Maxkamadda Sare oo Diiday Dacwad ay u Gudbiyeen Garabka Murrashaxiinta Laga Horjoogsaday Shirweynihii UDUB

 

Garabka isbeddel-doonka xisbul-xaakimka UDUB ee ay hoggaamiyaan Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) iyo Axmed Sandoon Xasan, ayaa la sheegay in Maxkamadda Sare ee Somaliland ka qaban wayday dacwad ka dhan ah shirweynihii xisbigaas oo ay dhowaan u gudbiyeen.


Dacwadda Maxkamadda Sare diiday garabka Darawal iyo Sandoon, ayaa sida ilo xogogaal ah Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ahayd mid dhan ka ah shirweynihii 2aad ee UDUB Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa ugu caleemo-saareen murrashaxiinta xisbiga uga qaybgelaya tartanka doorashada Madaxtooyada ee la filayo in dalka ka qabsoonto dabayaaqada bisha March ee foodda innagu soo haysa.


Waxa kale oo ilahaasi tibaaxeen in nuxurka qoraalka dacwaddaasi lagu deedafeeyey sharcinimada shirweynahaas oo ay ku tilmaameen mid afduubnaa, isla markaana baalmarsanaa xeerka xisbiga UDUB ku dhisan yahay iyo guud ahaan qodobadda distoorka qaranka ee jidaynaya xuquuqda muwaadinta iyo inuu si dimoqraadi ah wax u dooran karo, isna la dooran karo, waxaanay hoggaamiyeyaasha garabkaasi ka codsadeen hay’adda ugu sarraysa garsoorka dalka in sharciga hortiisa si dhex iyo caddaalad ku dhisan loogu garqaado dhinaca kale ee xisbigooda ee Madaxweyne Rayaale horkacayo.


Siyaasiyiintan oo hore ugu dhawaaqay in Md. Rayaale xisbiga dhexdiisa kula tartamayaan murrashaxnimada jagada Madaxweynaha UDUB, ayaa la filayaa in shir-jaraa’id maanta ku faahfaahiyaan diidmada Maxkamadda Sare ku horjoogsatay qabashada dawcadda ay u gudbiyeen.

 

 



Jamhuuriya Online