Miisaanka Cadaaladda (scales of justice)

 

 

Waxa aaan halkan donaya in aan ku falenqeeyo ama ka faaloodo dhacdooyin isku xigay oo dhaw aan ka dhacay Somaliland. Hadaba marka bel aan eegno xuduuda u dhaxaysa xuquuqda uu leey ahay muwaandinka Somalilaannderka iyo dambiga uu ka gali karo xornimada iyo gooni isu taga  S omaliland. Ninwal oo somalilaander ahi waxaa uu xaq u leeyahay in uu dalkiisa ama dalal  shishee ye ah kunoolaankaro kana shaqaysankaro, haddii aanay shaqadiisaasi wax u dhimayn xornimada iyo gooni isu taiga Somaalilaand.


Haddaba aan dib ugu soonoqdo nuxurkii dhacdooyinkii isku xigay ee ka dhacay Somalilaand  dhaw rkii bilood ee ugu dambeeyey. Marka hore aan soo qaato Cisman Jama Cismankaloon oo ahaa nin u dhashay Somalilaand, hase ahaatee ahaa nin geed sare iyo geed hooseba u fuulay is hortaaga gooni isutaaga iyo xornimada Somaliland. Xilal culculusna ka qabtay Dawladihii kala dambeeye ee laga dhisay dulka Somalia. Taasi waxa ay Cismaankaloon ku cadeeynaysa in uu yahay dambiile u guntaday is hortaaga xornimada dalkii uu u dhashay ee Somalilaand, yahana dambiile aan la  aam in Karin (Traitor). Inkasta oo uu golaha wakiilada iyo golaha guurtiduba isku raaceen oo ay  ansixi yeen in ninka Somalilaanderka ah ee ka gayb qaata shir ama maamul wax yeelaya xurnimada iyo gonni isutaaga Somalilaand uu yahay dambiile ah khaayimal wadan ah(Traitor), waajibkiisuna uu yahay ninka caynkaas ah mark uu dalka cagaha soo dhigo in xabsiga lagu hubsado maxkamadna si degdeg ah loo saaro.

Hase yeeshee ayada oo ay taasi jirto ayaa Cismaan kaluun isaga oo aan cidnaba waydiisan wax cafis uu aayar ka soo degay mandaarkii Hargeysa duhur cad, shirarna u ku qabtay Hargeysa dhe xdeeda. Oo aan laba cali is weydiin sidii ay u dhacday.


Dhacdada laabaad ee ku xigtayna waa Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir) oo isna ah nin u  dhas hay Somalilaand kana mid ahaa nimanka ugu kul kulul ee si cad isgu dayey in u is hortaago  xorni mada iyo gooni isutaaga Somalilaand si badheedha ahna ugu dhawaaqay in aanay waxba ka jrin gooni isutaaga Somalilaand isaga oo ah Raisal-wassara ku xigeenka Somalia, maantana ah xubin ka tirsan Gudida isu keenka iyo dib u abaabulka Somali-Weyn, ayaa isaga oo aan ka bixn iskana ca silin xilkii uu u hayey Maamulka Sh. Shariif ee Somalia, yaa inta uu soo codsaday cafis, uu Madaxw eynaha Somalilaand Axmed Moxamed Maxamuud Siilaanyana si deg deg ah uga aqbalay, una fidiy ay cafis uu ku sooraaray Digreeto Madaxtuuyo. Taasina ay siisay Sifir in uu ka soo dego Mandaar ka hargeysa.
 

Hadaba waxa is weydiin lihi waxa weye, ma sharcigii labada Gole ansixiyeen, ayaa la tirtiray, mise dadka ayaan u sinayn sharciga oo qaarna wuu qabtaa qaarna ma qabto. Sidaa waxaan u idhi wa xa jirtay in laba Suldaan oo ka mid ah Salaadiinta beelaha Somaliland  hore loogu xidhay ka qayb gal ay ka qaybgaleen shirkii Somali-Weyn ,ee lagu qabtay Dalka Jabuuti. Hadaba haddii  Salaadin ntii shirka ka qaybgashay la xidhay, maxaa loo xidhi waayey kuwii xilalka kala duwan ka qabtay da wladii shirka lagu aasaasay. Waa arrin u bahan in si dhab ah loo hubsado. Waana arin u baahan in dadweynaha reer Somalilaand ay Xukuumadu ka qanciyo.

 

 

 

 

Author: Cali Ahmed Sh. Musa