Maxkamadda Gobalka Hargeysa oo Guddiga Doorashada ku celisay go’aankii ay u gudbiyeen iyo qodobada ay cuskatay
 

 


Hase yeeshe guddoomiyaha maxkamadda gobalka Md. Cabdirashiid Maxamuud Duraan, ayaa guddiga doorashada dib...........


Hargeysa(TNN) -Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ayaa guddiga doorashooyinka qaranka dib ugu celisay natiijadii degmada Hargeysa ee doorashadii deegaanka oo ay Isniintii doraa d si rasmi ah ugu gudbiyeen, waxaana la filayaa inay maxkamadu go’aankeeda gaadhsiiso guddiga doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada qaranka Md. Ciise Yuusuf Xamari, ayaa warsaxaafade ed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in guddigu go’aansaday in loo gudbiyo natiijaddii do orashadda ee degmadda Hargeysa maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, “markii uu Komisha nku dib u eegis ku sameeyay.” Ayuu yidhi “natiijadii degmadda, isla markaana hufid ku sam eeyay xogta goobaha cod bixineed ee faro-weyne oo ah degmo doorasho oo ka tirsan caa simadda Hargeysa.”

Hase yeeshe guddoomiyaha maxkamadda gobalka Md. Cabdirashiid Maxamuud Duraan, ay aa shalay guddiga doorashada dib ugu celiyay natiijadaas, waxaanu ka codsaday inay shar ciga soo waafajiyaan. Qoraalkaas uu guddoomiye Duraan dib ugu celiyay natiijadii caasima dda Hargeysa oo aan warbaahinta loogu tallo gelin, ayaa waxa ay ilo xogogaali Geeska Afr ika u sheegeen in guddoomiyaha maxkamadu guddiga doorashada ku wargeliyay inay shar ciga soo waafajiyaan natiijada ay soo gudbiyeen taas oo ah in isbedelka ay ku sameeyeen magacyada xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka Hargeysa ay marka hore iyagu si ku meelgaadh ah ugu dhawaaqaan ka hor inta aanay maxkamadda u soo gudbin.

Guddiga doorashada ayaa dib u eegista ay ku sameeyeen xogta goobaha cod bixineed ee degmada Faraweyne, waxa ay isbedel ku samaysay liiskii ay hore ugu dhawaaqeen inay noqonayaan golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, waxaanay dib u hubinta codka deg mada Faraweyne ay meesha ka saartay laba xildhibaan oo ay guddiga doorashadu hore u sheegtay inay ka tirsanyihiin golaha deegaanka Hargeysa, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Khadar Bohosha oo uu bedelayo murashax ay ka wada tirsanaayeen ururka Rays oo lagu magacaabo Khaliil Caga-yare iyo Xildhibaan Fu’aad Saxardiid Caabi oo uu isna bedeli doono murashax ay ka wada tirsanaayeen ururka Dalsan oo lagu magacaabo Ilyaas Aw Xuseen Jaamac


Source: Geeska Afrika