Minnesota Governor oo Qaabilay Wasiirul Dawladaha Maaliyada Soomaaliland Mud. Cismaan C/Laahi Saxardiid (Cadaani).

 


Minnesota,USA (TNN)-Minnesota State Governor Mark Dayton, oo ay Weheliyaan State Se nator Jeff Hayden, State Rep Karen Clark, State Rep Phillis Khan. Waxay Xafiiska Governor ka Minnesota ku qaabileen Wasiirul Dawlaha Maaliyada Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani).

Dhamaantood Ugu horayn waxay u hanbalyeeyeen wasiirul Dawlaha Maaliyada Xilka Loo Magacaabay. Governer Dayton oo hadalka furay ayaa wuxuu u soo jeediyey talooyin iyo dardaaranba, isagoo sheegay in xilkani yahay xil aad u culus, isagoo kaftan ahaana u yidhi maadaama ay tahay ishii dhaqaalaha, hadaad horumar ka keento Somaliland, inaad State ka Minnesota naga caawin doonto Sidii aanu State Deficit ka aanu uga bixin lahayn.

Wasiirul Dawlaha Somaliland ayaa ugu horayn intaanu hadalkiisa u bixin, waxa uu hadyad Gudoonsiiyay Governer Mark Dayton, hadyadaas oo isugu jirtay Hido Iyo Dhaqanka Somaliland sida koorta Geela, Dhiisha, iyo astaanta Calanka Somaliland oo ay ku qorantahay Somaliland Icon Of Peace And Democracy Shall Be Recognized. Governer Mark Dayton ayaa aad ugu farxay hadyadan, si niyad ahna u yidhi waligay hadyad ka fiican maan arag, waa alaab qiimo badan oo farshaxanimo ka muuqato.

Governer Mark Dayton , ayaa isna gudoonsiiyay Wasiirul Dawlaha Somaliland Astaanta State ka Minnesota "PIN" uu ku xardhan yahay, "PIN" kaas oo ahaa kii uu Xidhnaa Governer Mark Dayton, taas oo muujinaysa Qiimaha iyo sharafta uu u hayo wasiirul dawlaha Somaliland oo ay hore u soo wada shaqeeyeen.

Wasiirul Dawlaha oo uga mahad celiyay soo dhawayntan uu kala kulmay Madaxda State ka Minnesota.

Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) , oo soo bandhigay Somaliland halka ay kaga jirto Geeska Africa, haday tahay dhaqaalaha, Waxbarashada, Dimuqraadiyada, Nabadgelyada.

Wuxuu sheegay Inay Somaliland tahay wadanka kaliya ee aan la Citiraafsanayn, ay ka Jirto Dimuqraadiyad, uuna ka taliyo Madaxwayne dadkiisii Doorteen One Man Vote.


Wuxuu aad ugu dheeraaday wasiirul dawlahu Natural Resources ka Somaliland Isagoo cadeeyay in ay Somaliland ay ku duugan tahay Macdan Farabadan, ayna Leedahay Gas ta dabiiciga ah, waxa kale oo uu xusay Somaliland Xidhiidhka Ganacsi ay la leedahay Dawladaha carabta iyo aduun waynahaba, sida Xoolaha Nool, Beeyada, sheegayna Somaliland haday citiraafiyad ka hesho aduunka inay noqonayso ilaha dhaqaalaha u wayn Qaarada africa, waanan ku soo dhawaynaynaa cid waloo danaynaysa inay maalgashadaan, Somaliland.

Wuxuu Ka hadlay Xaga Nabadgelyada, wuxuu xusay, inay Somaliland ay ka GoŽan tahay La dagaalanka Argagixisada, iyo Budhcad Badeeda

Wuxuu Hadalkiisii Ku soo Gunaanaday Inuu Casuumad Uga Sido Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland. Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ,Dhamaan Madaxda Gobolka Minnesota inuu ku martiqaadayo Somaliland

Gebagebadii waxaa hadalka soo gunaanaday Garyaqaan Xasan Giir, oo ka mid ah Odayaasha sida wayn looga qadariyo Gobolka Minnesota oo u mahadnaqay Governer Dayton Sida uu ula dhaqmo bulshada Somaliland iyo somaliyaba ee ku Dhaqan Gobolka Minnesota, marwalbana aanu garabkaaga taaganahay.



Cabdi Cali
Minneapolis, MN
USA