Mucaaridka DJibouti oo Marin Habaabay iyo Meehanawga Siyaasad
Xumadda Ina Boorre oo majaraha goostay.
Waxa dhawaan dalka Jamhuurida Jabuuti ka qabsoomaya doorashooyin
loogu tartamayo jagada da lkaas u sareysa ee
madaxtooyada,waxaana la filayaa in mar sadexaad shucuubta dalkaasi u
doorta an xilka madaxweynaha Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Doorashada Madaxweyne Geelle ee marka sadexaad waxa ay ku imaneysaa
wax qabadka iyo horuk aca uu ummadiisa ku hogaamiyay 12kii
sanadood ee uu xilka hayay,waxase taa dheer in mucaaridka dalkaasi
ay xiligan la joogo ee colaadahu hareeyeen Gobolka dalkan yari uu ku
yaalo ay doonayaan in ay ummada u horseedaan kala qoqob,isku dir iyo
fidno dhaxalsiisa ummadaas in ay galaan colaado lagu hoobto.
Mucaaridka Jabuuti ma aha isbedel doon ee waa aniga igu bedel
Geelle,taa waxa daliil u ah in Mucaa ridka oo ka kooban dhawr
xisbi aaney ilaa iminka leheyn hadaf siyaasadeed oo aan
dhaafsiisneyn Madaxweynuhu mar kale xilka isuma soo taagi karo,iyo
marwadiisa ayaa dalka ka talisa.
Sidoo kale waxaad arkeysaa mucaaridka Jabuuti oo kolba soo
dhaweysanaya ashqaas dhawr bilood ka hor ay ku eedeynayeen in ay
ahaayeen kuwa dalka iyo dadkaba cunaha haya,kolkii xukuumada Jabuuti
baaritaano ragaa ku sameysayna ay dalka ka baxsadeen,mucaaridkuna
gacmo furan ku soo dhaweeyeen.
Dabcan cida aan ka hadlayo waa Ganacsadaha is moodey in uu geyo
mansabka dalka u sareeya bac damaa uu ka soo jeedo qoys sida
uu sheegay la gaaray doorkii uu talada qaban lahaa,bal caqligaa eega.
Mucaaridku ma hayaan dhabo dimuqraadiyaydeed,xagee lagu arkay
ashqaas qoys ka soo wada jee da oo madax ka kala ah dhawr
xisbi gidigoodna ku andacoonaya in la gaaray xiligii reerkoodu xilka
qaban lahaa.
Dhaqan ma hayaan Mucaaridka Jabuuti oo waxaad arkeysaa iyaga oo
carab dhabaya ama dhaliilaya Marwada Madaxweynaha Khadra Xeyd
odhaahda noocan oo kale ah ayaa ah mid ka caagan dhaqa nka
Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan ka reeraha ay mucaaridka Jabuuti
ka soo jeedaan oo la gu sheego in ay ka mid yihiin beelaha
Kooban ee dhaqanka Soomaaliyeed uu ku sii danbeeyo.
Hadii mucaaridka Jabuuti hayaan dhabahii isbedel doonka meeye
qorsheyaashoodii siyaasadeed,m eeye qorshahood wax qabad ee ku
wejahan dhinacyada nolosha ee dib u dhucu ka muuqdo,meeye
dalabaadkii ama shuruudaha ay ka doonayaan xukuumada in ay fuliso si
doorashada ay u noqoto mi d xalaal ah oo cid waliba ka qeyb qaadato.
Dunida dacaladeeda waxa ku nool kumanaan reer Jabuuti ah oo ku jaha
wareersan qalafsanaanta mucaaridka aan heyn wax aan aheyn hala
kaco,hala dagaalamo, dalkii waa nalaga qaatay,cajiib dal ka
miyaan la wada leheyn.
Qurba-joogu waxa ay ilaa imika dhegaha ka fureysteen dalabaadka
mucaaridka ee ku wejahan in isu soo baxyo laga sameeyo dalalka ay ku
nool yiihiin,ka dib kolkii ay u cuntami weydey damaca guracan ee ay
mansabka ku doonayaan ragan ay qabyaaladu madax martey.
Sidoo kale waxaan rajeyneynaa in shacabka reer Jabuuti qudhoodu
dhegaha ka fureystaan fidnada ragani doonayaan in ay ummadaas qar
looga tuuro,waxaan rajeyneynaa in ay dhan uga soo wada jeestaan
danaha dalkooda, mustaqbal wanaagsana ay dhalaankooda dhidibo adag
ugu taagaan.
Shacabka Reer Djibouti gudaha iyo dibadda waxay markale u
codeenayaan Madaxweynahooda Sharafta leh Mudane ismciil Cumer Geele
oo dalka horumar baladhan gaarsiiyay.
|