Mohamed Baashe Ma Gayo Xadhi Xaqdaro ah

 


 


Waxaan Aad u cambaaraynayaa xadhiga xaqdarada , Dulmiga ,Digtaatooriyada Keli Talis ka ah ku salaysan Iyo cabudhinta ay Xukuumada kulmiye ku hayso Warbaahinta Iyo Xoriy atul Qawlka .

Mohamed Baashe X Xasan wuxuu ka mid ahaa Ardaydii dugsiga sare ee Faarax Oamaar sanada dii 1980 -1983. Wuxuu ahaa hal karaan codka ah oo ka dhiidhiya Dhamaan Wixii deel qaaf ku ah diinta ,dhaqanka dadnimada Iyo dalka ba. Maalmihii Dhagaxtuurka wuxuu ka mid ahaa horseedkii horkacayay kacdoonkii shacabka ee ay hogaaminayeen Haldoorkii UFO ee ay Ardayduna halgalkeeda lahaayeen.
20/2/1982 maalintii Axadii ee Maxkamada la horkeenay dhalintii UFO , gadoodkii Ardayda ka dib Waxaa bilaabmay in dhalintii dalku ay u guntadeed sidii halgan hubaysan loogu diya ar garoobi lahaa .

Hadaba Mohamed Baashe wuxuu ahaa Ardaydii ugu horeysay ee ku dhiiraday in ay ku bi iraan Ururkii SNM Todobaad ka dib maalintii Dhagaxtuurka . Ku biirada SNM wuxuu noqday weriyihii Idaacadii Radio Halkan ee ururkii SNM .
Maanta oo laga joogo 35 sanadood in Mohamed Isla maalintii uu halganka bilaabay oo uu xuskeedii ku guda jiro in Xukumada kulmiye ay xadhig cabidhini Iyo been abuur ay ku tilmaamta kicin dadweyne ay ku xidhaa Waa gardaro aan geed loogu soo gaban Mujaahid kii naftiisa u huray xoreynta dalkiisa in loogu Abaal gudo jeel Iyo jidh dil Waa Waxa aan loo dul qaadan karin.

Xisbiga kulmiye wuxuu ahaa Xisbiga ku caano maalay mudaharaadka Iyo kicinta shacabka . Weliba Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Madaxweyne Siilaanyo ayaa horkici jiray . Waxaad shalay Daahir Riyaale kula dhaqanteen haday kula xumaadeen Waxaa lagaga baahan yah ay adkaysi Iyo dul qaadkeeda . May dhicin mudahaarada ama kacdoon shacab oo kulmiye lagaga soo horjeedo. Wayse dhici doontaa Maalin ay gadoodaan dadweynuhu oo khayriy ada Todobaad loo hoydo.
Hadaad sidan Waxa ka bedeli weydaan .
Idaa shacab yooma Araada xayaata fa laa buda an yasta jiibu qadar.

Dharaar Ina soo maray labada dii is dhugataba mid kaloo dhex taagani oday dhulku Waa Dhul naba dee ka dhaqaaq odhan jiray . Dharaar in soo maray shantoo dhaban la saariyo ku eked dhibaatadu inta dhagar la geystiyo Waxa dhacay ma maqasheen . Dharaar Ina soo maray ma dhisnaa la odhan jiray dawladan mid dhaantiyo dhaqa dhaqaaqa la jecel ya hay.(Mj Ahmed jeenis)


 


Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK
Sheffield .