Maxkamadaha Islaamiga garabka Sheekh Shariif oo hanjbaad Culus oo saaray

 


Iyadoo ay sii kordhayeen dhinacyada kala duwan ee kasoo horjeesanaya saldhigyada ay Xoogaga Maxkamadaha garabka Sheekh Shariif ka dageen Muqdisho ayaa afhayeen u hadlay waxaa uu sheegay in wixi hadda ka danbeeyay aysan u dul qaadan doonin in afka ama adinka lagu weeraro ayna la xisaabtami doonaan cid waliba.

C/Raxiim Ciise Cadow oo ku hadla magaca Howlgallada Maxkamadaha Islaamka ayaa xalay sheegay in ay dhankooda ka daalleen dhalleeceymaha u yimaada mar waliba oo tallaabo ay qaadaan,iyo sidoo kale meel ka dhaca ka dhanka ah askartooda.

Waxaa uu sheegay in soo samreen intii ay samri karaan balse wixi xilligan ka danbeeya cidna aysan ugu dul qaadan doonin ijaafeyn iyo weerar,balse ay la xisaabtami doonaan cidii meel kaga dhacda sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenku wuxu ka jawaabiyay warcelino ka yimid saldhigyada Booliska oo ay dageen maleeshiyadooda,kuwaasi oo si kala gooni gooni ah ay uga soo horjeesteen Guddiga Ganacsatada Bakaaraha,dawlada KMG ah,iyo afhayeenka Al-Shabaab oo xusay in aan la isku mashquulin saldhig qabsi ee lasii wado dagaalka.
 



Markacadey.net