Mooshin
Lagu Doonayo Aqoonsi Buuxa Oo Ay Somaliland Ka
Hesho Beesha Caalamka
Safiirka Somaliland u fadhiya
dalka Kiiniya Maxamed Nuur Axmed (Indha-buur),ayaa sheeegay in
Mooshin ku saabsan aqoonsiga Somaliland bisha soo socota la hor
dhigi doono Baarlamaanka dawlada Kiiniya.
Safiirka waxa uu sidaa ku sheegay, Waraysi uu siiyay Telifeeshinka
Horn Cable TV, isla markaana waxa uu carabka ku adkeeyay in
Mooshinkaasi u baahan yahay ollole xoogan oo lagu meel mariyo.
“Waxa bishan soo socota ee sannadkan aynu ku jirno la soo hor dhigi
doonaa Baarlamaanka dawladda Kiiniya Mooshin ku saabsan aqoonsiga
Jamhuuriyada Somaliland. Sidaa daraadeedna, waxa loo baahan yahay
ollole xoogan oo loo galo meel-marinta Mooshinkaas oo aad u muhiim
ah..” sidaa ayuu yidhi Wakiilka Somaliland u fadhiya Nayroobi
Maxamed Nuur Axmed (Indha-buur).
Mr. Indha-buur, waxa uu xusay in uu rejo weyn ka qabo Midha-dhalka
Mooshinkan oo uu sheegay in uu hore uga baaqday in la hor geeyo
Baarlamaanka dalkaasi Kiiniya. Isla markaana, Safiirku waxa uu intaa
ku daray in Safarkiisan uu dalka ku yimi ay ku weheliyaan Koox
Wariyayaal ah oo qiimaynaya xaqiiqada rasmiga ah, ee ka jirta
Somaliland, kuwaas oo uu sheegay in Warbixinta ay Somaliland ka
gudbiyaan qayb wayn oo muhiim ah ka qaadan doonto in dalka Kiiniya
si weyn looga fahmo jiritaanka iyo Sumcada Somaliland.
Safiirka Somaliland u fadhiya Magaaladda Nayroobi ee Xarunta dalka
Kiiniya, waxa uu sheegay in Qaraxyadii 29-kii October 2008 ka dhacay
Hargeysa ay si weyn Indhaha Bulshada Caalamka ugu soo jeediyeen
Somaliland. “Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka oo ay inaga
dhaxayso wada-shaqayn wanaagsani, Somaliland waxay ka heshay
dawladahaasi taageero fiican.” Ayuu yidhi Mr. Indha-buur.
Ugu dambayntii Maxamed Nuur Axmed (Indha-buur), waxa uu Bulshada
Somaliland ku amaanay sida wadaniyada leh iyo kaalinta muhiimka ah
ee ay ka qaateen la shaqaynta Hay’adaha Amniga iyo guud ahaanba sida
ay nabadgalyada u illaalinayaan.
Hadhwanaagnews
|