Midawga Yurub iyo Maraykanka oo Madaxweyne Siilaanyo ku Hambalyeeyay Furitaanka Ururada Siyaasada

 



Waxay ku dardaareen si la isku waafajiyo Diiwaangalinta la hayo iyo Doorashada Dawladaha hoose inuu hawsha dadajiyo


Hargeysa(TNN)-Guddida Jihaynta Barnaamujka Dimuqraadiyadayntu (Democratization Program Steering Committee DPSC) ee Midawga Yurub iyo Maraykanku waxay qoraal isugu jira Hambalyo iyo Digniino u soo direen dabayaaqadii bishii june ee aynu soo dhaafnay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.

Qoraalkooda waxay ku cabireen taageerada ay u hayaan go’aanka uu ka qaatay talooyinkii ay soo siiyeen ee ahayd inuu furro Ururada Siyaasada, hase yeeshee dhinaca kale waxay uga digeen inuu qaato go’aankii ay kula taliyeen Guddidii tallo bixinta ee uu u saaraey furista Ururada oo soo jeediyay inuu kala diro Golayaasha Deegaanka isla markaana uu magacaabo Maayaro ku meel gaadh ah.

Qoraala Guddidaasi oo nuqul ka mid ah Waaheen helay waxa ay u qornayd sidan:-

Midawga Yurub Waaxda u Qaabilsan Somaliland & Somalia Hay’adda USAID

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

21 June 2011

Ujeedo: Hannaanka Doorashadda iyo Diiwaangalinta Codbixiyayaasha

Mudane Madaxweyne,

Guddida Jihaynta Barnaamujka Dimuqraadiyadayntu (Democratization Program Steering Committee DPSC) waxay Somaliland ugu hanbalyeynaysaa dhammaystirka hanaankii ka soo talabixinta furashadda ururadda siyaasiga ah. Anagoo aragnay warbixintii Guddida ka soo Talabixinta ee lagu baahiyey saxaafadda bishii June, 9 keedii aadna ugu riyaaqnay soo jeedintoodii ahayd in la furo xayndaabka siyaasadeed oo loo ogolaado ururo cusub oo siyaasadeed inay tartanka ku soo biiraan, waana tallaabo muhim ah oo xidida u sii aasaysa dimuqraadiyadda Somaliland.

Iyaddoo ay dawladdaadu imika waddo sidii loo fulin lahaa hannaanka ka soo talabixineed, waxaanu jecelnahay inaanu kula wadaagno caqabado iyo iyo dhawr waxyaalood oo ina horyaala oo ay tahay in xisaabta lagu darsado.

1) Kulankii aynu yeelanay bishii February 2011, waa mid aynu isla gorfeynay—inagoo arkayna in xog badan oo ka maqan diiwaangalinta codbixiyayaasha hadda la hayo—in diiwaangalinta codbixyayaal dheeraad ahi aanay suurtagal farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba ahayn mid suurtagal ah doorashooyinka dawladdaha hoose. Waxa kale oo aynu sheegnay in markasta oo goor danbe la qabto doorashadda dawladdaha hoose, ay sii adkaanayso in la adeegsado diiwaangalinta la hayo imika. Waxaanay u muuqataa in ay adag tahay in la qabto doorashadda dawladdaha hoose sannadka 2011 ka sida aad horeba ugu sheegtay khudbadii aad ka jeedisay Baarlamaanka bishii February. Haddaba, iyadoo maanka lagu hayo duruufaha kor ku xusan, waxaanu kuu soo jeedinaynaa in loo soo gabagabeeyo hannaanka sharci iyo fulined (xeerka xisbiyadda siyaasadda iyo xeerka doorashooyinka) sida ugu degdega badan, si doorashooyinka loo qaban karo bisha ugu horraysa ee sannadka 2012 ka, iyadoo la adeegsanayo diiwaangalinta codbixiyayaasha ee imika la hayo. Mid kale oo tan barbar socota, waxaanu doonaynaa in aanu taageero ka geysano istaraatijiyad Komishanka Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay sameeyaan hannaan diiwaagalineed oo bulshadda lagu diiwaangaliyo oo joogto ah, si marka loo baahdo loogu dari karo diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka mustaqbalka.

2) Waxaanu la yaabnay markii aanu ogaanay in guddida ka soo talabixintu ay soo jeediyeen in la kala diro golayaasha deegaanka oo la soo magacaabo maayaro ku meel-gaadha. Tallaabadaasi maaha mid ku jirta masuuliyadaha loo fidiyey guddidaas ka soo talla-bixineed. Waxay u muuqataa tallaabo wax yeelayn karto daddaaladii isku-tannaasuleed ee keenay in guddidan la magacaabo, waana mid keenaysa halis ah inay yimaadaan murano siyaasadeed iyo kuwo sharci oo keeni kara inay dib u dhacaan doorashooyinku.

Arrimahaas kor ku xusan oo dhammi, inkastoo ay yihiin kuwo aan wali rasmi ahayn, in dib loogu laabto soo magacaabi

dii (halkii ay doorasho ku iman lahaayeen) maayaradu waa mid u muuqanaysa tallaabo dib u dhac ah oo ku timid geedi-socodkii dimuqraadiyadda.

Aad baanu ugu faraxsanahay in aanu qodobaddan si faahfaahsan ugala hadalno dawladdaada. Haddaanu nahay Guddida Jihaynta Barnaamujka Dimuqraadiyadaynta waxaanu jecelnahay in aanu sii wadno dabciga wax-dhisideed ee ku saabsan wada hadalka aanu la leenahay dawladdaada, waananu sii wadanaynaa taageeradda aanu Somaliland ka kaalmeynayno horumarka dimuqraadiyadeed.

Hodan Hassan

Velentina Auricchio Madax ku Xigeenka, Xafiiska USAID u Qaabilsan Soomaaliya

Madax-waaxeedka, Dawladdnimadda iyo Ammaanka

Waaxda Soomaaliya u Qaabilsan Midawga Yurub.

Qoraalkan ayaa wuxuu muujinayaa saamaynta ay qaadhaan bixiyayaashu ku leeyihiin siyaasada Somaliland gaar ahaana xaga Doorashooyinka oo ay dhaqaale ku bixiyaa