Miyaynaan Damiirlahayn

 

,Miyaynaan diin lahayn dunida aanan la mid ahayn Somaliland dalkeenna,Somaliland dadkeena waa inaan loo kala hadhin ,difaaceeda,qaranniamadeeda iyo wixii khuseeya jiritaankeeda,ma khusayso dawladda oo keliya,waxa waajib ku ah qofkasta oo u dhashay dalkeen,waa aayihiisii,waa noloshiisii,waa aayaha dambe ee ubadkiisa,diintiisa,dadnimadiisa waxa la si qoto dheer loo taabtay waxaynu ku taagnayn,waxaynu ahayn,waxaynu jeclayn iyo waxaynu hiigsanaynay.Ayuu waajib ku yahay wax kqabashadeedu,hooyada,aabaha,walaalka,adeerka iyo cidkasta oo dhashay damiir laawa yaasha an ku fiicnayn diinteena wacan,dadnimada.Walaalayaal ma jiro nin sidii geed kaligii cidla ka baxay cid uunbuu la dhashay,ku dhuumanayaa

weheshanayaa,garabjoogaa,wax ku qarsanayaa,sidaa awgeed gudun baa tidhi hadaan geedyohow badhkay kugu jirin imaad goyseen,cadawga inagu soo duulay hadaanu adeegsan cid guda ah ma samayn karo waxba,haduu yahay mid aad dhashay,mid kula dhashay,mid kuu dhaxay aakhiro dhinaca kaa marimaayo waxanad ka heli xagga Ilaahay abaal marin ifka ah aakhirona hoy wacan,ha gargaarsan looma gargaare ha garawsan geedkii ba"a,gaf iyo gunimuu wadaa geedkii xumahuu sitaa,horjooso oo ha hagin hoygaaga gubuu wadaa.Culimadeennu waa inay wixii eebaheen ku waajibiyey siday tahay oon gabasho layn ugu balbalaadhiyaan dadkeena ,waxa inuu hadhsan ood sugtaan ma jiro toosa oo seefta galka ka saara,waxa idin saaran waajib gaar ahaaneed,yar iyo weynba ayaan nabad lagu seexan aad is leedahay cid kale kuriix waa adiga ilaaliyaha

qaranku,dawladnimadu waa shicibka ee maaha masuuliyiinta oo kaliya.Somaliland wey ka kaban doontaan Ilaahay idankii cadawgaa,walaalaheenna Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga iyagna naxariistii jano ha ka waraabiyo.

 

 



By Abdirahman Ibrahim Buuh