MIYAAN LA ILA ARAG



Heestan yar oo ku salaysan jaantii iyo jeebkii " Maqaley War laay", waxay ka hadlaysaa xaa ladda guud ee maanta dalkeennu ku sugan yahay.Waa tane dhuux oo dhandhanso!

 


 

Miyaan la ila arag
ummaddani irdhada
iyo aanadu dhextaal
Miyaan la ila arag
Afmiinshaarka kacay
Miyaan la ila arag
Uubaha la qoday
Miyaan la ila arag
Eelkii qabiil

*****
Eri iyo faquuq
Miyaan la ila arag
Abtirsiinta jaan
Miyaan la ila arag
inamada yaryari
Ololkay shideen
Miyaan la ila arag
Eex iyo annaga
Miyaan la ila arag

*****
Afkan juuqda gabay
Miyaan la ila arag
Adduunkii yaraa
inuu uur rag galay
Miyaan la ila arag
odaygaan u diray
inuu aamusnaan
Itaal moodayoo
Erey aanu celin
Miyaan la ila arag
Odayaasha cunay
Ubad aayihii
Ee ummaddii dhammayd
Eedaadka baday!!!



Wa bilaahi At-towfiiq

 

 

C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com