Maxkamada Gobolka Gabiley oo Xukun ku Riday Da m biilayaal Lagu soo Qabqabtay Khamri ay soo Galinayeen Wadanka



“Waxaa ku kalifaya khamrigan qaadashadooda iyadoo laga siinayo caagada yar ee sadexda litir qaada ah afartan riyaal oo lacagta itoobiya ah, halkana waxaa laga siistaa labaatan doolar”…



Gabiley (Timacadde News):- Maxakamada gobolka Gabiley ayaa maanta Xukun shan sanadood oo xadhiga iyo ganaax dhan sadex milyan oo shilinka somaliland ah ku riday Maxamed Cabdi Nuur, Axmed Cabdiladiif Axmed iyo Safiya Maxamed Xasan ka dib markii ciidamada amaanka ee Degmada Tog-wajaaale ee ka tirsan gobolka Gabiley ku qabteen boqol iyo sideetan litir oo maandooriyaha khamriya. Sadexda maxbuus ayaa khamrigaasi soo galinayay dalka Somaliland oo uu  mam nuuc ka yahay ka ganacsigiisa iyo cabistiisuba.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Gabiley Sheikh Ismaaciil Sh. Maxamed  Ibraa hin ayaa saaka mar uu u waramayay warbaahinta kala duwan ee dalka ku  tilma amay in xukuntkaasi yahay sharci, cidkasta oo falkaasi ku kacdana lagala  xisa abtami doono, sharciga diinta islaamkana lagu fulin doono.

Gudoomiyaha maxkamada Gabiley ayaa si balaadhan ugu mahadnaqay ciidamada amaanka jamhuuriyada Somaliland oo uu ku tilmaamay inay yihiin geesiyo  habe en iyo maalinba u taagan sidii ay uga shaqayn lahaayeen horumarka, ugana  ho rtagi lahaayeen waxyaabaha waxyeelaya qadiyada madaxbanaanida  jamhuuri yada Somaliland. Waxaanu Sheikh ismaaciil kula dardaarmay shacabwaynaha reer Somaliland inay ku garab galaan ciidamadeena amaanka inay usoo  sheeg aan cidkasta oo wada arin ka dhan ah jiritaankeena, iyo wixii waxyeelaya  dhaq aalaheena ama diinteenu inaga reebtay.

“Waxaan uga digayaa dadka xoolohooda galinaya nijaasta xaaraanta ah, oo if iyo aakhiroba xaaraan ah. Qofka aduunyada ku caba khamradaasi xaaraanta ah, xataa ta aakhiro ee xlaashsha ah. Waxaanan uga digayaa dadku inay iska ilaaliyaan khamrada oo qalbigooda wanaagsan doorinaysa”. Waxay ka mid ahaayeen kalmadihii sheekha mar uu ka waramayay khamriga iyo xaaraanimadiisa.



Gudoomiyuhu mar wax laga waydiiyay tirada khamriga ah ee ay soo qabqabteen ayaa waxaa uu yidhi “Waxaa weeyi sideed jirikaan oo kuwa labaatanka litir  qa ada ah, iyo shan caagadood oo nooca shanta litir qaada ah. Tiradooda guud marka la isku darana waxay noqonaysaa 180 Ltrs (boqo iyo sideetan litir)”.


Xeer ilaayiha Maxkamada Gobolka Gabiley Maxamed Ismaaciil Aadan ayaa ka  wa ramay waxyaabaha ku kalifa inay dadkani khamriga soo galiya wadanka waxaa uu yidhi “Waxaa ku kalifaya khamrigan qaadashadooda iyadoo laga siinayo  caa gada yar ee sadexda litir qaada ah afartan riyaal oo lacagta itoobiya ah, halka na waxaa laga siistaa labaatan doolar, markaa baayac mushtar ayay ka  dhigte en oo dadkani faa,iido badan ayay ka helaan. Waxayna inta badan soo galiyaan habeenimo iyagoo usoo dhiiba dadka masaakiin ah iyo kaaryoonlayaal iyaga oo ka xishoonaya maadaama uu khamrigu xaaraan yahay marka la eego diinteena iyo dhaqankeenaba”.

Ugu danbayntiina waxaa maxkamada gobolka Gabiley dhexdeeda lagu gubay khamrigaasi lagu soo qabqabtay dambiilayaasha maanta halkan lagu xukumay, kadibna waxaa loo dhaadhiciyay jeelka dhexe ee magaalada Gabiley.


Ka ganacsiga khamriga ayaa mudooyinkan danbe kusoo badanaya dalkeena iyada oo taasi ay keenay dadka caba khamriga oo soo farobadanaya. Inta badan dadka shacabka.


 


Timacade News Desk
Gabiley Office
timacadenews@hotmail.com