Mudanayaal Baarlamaanka Somaliland ka tirsan oo ku baaqay in xilka laga xayuubiyo wasiiradda ciyaaraha iyo kaluumaysiga

 


Xadhigga Prof. Nine waa mid baadil ah oo ay ka dambeeyaan rag dhaawacaya himilooyinkeena ” Xil. Cabdisalaan Maxamed Siciid

Haddii wax laga qaban waayo labadaa wasiir ee awooda gaarka sheegtay, waxay dhaawacaysaa kalsoonidii ay dadka Bariga Sanaag ku qabeen dawlada "

Laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, kana soo jeeda deegaannada Bariga Gobolka Sanaag ayaa si kulul u cambaareeyey xadhigga ay xubno wasiirro ahi ka dambeeyeen ee Prof. Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine) oo Khamiistii toddobaadkan ay ciidamo boolis ahi ka qabteen gurigiisa oo ku yaal xaafadda Ganad ee Degmada Ibraahim Koodbuur.


Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida iyo Md. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Golaha Wakiillada ayaa si kulul uga hadlay xadhigga Prof. Nine, kaas oo uu Xildhibaan Cabdisalaan ku tilmaamay mid baadil ah oo aan sinaba loo aqbali karin, halka uu Md. Cabdiqaadr Jaamac Xaamud-na ku baaqay in labada wasiir ee ciyaaraha Maxamuud Siciida Maxamed iyo Kalluumaysiga Cali Qoorseef xilka ay qaranka u hayaan laga xayuubiyo, iyada oo haddii tallaabadaa ay dawladdu fuhinwaydana ay dhaawac u geysan doonto kalsoonida ay xukuumaddu ku qabeen dadweynaha Bariga Sanaag.


Waxayna labada Xildhibaan xuseen in wasiirrada ay caqabad ku yihiin hormarinta deegaanka, isla markaana ay wax kasta ka hormariyaan maslaxadooda gaarka ah, kuwaas oo haddii aan wax laga qaban dhibaato ka abuuri kara deegaanka iyo guud ahaan dalkaba.


Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid oo xalay Jamhuuriya soo gaadhsiiyey qoraal uu kaga xogwarramayo xadhigga Prof. Maxamuud Cabdi Xamuud (Nine) ayaa caddeeyey in aannu isagu habayaraatee wax lug ah ku lahayn xadhiggiisa, isla markaana uu aad uga xun yahay xaqdarrada lagula kacay Prof. Nine oo uu ku tilmaamay shakhsi qiimo iyo qadarin ka mudan dalka, waxaannu xadhiggiisa ku tilmaamay mid baadil ah.


“Waxaan ummadda reer Somaliland iyo isagaba [Nine] u caddaynayaa in aanan xadhiggiisa raali ka ahayn, ogeyna meel aan kula tashaday ragga xidhay, lana yaaban yahay cidda magacayga ku dartay liiskaa, kana tacsiyeynaayo Prof. Nine, waayo arrinka la yidhi waa lagu xidhay wuxuu ahaa mid uu isagu [Nine] fekeradiisa iyo dhismihiisaba lahaa oo uu noola yimi oo aan u arkaayey hay’addaa uu aabbaha noogu ahaa inuu rabay inuu uga faa’iideeyo go’doonka horumar la’aanta ah ee haysta mandaqadda Bariga Sanaag, sidii ay wax uga qaban lahayd si ay adeegyada bulsho ee asaasiga ah iyo wacyigelinta isku xidhka ummadda reer Somaliland ee dal, dawladnimo iyo dani ka dhexayso.


Waxaan u arkaa waxtar weyn oo uu noo soo kordhiyey, kana saaray turunturuuyinkii iyo isbaarooyinkii u yaalay masuuliyinta ka soo jeeda deegaanka Bariga Sanaag ee ka tirsan fulinta ama xukuumadda maanta dalka ka talisa oo u muuqata inay dabartay wax kasta oo ay ku hanan lahayd ummadda ay iyadu ka masuulka tahay.


Waxaanna caddaan ah cidkasta oo wax ah oo ka soo jeeda mandaqadaa Bariga Sanaag aanay ka dhibaato la’ayn kooxdaa ay aaminsan tahay xukuumad-ku-sheega xidhxidhaysa birma-geydada, mana ogi hay’addii uu aasaasay Prof. Nine oo aan anigu ka mid ahaa BOD-ka marka kooxdu ay ka wareejisay.


