Maxkamadda Sare oo Muddaysay Dhegaysiga Dacwad u Dhexaysa Hoggaanka Xisbiga UDUB


 

 



Xuddunka khilaafka UDUB: Doodaha ay isaga soo horjeedaan Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa saaxiibmo muddo dheer ka arriminayey madaxtooyada Somaliland


Hargeysa (TNN)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa markii u horreysay muddaysay dhegaysiga dawcad la xidhiidha khilaaf ka dhex oogan ho ggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo garabka Axmed Yuusuf Yaasiin dhowaan u gud biyeen.

Sido ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay, waxa Maxkamadda Sare mud daysay in 20 May 2012 oo ku beegan Axadda toddobaadkan la gudo-galo dhegaysiga dawcad ka d han ah guddoomiyenimada xisbiga UDUB Md. Md. Daahir Rayaale Kaahin oo uu bishii April ee isla sa nnadkan 2012 maxkamadda u gudbiyey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Dawcadda Maxkamadda Sare ee Somaliland muddaysay ka garnaqeeda waxa la sheegay inay la xi dhiidho guddoomiyenimada UDUB ee Daahir Rayaale oo qayb xisbiga UDUB ahi aaminsan yihiin inay dhammaatay markii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010 iyo sharcinimada go’aanno xisbigaasi gaadhay muddadii uu ku-simaha guddoomiyaha ahaa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Khilaafka xisbiga UDUB ayaa bannaanka u soo baxay, kadib markii horraantii bishii January e sann adkan 2012 guddida fulinta ee xisbigaasi murrashaxa jagada Madaxweynenimo u doorteen Jamaal Cali Xuseen, waxana go’aankaas ka soo horjeestay madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ku doodayey in murrashaxnimadda xisbiga la qabto marka laga gudbo doorasho oyinka golayaasha degaanka, balse Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin aya a isna dhinaciisa ku adkaystay sharcinimadda go’aanka Jamaal Cali Xuseen loogu doortay murras haxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga UDUB, waxaannu khilaafkaasi sababay in Axmed Yuusuf Yaasin uu u gudbiyo Maxkamadda Sare dacwad la xidhiidha arrimahaas, iyadoo maxkamadduna gudo-galka dhegaysiga dacwaddaas u muddaysay 20ka bishan May 2012.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddo dheer ahaa saaxiibbo dalka uga arrimin jiray xarunta madaxtooyada, ayaa xillig an u muuqda kuwo fiintu dhexmiranayso, iyadoo Daahir Rayaale ku doodayo inuu yahay guddoomi yaha UDUB oo wixii go’aanno ah ee xisbigu gaadho aanay isaga la’aantii waxba ka soconayn, halka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin isna dhiniciisa ku doodayo in go’aannadii xisbigu gaadhay oo murrasha xnimada Jamaal Cali Xuseen ku jirto sharci yihiin, isla markaana waajib tahay in sidooda loo dhaq an-geliyo, maadaama uu ahaa ku-simaha guddoomiyaha muddadii Rayaale dalka ka maqnaa.

Maaha markii u horreysay ee Maxkamadda Sare ee Somaliland ka garnaqdo khilaafka xisbiyada ka dhex dillaaca, balse waxa jiray inay hore uga garnaqday murankii xisbiga UCID ee kala fogeeyey Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha Wakiillada, ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
 

Source:Jamhuuriya