Maxay Ka Wada-hadleen Wasiirka Arrimaha Dib ada Somaliland Iyo Madaxdii Sar Sare Ee Uu kula kulmay Jabuuti

 

Jabuuti (Longlivesomaliland News)-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Ducaale oo ku guda jira socdaal ay ku  tilmaa meen booqasho hawleed oo uu ku joogo dalka jabuuti ayaa waxa uu  ma anta la kulmay madaxda sar sare ee safaarada Faransiiska ee fadhigoodu yahay Djibouti, halkaasi oo ay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.


Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibada, ayaa u qornaa sidan:-

:

“Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane  Cabdil laahi Maxamed Ducaale oo wali ku gudo jira booqasho hawleedkii u ku joogay Jamhuuriyadda Djibouti ayaa waxa maanta uu la kulmay madaxda sar sare ee safaarada Faransiiska ee fadhigoodu yahay Djibouti, halkaasi oo ay labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal.

Dhinaca kale waxaa Wasiirka ku soo booqday Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Jabuuti Safiirka dalka Ethiopia ee jabuuti halkaasi oo ay ka  wa da hadleen arrimo la xidhiidha hawlihii dhaxdaxaadinta ee uu Wasiiru  Daw laha Arrimaha Dibedda ee Ethiopia Dr. Takada Alamu u yimid Somaliland .

Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxaa kalo uu maalintii shalay  kula mo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Is-gaadhsiinta Jamhuuriyadda  Djib outi, ahna Gudoomiyaha gudidda Xidiidhka Jamhuuriyadda Djibouti iyo  So maliland iyo, hawlwadeeno ka tirsan xarunta IGAD ee caasimada Jabuuti ee Dalka Djibouti.

Kulamadaasi oo lagu gorfeeyay arrimo la xidhidha cilaaqaadka ay  Somalil and la wadaagto dalka Djibouti iyo Ururka IGAD waxay ku dhamaadeen jawi is af garad.”
 


Source:SN