“Mucaaridka Waxaan Leeyahay Waraaq Yar oo Aanay Waxba ka Jirin Wakhti ha ku Luminina ”

 


Hargeysa (TNN):-Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho- indho),ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay waraaq website-ka siraha faafiya ee Wikileaks lagu baahiyay oo sheegaysay in Somaliland ay la saxeexatay Soomaaliya mid nimo ay dib ula galayso. Taasoo uu xildhibaanku ku sheegay mid aanay waxba ka jirin.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray Somaliland in aanay waraaq la qoray Xamar ku celina yn oo qadiyadda Madaxbannaanidu ay tahay lama taabtaan taasoo uu sheegay in rag dagaal iyo hub adeegsaday oo qaranimada weeraray in ay ku guul darraysteen oo ay dagaal dalka Xamar ku geyn kari waayeen.

Waxaa kale oo uu asxaabta Mucaaridka ku eedeeyay in ay ku war-wareegayaan wax a an shaqadooda ahayn isla markaana aanay qabsan wixii shaqadoodu ahayd ee looga ba ahnaa.

Waxaa uu ka digay in ay dhacdo in mar kale muddo kordhin loo baahdo.waxaanu sidaa k u sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska DAWAN.

Af-hayeenka Guurtidda oo la weydiiyay inay wax iska bedaleen go’aankii aqalka odayaa shu muddo xileedkooda ugu kordhiyeen Golaha Wakiiladda iyo Xukuumadda, waxaanu ku jawaabay “Go’aankayagu waa sharci wax iska bedelayaanna ma jiro, sidiisa ayaana loo gu dhaqmayaa waxaanay ahayd cid waliba in ay hawsheeda qabsato oo ay dhamma yso qabyada dhankeeda ka jirta oo wakhtiga laga faa’iideeyo sababtoo ah go’aanka Guurti du cid walba shaqo ayuu siinayay imikana cid shaqadeedii qabatay nooma muuqato. durba waxaa tegay wakhtigii laba bilood lama bilaabin hawshii diiwaan-gelinta, xisbiyadii xarumahoodii goboladda kamay hawl-gelin. markaa waxaan leeyahay Guurtidu cid walba shaqadii loo igmaday way ku daba galaysaa.”


Afhayeenka oo aanu wadiiyay waxa Guurtida uga meel yaalla go’aankii ay asxaabta qa ranka iyo Xukuumaddu wada gaadheen,ayaa ku jawaabay. “Horta marka qodob sha rci ahi yaallo cid kasta oo la timaadda wax ka soo horjeeda qodobkaa sharciga ahi waa wax aan la qaadanayn oo sharci darro ah la timid, waxaa ay ku heshiiyeenna waa waxba ka ma jiraan sababtoo ah siday sheegayaan ee ay leeyihiin waanu ku heshiinay waxay dhig aysaa in doorashooyinku ay qabsoomaan December haddii doorashadda Madaxweyn aha laga helona dalku wuxuu gelayaa saddex bilood oo markaa Guurtidu ma ogola in dalku bilaa dawlad ku dhaco cidna kama yeelayno.”


Indha Indho oo ka jawaabayay Guurtidu sababta ay uga hawl-gali waayeen shaqaaqo beeleed dhimasho iyo dhaawacyo keentay oo ka dhacday gobollada Sool iyo Saraar,ayaa ku jawaabay. “Horta ma jirto dhacdo dalka ka dhacda oo aanay Guurtidu ka hawl-gelin imikana Guurtidu way ku sugan tahay gobollada Bariga Somaliland oo muddo sadex bilood ah ayay ku sugan yihiin waxaanay saldhig ka dhigteen Magaalada Oog dhacadada Guumays iyo ta Caynababa waanu ku jirnaa xallinteedii Xukuumadduna way nagala qayb qaadanaysaa markaa siday Guurtida iyo Xukuumaddu uga hawl-galeen gobollada Bariga Mucaaridkuna ha u tagaan oo xafiisyadoodii ha furtaan oo diiwaan galintii codbixiyeyaasha hala bilaabo.”

Afhayeenka oo aanu waydiinay sida uu u arko waraaq maalmihii ugu dambaysay ay war baahintu soo cel celinaysay ka hadalkeeda oo lagu baahiyay website-ka siraha dawlada ha jabsada ee Wikileaks oo lagu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay Soomaaliya la gashay heshiis qarsoodi ah oo midnimo sheegaya,ayaa ku jawaabay. “Horta waa wax lala yaabo in la yidhaahdo Somalilanad ayaa waraaq la qoray lagu gaynaysaa Xamar ,tolkay iyo Cali Khaliif dagaal ayay qaranka la galeen oo kaare ayay Xamar ku geyn kari waayeen markaa waa iska hadal waraaq ayaa Somaliland Xamar geynaysa mucaaridka na waxaan leeyahay wax aan jirin dadka ha ku jaho-wareerinina dalkani waa qaran dhawr iyo labaatan jirsaday oo aan go’aan shacbi ku goostay koox iyo waraaq iyo nin iska hadlay midna ma celin karo ee wararka beenta ah ee dadka lagu jahwareerinayo waa in ay mucaaridku ka daayaan oo hawl baa u taalla oo sugaysee waa in ay shaqado oda ka soo baxaan.”

Source: Somaliland.Org