MIISAANIYADDA 2011 WAXAY KA TURJUMAYSAA BARNAA MAJKII KULMIYE , Ahmed Arwo,La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga

 

 

Hargeysa January 31, 20100 (TNN)-Waxa ay maraysaa miisaaniyaddii 2011 dib-u-eegiddii ugu dambaysay inta ka horeysa ee lagu ansixin lahaa labada gole ee fulinta iyo sharcidejinta. Waxa se si wadajir ah Golaha Wasiiraddu isagu raaceen inaan lala sugin mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada miisaaniyadda inteeda  ka le, iyagoo raacayaa soo-jeedinta Madaxweynaha oo fulinaaya balankiisii doorasho.


Waxa la ansixiyey mushaharka oo laban laabmay. Taas oon meel kale taariikhda casriga aan ka dhicin’waliba inagoo ku nool xili dhaqaalaha dunidu gaabis galay ( Recession)’ayna inoo dheertay ictiraaf la’aan iyo  inago on weli si dhab ah uga soo doogin burburkii iyo dagaalkii xorreynta dalka.

MAXAY AHAYEEN BALAMADKII KULMIYE EE DOORASHADU.WAA KUWAN KUWA SIDA CAD UGA MUUQDA MIISAANIYADDU:

1- Shaqaalaha iyo ciidamada oo mushaharka loo kordhiyo
2- Tacliinta oo kor loo qaado
3- Caafimaadka oo la kordhiyo
4-Dhalinyarada oo shaqo iyo bulsho ahaanba la daryeel
5- La-dagaalanka Musuqmaasuqa
6- Lacagta Burco oo la bedelo
7- Idaacad weyn oo dalka gaadha
8- Telefishan dalka gaadha
9- Derajada Ciidamada
10-Tayayeynta iyo Habaynta Shaqaalaha
11- Horumarinta Haweenka

Intaas oon u arko inay dhammaan muhiim yihiin, siday ay u kala horeyaana ayna ahayn siday u kala  muhiim san yihiin, waxay u baahan yihiin dhaqaale. Rumeyntoodana waxa laga dareemi karaa miisaaniyadda. Iyada oo lixda bilood ay xukuumaddu jirtay wax cad oo ina tusaaya in xukuumaddu ku socoto barnaamajkii Kulmiye ee lagu doortay aynu wax badan ka aragnay sida xilalka muhiimka ah ee dhalinta iyo haweenka loogu  dhiib ay, derajadii cidamada oo la soo uruuriyey maraysana marxaladii u dambaysay intaan lagu dhaqmin, aan u boqoolo dulucda maqaalka iyo dowrka miisaaniyaddu ku leedahay ka-midho dhalinta barnaamajkii doorasho ee Madaxweynaha,

Wasaaradda Maaliyadda oo dhaxashay khasnad madhan, miisaaniyad aan raadraac lahayn qayb weynina ay ka baxsantay dakhliga miisaaniyadda, iyo qorsho la’aan mid dheer iyo mid gaaban oo miisaaniyadda lagu saleeyo, ayaa si xilkasnimo ah, hawl-karnimo ah u guntatay inay qorsho-maaliyeed seddex sano ah u dhigto (Medium Term Fiscal Framework), taas ooy ka soo maanguuriso miisaaniyadda sanadkan, iyadoo wada-tashi ballaadhan la yeelatay wasaaradaha iyo hayádaha xukuumadda, isla markaasna baadhis ku samaysay ilaha dakhliga oo dhan, is-bedelna ku samaysay xafiisyada lacag uruurinta, Taas oo kor u qaaday dakhligii xukuumadda.

Iyadoo taas laga duulaayo ayaa miisaaniyadda culays lagu saaray balanadii iyo barnaamajkii xisbiga Kulmiye ee doorashada.Waxa tan ka dhashay in balamada kor ku taxan dhammaan la dhaqan-geliyo. Waxa kor u  ka cay ilaa seddex jibaar-ku-dhowaad miisaaniyadda Was.Waxbarashada iyo tacliinta Sare, waxa sidaa si leeg u kordhay Was. Diinta iyo Awqaafta. Waxa iyana si mug weyn loo kordhiyey Caafimaadka, Was. Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.

Waxbarashada dugsiyada Hoose-Dhexe ee bilaashka laga dhigay waxay tahay mid taageero gaar ah u leh dhalinyarada iyo tacliintooda, sidoo kale ayaa korodhka Jaamacadaha iyo tababarada shaqaalahu yihiin  qa ar ku jihaysan dhalinta, isla markaas taakulinta Diintu waxay salka ku haysaa barbaarinta dhalinta iyo  toos inta akhlaaq iyo nolasha bulshada.


Lama Iloobin Hooyooyinka oo labad daladood ee Nagaad iyo Now labaduba waxay ku suntanyihiin  miisaaniy adda. Sidoo kale ayaa Sooyaal iyo Agoomaha loo taabtay.

Waxa haddaba is-weydiin leh, iyadoo intaas oo korodh ah, sanadkii ugu horeeyey la gaadhay oo weliba ay soo raacdo korodhkii Golayaashu isu kordhiyeen, sirtu halkay ku jirtaa?

1-Ugu horeyn weynu soo sheegnay in dadaal lexaad leh laga galay ilaha- cashuuraha oo guntiga loo xidhay soo-uruurin iyo la-dagaalanka inay dhexda ka siibato sidii caadado ahayd. Ku-talagalkuna waa in 45% ay korodho.


2- Waxa iyana la jaray khrashyadii loo arkaayey in laga maarmi karo. Waxa la yareeyey casuumadihii, martiqaadyadii, shiidaalkii, maalin-dhexee, socdaaladii debeda, qalab-xafiisyada aan mashiinada ahayn, (Office Supplies) iwm.


3- Waxa la jaray 69% Qasriga Madaxweynha iyo 49% kan Madaxweyne Xigeenka.

Dhinaca kale waxaynu ogeyn in Madaxtooyadii hore ay heli jirtay tuubooyin lacageed aan hoos iman  miisaa niyadda ooy geli jirtay khrashyo iyana ka baxsan miisaaniyadda, taas oo la soo afjaray si loo helo nidaam ku dhisan la-xisaabtan iyo maamul-wanaag ( Accountability and Good Governess) waxa miisaaniyadda ku  kord hay khrashyada Madaxooyada oo u badan dhinacyada Nabadda, Gurmadka, Ictiraaf doonka, maamul-wana aga iyo lama filaanka. Waxa lagu saleeyey xaqiiqda la hayey iyadoo aad looga dooday, laguna dedaalay in dhan walba laga gaabiyo. Waana talaabo hor leh in la helo miisaaniyad madaxtooyadu leedahay bal se ay soo dejiyeen hawlwadeenadu ee ayna ahayn mid ka soo unkantay dusha.

Iyadoo dhowaan la hor-keeni doono Golaha Wakiilada kolka ay ka soo dhammaato Golaha Wasiirada, ayaan gartay inaan hor-dhacan idinla wadaago,kolkaan arkay in wargeysyada qaarkood ay bilaabeen faa’looyin miisaaniyadda la xidhiidha…tafaasiishuna waa inoo ayaan dhow iyo miisaaniyadda oo dhammaan idin soo ga adha.

Sidaas iyo nabad, waa inoo kulan dambe, Insha Allah.
 

 


Ahmed Hassan Arwo

La-Taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga, iyo Maalgashiga.
Qasiga Madaxtooyada
Hargeysa Somaliland.
Eci.advisor@ymail.com