in uu hagaajiyey isla markaana uu u doonay maalgelin dibadeed taasi oo hadda socota gacantana lagu hayo,waxaa kale oo uu dayac tir ku sameeyey madarka berbera oo aan lahaan jirn xataa musqul lagau gaajo maanta quruxdiisa la isku daawanayo oo la arko in gacan caafimaad qabtaa hagaajisay.waxaa kale oo iyana la hagaajiyey madarka burco oo isagana uu baneeyey hawlqabadkiisuna iman doono dayuuraduhuna ka soo degaan dayactirna lagau sameeyey xafiisyadii oo dhan taasi oo aan awal hore u jirin haddii aan soo qaato isna madarka boorama oo isna aan waligii laga soo degin balse markii maxamuud qabsaday uu bilaabay in laga dhoofo lagana soo dego shaqaale rasmi ahina joogo wax danbana u soo socdaan markhaatina aan kanahay in xashkii dhawaa laga dhoofayey.

Si kastaba ha ahaatee waxaan u soo jeedinayaa dadka ay ka luntay muraayadii wanaag aragu in ay ka daayaan xagxagashada wisiirka ugu wax qabadaka badan xukuumada Axmed siiiraanyo waxaa hubaal ah in maxamuud xaashi ka soo baxay xilkiisii iyo mid ka badnba taasina taariikhada ayaa sheegi doonta mid shakhsi la weydiinayo maaha dadka muraayada wanaag aragu kaluntay ha joojiyaan aflagaadada ay ku hayaan wisiir maxamuud xaashi waa halyey ka dhex muuqda xukuumada Axmed maxamed siiraanyo oo mudadii ay haysay xilka ku guulaysatay wax qabad aan la qiyaasi karin ha ugu badnaado wisiirka duulista hawdu e.

Guntii iyo gabagabadii waxaan leeyahay indhaha caafimaadka qabaa way arkayaan wax ay tartay xukuumadani gaar ahaan wisiirka duulista iyo hawadu iyo shaqaalihiisu sida uu dadaalka u muujiyey,dadka aflagaadada wisiirka caadaystayna waxaan odhan lahaa ka waantooba aflagaadada aad ku haysaan wisiirka ilaahyna ha idin tuso wax wanaagsan ee uu sameeyey wisiirka duulista iyo shaqaalihiisu,runtiina aan odhan karo waa wada hawl kar loo soo xulay wasaarada,waxaan leeyahay dheg ha u dhigina nin idinku aflagaadeeya hawsha aad qaranka u haysaan waa hubaal inaad nuurteen madaaradi somaliland oo dhan oo hore hawlgab u wada ahaa ilaahayna ha idinla garab galo anaguna waa idiin soo ducaynayanaa oo idiin mahad naqaynaa iyada oocaruurtu ay nagag bakhtiyi jirtay barigii hore marka aan fasaxa u soo baxno somaliland,hadeerse iyaga oo faraxsan ayay ka soo noqdaan somaliland iyaga oo naweydiinaya waxan oo is bedel ahi halka uu ka soo baxay ama ka yimid taasina waxaanu ugu mahadnaqaynaa wisiirka iyo shaqaalihiisa heeganka u ah wax qabadka ummad. waxaan marlabaaad idin odhan lahaa dheg ha u dhigina dadka wixii xun uun arka wixii wanaagsana aan arkayn.

 

 

 

 

Cabdi.D.Camuud
Uk