Maxay iska metelaan
Radio Hargeysa iyo Tv-ga Somaliland Space
Channel:-
Qofka bani aadamiga ahi inta uu
noolyahay waxa uu maraa marxalado kala duwan. Wuu dhashaa, koraa,
qaangaadhaa, ilaa uu ka dhimanayo. Waxaa barbar socota Maskaxdiisa
oo koraysa, Jidhkiisa oo koraya, iyo Guud ahaanba hab nololeedkiisa
oo kor usii socda.
Sidaas oo kale ayaa bani aadmigu waxa ay gacanta ku qabtaana uu u
koraa, u bataa, isla markaana uu u tarmaa. Si taa loo helaa ma
fududa , waxaanay ku xidhintahay kolba dadaalkiisu inta uu
gaadhsiisanyahay. Waxaa laga yaabaa inaad aragto laba qof, oo isku
da, ah, isku caqli ah, isku deegaan ah hadana qof walba dadaalkiisu
uu dhigay intii uu dadaalay. Sidaasayba soomaalidu u tidhaahdaa
xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan. Hadii qofku dadaalo, waxaa hubaal
ah wixii uu ku dadaalay inuu guul ka gaadhayo.laakiin hadii aanu
dadaal la iman guuli ma jirto.
Labadan Xarumo-warbaahineed, Tilifishanka Madaxa Banaan ee
Somaliland Space Channel iyo Idaacada Ku hadasha Afka Dawlada ee
Radio Hargeisa waa laba xarumood oo ugu da,wayn guud ahaanba
Warbaahinta Dalka jamhuuriyada Somaliland. Hadiise hoos loo eego uma
wayna sida ay mudada dheer ujireen.
Baadhis badan oo aan mudo dheer sameeyay waxa ii soo baxday in ay
sabab utahay dadaalka la galiyay oo yar. Waxaanay taasi timid,
markii dadka masuulka ka ahi ay ka gaabiyeen, dadaal badan oo ay
galiyaan. Markaa in dadaalkaagu yaraado iyo inaad horumar balaadhan
gaadhaa laba meel wada fadhiisan kara maaha. Waxaanay ka dhigantahay
maahmaahda tidhaa “ fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa” aan saafo
hadalkee waxaan uga socdaa taa ama uga sal leeyahay, dadka u arimiya
Labadan Xarun-warbaahineed ayaan xil badan iska saarin horumar ay
gaadhsiiyaan goobohoodan. Imika qalinka uma candhuufaysan inaan si
qoto dheer uga hadlo sababaha ku kalifay inay sidaasi yeelaan, hase
ahaatee aan isku dayo inaan wax ka idhaahdo waxyaabaha ay iskaga
midka yihiin.
Inta se aanan bilaabin aan ka horaysiiyo woxogaa hordhac ah oo ka
waramaya mid walba wakhtigii la aasaasay goorta ay ahayd. Aynu ku
horayno Idaacada Radio Hargeisa.
Radio Hargeisa kolay intiina garanaysaa waa ogtahaye waxaa dhidibada
loo taagay sanadku markuu ahaa 1942-kii. Dabcan waa idaacadii u
horaysay ee ku hadasha afka soomaliga. Sidaas ayay ku noqotay
hooyada Idaacadaha ku hadla Luqada Somaliga oo imika aad utiro badan,
Nasiib darro se waxaad moodaa inay kala da,waynyihiin mudada ay
jirtay iyo Sida ay tahay.
Tilifishanka Madaxa Banaan ee Somaliland Space Channel waxaa markii
ugu horaysay uu hawada soo galay Sanadkii 1997-kii. Waxaa sanad
kaliya ka horeeyay Tilifishanka Al jasiira. Aan idiin dhiibo qodhaa
iyo xaradaa Miyaad moodaa inay sanad kala wayn yihiin. Tilifishanka
Al jasiira xarun baahineed ayuu ku leeyahay badiba dacalada aduunka.
Waxa uu leeyahay hadii aanan khaldanayn ilaa sideed (8) Channel oo
kala duwan. Sida aynu taariikhda ku hayno waxa markii u horaysay
sameeyay TV-gaasi laba nin oo mid haa Sawir qaade ka kalena wariye.
Waxay ku shaqayn jireen qol aad uyar, maanta se isma lihi waxa jira
qof aan ogayn baaxada uu leeyahay iyo inta uu dhismo ku fadhiyo.