Markaa waxaan leeyahay xadhigga Prof. Nine waa mid baadil ah oo ay ka dambeeyaan rag dhaawacaya himilooyinkeena uu ku mutaystay fikirkiisii uu faa’iidaynayey ummadda iyo burburinta isbaarooyinkii soo jireenka ahaa ee wiiqay himilooyinka uu hiigsanayey dalkeenu iyo horumar la’aanta haysta qaybo ka mid ah ummaddeena, waxaanan u mahad naqayaa cdii ka ayb qaadatay soodaynta Maxamuud , marna u dul qadan mayno wax yaabaha la caadaystay ee danaysiga gaarka ah ee dulmiyay intii dan u wada umadda, dhaawacdayna himilooyinkii aynu hiigsanaynay,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid.


Dhinaca kale, Md. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa ka xogwarramay aasaaska ururka waddaniga ah ee AMADO ee muranku ka taagan yahay, kaas oo uu sheegay in loo aasaasay si horumar iyo waxqabad loogu gaadhsiiyo deegaanka Bariga Sanaag, isaga oo tilmaanay in ururkaa uu fikradii lagu aasaasay iska lahaa Prof. Maxamuud Cabdi Xaamud.


Waxaannu sheegay xildhibaanku in xadhigga lagula kacay Mr. Nine ay ka dambeeyeen koox wasiirro ah, isla markaana uu ahaa sharci-darro, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi; “Isaga oo aan waaran iyo waxba loo jarin oo duhur cad ay tahay ayaa gurigiisii loogu dhacay, waxaanna masuuliyaddaa lahaa oo amarka bixiyey oo taliyaha ku khasbay oo wanjal been-abuur ah oo murugsan u sheegay oo dhaqanka iyo bani’aadanimada ka baxsan waxay ahaayeen wasiirrada, runtiina qodobka 25aad ee dastuurka qaranku wuxuu leeyahay qofna xorriyadiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn, mana bannaana in qofna la qabto, la xayiro, haddii aannu markaa faldambiyeed gacmaha kula jirin. Runtiina intaasoo dhan wasiirradu way baalmareen qodobkaa dastuurka ahna way jabiyeen, awood aan loo isticmaali karin dadkana way isticmaaleen.


Runtiina waxyaabaha hortaagan waxqabadka Gobolka Sanaag wasiirrada ayaa ka mid ah oo dano khaas ah wata, annaguna oo ay dadku na soo doorteena waxaannu ka duulaynaa in dadkii na soo doortay ay wax gaadhaan, dawladuna runtii way dadaashay oo waad ogaydeen in 7 July 2007, dawlad xoogga saartay sidii loo horumarin lahaa gobolkaa, arrintaana wasiirrada ayaa carqalad ku noqday, waxaanna jirta haddii Madaxweynaha shaadhkiisu cad yahay oo uu qof waxqabad leh yahay, haddana shaadh madoobe, wasahakhaysani Madaxweynaha wuu wasakhaynayaa, markaa soo jeedintaydu waxay tahay in wasiirrada ciyaaraha iyo kalluumaysiga xilka laga xayuubiyo, waayo dalkii oo dhan bay dhibaato galiyeen.


Taliyuhuna amarka uu siiyo wasiirka ciyaaruhu inuu sidiisa u qaato aad baan uga xumahay, waanna nasiib-darro, taliyahana waxaan leeyahay waxyaabahaas kuuma fiicna sumcadaadana uma fiicna, qof aan maxkamadi soo xidhin in aad gurigiisa duhur cad ugu dhacdo oo aad xabsiga dhigto, waxyaabahaasina waa waxyaabihii Somaliland ka soo dagaalantay, tiina dadka dib ha ugu celinina ayaan idin leeyahay.


Waxaanan ku soo gunaanadayaa labada wasiir ee ciyaaraha iyo kalluumaysiga ee ku dhaqmay falalka bani’aadanimada iyo dhaqanka ka baxsan waa in xilka laga xayuubiyo, haddii waxba laga qaban labadaa wasiir ee awooda gaarka ah sheegatay oo ay sidaa dawladdu ku sii socoto Beriga Sanaag dawladnimadoodu waxba ka jirimayso. Bariga Sanaagna iyagay u dabran yihiin, wixii dhaqaale gaadhi lahaa wasiirro kale ayeyna shuraako kula yihiin wax dhaqaale ahina ma jiraan.”



 



Jamhuuriya Online