MO Farah:
Nin Dhaatay Oo Tar Iyo Dhalashoba Sheegtay ''Ma Ka Mudhay''
- Goorma ayaa uu qofku muujin karaa tayada uu dadka kale dheer yahay
ee uu Isir u leeya hy ee asalkiisa iyo cidhibtiisa ku soohan kuna
nudan ciriqiisa ee uu si gaar ah Ilaahay u siiyay? Waxa uu muujin
karaa marka uu si hagrasho la'i ah, oo aan haba-yaraatee wax-hakad
galinyaa jaadka uu doonaba ha lahaadee jirin, ee uu fursad helo uu
ku soo bandhig waxa uu is-la-hayo!. Maxaa ka milgo badan in madal la
is hor-joogo uu qofku tartan la galo filkii, asaagii iyo cid kasta
oo wax is-bidaba, ee uu dabadeed loolan adag oo dhudhubo cidhiidhi
ah iyo suduudo daran xulay uu si faraadin-nimo iyo xeelad durugsan
wadata u baacsho tabtiisa iyo tamartiisa, kuna hanto shan iyo
calaacal Libtii loo halgamayay?! Maxaa ka miigan in qayrkaa marag
kaaga ahaado dareenka guuleed faraxa ah ee bog-diiriska leh, dul
ahaan-na jidhkaaga, ruuxaaga iyo qalbigaagu xajin kari waayaan ee ay
il-yartaadu ilmada hililiqiso!
Waa habeen sabti ah oo ay taariikhduna ahayd 4/08/2012, waa London
(UK), waa Olympic-gii iyo garoon aad iyo aad u wayn oo ay dadku
buux-dhaafsheen oo qiyaas ahaan inta dhex fadhidaa tahay 80000, oo
qof. Waxa maalintii oo idil ka socday gegidan ciyaaro kala duwan oo
ay ku tartameen dad aad u kale gedisan, qaar badan oo ka mid ahaa
ayaa guulaystay qaar kalena waa guul daraysteen! Daawadayaashu
maararow waa ka dhergeen walise ma qanacsana oo waxa ay kolba hoos u
eegayaan saacada! Maxaa ay toloow sugayaan? Sagaalkii fiidnimo
markay tahay ayaa la bilaabay in miridhka la tiriyo! Wariyayaashii
soo gudbinayay dhacdooyinka la yaabka leh ee ka dhacaya Olympic-ga
2012 (uk), ayaa carabkoodu u jeestay dhan kale oo waxa ay dhigi
waayay waxa iman doona ee ay naawilayaan! Saadaal togan, yididiilo
aawan iyo dareen faanfaan leh ayaa ay curiyeen sidii Foore roobaad
oo soo dhacay xili kaliil ah oo abaar ba'ani arlada haleshaay!
Waxa la gaadhay 21;15. Runtii ayaa madasha timid, TV-yadii,
raadyowyadii, wariyayaashii war-gaysyada qorayay iyo
daawadayaashiiba waxa ay indhahoodii ku kulmiyeen bar qudha!
Halkaasoo ah goobtii ay taagnaayeen ka qayb-galayaasha orodka dheer
ee 10000m (10-km) ee raga raga ahi ay u tartamayeen qaadista koobka
dahabka ah. Waa hal-doorkii orodka jaadkan oo kale ah, waa rag
qaarkood ay hore u soo qaadeen koobab badan, waxase raxantaa
orodyahanada ah ka dhex muuqda nin quluubta dadka goobta fadhiya iyo
waliba kuwa kale ee shaashadaha Tv-yada ee aduunyada daafaaheeda ka
daawanaya hantay, oo qof-kastaaba la jecel yahay inuu badiyo!
Ninkaasi waa MO Farah.......... Waa muwaadin UK- u orda, kana soo
jeeda Asal ahaan Jamhuuriyada Diimquraadiga ah ee Somaliland.
Xidiga ifka dheer leh ee qayrkii shiiqiyay waa Mo Farah oo
masraxyada aduunka caam ka ah oo marar badan oo hore rag dabada
iskugu soo dhuftay, soona hooystay koobab dahab, qalin iyo maarba
leh. Siidhigii bilowga orodka ee dhacay ka dib, jac iyo taw la isla
jaan qaaday ayaa judhadiiba la bilaabay, lamaanayaal iyo kooxo is-wata
ayaa ku jira tartanka oo isku-hiilimaad la ogol yahay ku laqiman
ciyaarta! MO Farah waa nin soo jiray oo waa jeex biro ka hadhay ee
uma jixin jixin goolaaftankooda, badhtanka ayaa uu meel ka qabsaday!
Dabka ayuu waligiiba ugu xidigin jiray oo waa gadiisiiyay kolba
taako ayuu hore ugu siqaa oo uu ragay is-hayeen mid mid u dhaafaa,
wax tartanku laba bogleeyaba oo kolba wareeg la meeriyoba, waxa
yimid laabkii u dambeeyay, waa tabtuu maaganaaye cagta ayuu hoosta
ka xaday oo uu isagu hogaanka ciyaarta qabtay, markay masaafo yari
ka hadhsantahay halkii yoolku ahaana MO Farah, waxa uu ku miitiday
inaan cidi soo hawaysan, goobtaa iyo goortaana MO Farah waa uu ku
tar-sheegtay oo uu ku dhaatay, badkana soo dhigay dhalasho ninka uu
yahay.......''MO-Farah-Somalilander''! Ya-salaam
''Mo Farah: Ma ka
mudhay''!
Cali Cumar Xasan
|