Halka TV Space Channel aanay baahintiisu wali dhaafin halkii uu ka
bilaabay. Maxaa keenay in ay labadaasi TV (Space Channel iyo Al
Jaziira) kala horeeyaan faraqa intaa le’eg. In kale ma ahee waxa mid
walba ka dul muuqda dadaalkii la galiyay.
Waxa taa la mid ah Radio Hargeisa oo tan iyo intii dalka lagu soo
laabtay wax ka dhaca mooyee aanay waxba ku kordhin.Anigu eeda saari
maayo shaqaalaha waxaa se ku eedaysan Masuuliyiinta Maamulka ah.
Xaqiiqatan dhawr jeer ayay isku dayeen inay baahinta idaacada
dhaafiyaan Magaalada Hargeisa hase ahaatee taasi ma noqon mid lagu
guulaysto.
Mid ka mid ah maareyeyaashii Tilifishanka Space Channel waa Muuse
Inji ayaa mar hore uqaaday talaabo horumar ah. Magaalada Burco ayuu
geeyay Laliye (Transmitter) mid kalena waxaa uu geeyay magaalada
boorame. Waxay taasi keentay in Tilifishanka laga daawado Gobolada
Togdheer, Awdal iyo Hargeisa. Hase ahaatee taasi ma noqon mid mudo
dheer sii socota. Waxay soo afjarantay Markii uu gubtay laliyihii
Burco. Oo ay kala bateen awoodiisii iyo tii uu ku soo qabsanayay
baahinta Hargeisa. Markay taasi dhacday ayaa maamulkii TV-gu
Go,aamiyeen in gaar laga dhigo Laliyihii (Transmitter) Borame yaalay
si aanay khasaare kale ugalin. Markay taasi dhacday waxaa qaybtii
Borame iibsaday niman ganacsade-yaal ah. Sidaasi ayaanay kaga
wareegtay.
Waxyaabaha ay iska metalaan waxaa ka mid ah
qodabadan hoos ku qoran:-
1-Maamul Xumo labadoodaba biyo dhigtay:
labadooduba waxa ay gacanta u galeen dad aan aqoon suxufinimo lahayn.
2- Baahintooda oo Hargeisa ku soo
ururtay.
3- Cadaadis Badan oo shaqaalaha Saaran:
taasi waxa ay keentay in wariya ashii xirfada lahaa ay iskaga
tagaan markii ay xammili waayeen dhibta lagu hayo. Tusaale ahaan,
Radio Hargeysa waxa ka tagay shaqaale sodon sanno in ka badan ka soo
shaqaynayay. waxa ka mid ah Safiya Cali Yuusuf iyo Xas an
Max’ed Yuusuf ( dhawr iyo sideetankii waxa ay labadoodu ka mid
ahaay een koox lagu magacaabi jiray Afarta Ilma Yuusuf: Xasan Max’ed
Yuusuf, Safiya Cali Yuusuf, Xuseen C/laahi Yuusuf(Deeqsi) iyo Max’ed
Cabdi Yuusuf oo isagu ahaa farsamo-yaqaan)
4- Mushahar la,aan: hadii aanay malaha
lacagi soo galaynin daw ayay ahaa n lahayde ka waran hadii
lacag xadigeedu badan yahay ay soo gasho.
5- Tayo Xumo barnaamijeed: markii
shaqaalihii tayada lahaa ka tageen waxa iskugu soo hadhay koox yar
oo dantu ku kaliftay in ogolaadaan in ay mushahar la’aan ku
shaqeeyaan hasa ahaatee waligood si niyad ah uma shaqayn. Taasaa
keentay in ay idaacada iyo Tilifishankaasi ay wehel la noqdaan tayo
xummo Barnaamijeed. Bal u fiirso waxaad arkaysaa heeso tiro badan oo
maanta oo dhan isku xiga sidii rikoodhka, aaway barnaamijyadii ay
ummadu ka faa’idaysanaysay?
Ugu danbayntii, Aniga oo aad uga xun ugana tiiraayaysan boholaha ay
ku dhaceen labadaasi xarumoodba, Waxaan jeclaan lahaa in gurmad cir
iyo dhul ah lala soo gaadho gudo iyo dibadba.
Qallinkii: saciid Khadar Cabdillaahi
fogaan_arag@yahoo.com
|