Maxay ka bedli kartaa Haayada MSF Belgium Xaalada Cisbitaalka Guud ee Burco iyo Maamulka Cusub ee Dhawaantani loo Magaabay Cisbitaalka


 

Axmed-hanad Guray Baqaye



Burco (TNN)-Xaalada Caafimaad ee Gobolka Togdheer waxay soo martay Marxalado kala duwan oo mid waliba waji gaara iyo waayeheeda lahayd,waxaa jiratay xilli uu aad u liitay guud ahaan adeega caafimaad ee Gobolka,isla markaana ay burbursanaayeen dhaamaan xarumaha caafimaadka ee Go bolka.

Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco uu hirgliyey Gumaystihii Ingiriiska waxa uu taagan yahay in kabadan nus qarni,Cisbitaalka Guud ilaa Xilligii laga soo noqday dagaaladii Sokeeye ee Dalka ka dh acay waxa ka muuqanayey Burbur aada u baahsan,waxaana ay shacabka reer Togdheer gaar aha ana dadweynaha magaalada Burco ayaa waxa u dayac tireen si iskaa wax u qabso muddo ku sima n casho Gudahood,ka dib Khliaaf soo kala dhex galay Xukuumadii madweyne Cigaal iyo Haayad loo gu talo galay Dayactirka Cisbitaalka oo iyadu dooneysay in sanadkiiba dib u dhis ku samaysay Hal Waax(Ward)oo kaliya,taasoo dhalisay in ay ka gilgilshaan Xukuumad ahaan iyo Shacab ahaanba.

Dadweynaha Magaalada Burco waxay si weyn Sanadihii u danbeeyey u dhaliili jireen Cisbitaalka ka liya ee dawliga ah ee ka hirgashan Gobolka Togdheer tayo la'aan baahsan oo ay koob sadeen Shaq aalaha,Dhakhaatiirta iyo Qalabka loogu adeego Bukaan Jiifka.

Haatan waxa si Rasmi ah ula wareegtay Hawlaha Shaqo ee Cisbitaalka Guud ee Magaal;ada Burco Haayada MSFBelgium waxaana durba ay bilowday Dardar cusub taasoo ay dib u dhis ugu samayna yso Deyrka weyn eek u wareegsan Cisbitaalka,waxa kale oo Haayadani Qaabishey Gunooyinka Qa ar kamida Shaqaaalaha Cisbitaalka,halka ay bilhii u danbeeeyeyna Qoraneysay Shaqaale aad u tir ro badan,waxayna Haayadani MSFBelgium oo muddo sadex sano ah joogi doonta Cisbitaalka Balan qaaday in ay keeneyso shaqaale Ajanibiya,kuwaas oo lagu wado in ay kor u qaadan Aqoonta shaq aalaha cisbitaalka iyo in ay ka fuliyaan Hawlo shaqo oo ay ugu gargaaarayaan dadka Bukaan jiifka ah,Haayadani waxa kasle oo ay Bilaash ka dhigtay daawooyinka lagu dabiibayo dadka Bukaan jiifka ah.

Mar uuwabka timacadenews uu mikirifoonka la dhex qaaday Bukaan jiifka yaalsa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burcoayay ka bixiyeen aragtiyo aan sidaasi u kala Fogeyn,waxayna amaaneen han aanka hawl qabad ee Haayada MSF,waxaana hadaladoodii ka mid ahaa”Adeer waan soo dhaweyn ayaa shaqada fiican ee hada ka socota Cisbitaalka,haayaduna waa mid si wanaagsan oo loogu han balyeynayo wax u wada”sidaa waxa yidhi mid kamida Bukaan jiifka Cisbitaalka ku sugan oo la hadla yey wargeyska Hormuud”Hooyo kale oo lagu magaacaabo Deeqa isla markaana la joogtay weakhti gaasiu ilmaheeda oo Xanuunsanaya ayaa iyana sheegtay”Si wanaagsan ayaan na loogu shaqayna yaa Maashaa alaah cisbitaalku waa uu ka soo reeyey oo shaqaale si fiican u jajaban ayaa noo sha qaynaya hooyo”

Si kastaba ha ahaatee waxaana iyana jirrey dad fara badan oo iyana soo dhaweeyey hanaanka sare ee uu u shaqaynayaan shaqaalaha Cisbitaalka iyo wax qabadka Muuqda ee haayada MSF Be lgium


Dhowaantan ayay ahayd Markii Wasaarada Caaafimaadka Somaliland ay masuuliyiin cusub u soo magacawday Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka iyo Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco,waxa ana hubaal ah in ay Masuuliiintaasi Cusub ay hortaalo hawl adag,waxaana la sugaaba waa doorka ay masuuliyiintani ka qaataan horumarka Caafimaadka Gobolka ee Liita

 


Axmed-hanad Guray Baqaye

hanad_baqaye@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco , Somaliland