Midowga Yurub Oo Beeniyey Inay Xidhayaan Xafiiskooda Hargeysa

 


 

Nairobi (TNN):- Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Michel e Cervone D’urso ,ayaa sheegay in Midowga Yurub ku taagan yahay wada sh aqeyntii u dh exeysay Somaliland.

Mr. D’urso oo farriin  ku baahiyey bartiisa Twitter ayaa ku beeniyey wararkii sheega yey in Midowga Yurub xidheen xafiiskoodii Hargeysa waxaanu yidhi:

“Midowga Yurub waxa uu ku taagan yahay wada shaqeyntii u dhexeysay Somaliland, isla markaana sugan yahay joogitaankoodii Hargeysa.”

Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. D’urso oo hadalkiisa sii wata ay aa raaciyey:

“Waxaan u wareegaynaa xafiis cusub.”

Hadalka Mr. D’urso ayaa ku soo beegmaya warar maalmahii u dambeeyey Guddoomiy eyaa sha xisbiyada Mucaaradka Waddani iyo UCIS iyo war baahinta maxaliga qaarko od ku sheeg een in Midowga Yurub xidheen xafiiskoodii Hargeysa, sababo la xidhiidha go’aankii Golaha G uurtidu ku kordhiyeen muddo-xileedka xukuumada Somaliland.