Mudanayaal Guurtida ah oo ku Tilmaamay Wasiirrada Khaarajiga iyo Daakhiliga Wax-ma-Tarayaal Xilkoodii Gabay

 


“Wasiirka Arrimaha Dibadda wax allaale iyo wax uu dalka u qabtay ma jirto… isaga way u dhammaatay. Waxaan leeyahay Madaxweynaha…”


“Waxaan u malaynayaa masuuliyiintu intay baasaboorkii Soomaaliya qaataan ayey markay fiisaha ku dhuftaan yidhaahdaan kii Somaliland baanu sidanaa, taasina waa khiyaamo qaran”

“Wasiirka Arrimaha Guduhu weligii waxba inoomuu sheegin, joornaalka cid uu ka caayo moyee, waa wasiirka dhan ee aan waxba ka ogayn tirada qaxoontiga dalka wareeriyey ee xitaa makhaayadihii qabsaday” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan

“Barmaamuj la’aantaasi waa ta keentay in dhallinyaradii tahriibto, waa ta keentay inay is qarxiyaan, waa ta keentay in dhallinyaradii wax baratay loo diido shaqooyinkii”

Md. Axmed Dirir

Hargeysa (Timacade News)- Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtida Somalialnd, ayaa  doo day in Wasiiradda Arrimaha Dibedda Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) inay ku fashilmeen xilkii ay qaranka u hayeen, isla  markaa na Madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu shaqada ka eryo.

Mudanayaashan oo ka hadlayey fadhigii shalay ee golaha oo lagaga doodayey  siyaasad aha arrimaha dibadda iyo gudaha Somaliland oo ka mid ah qodobadda ajandaha  kalfadh iga 39-aad ee aqalka odayaasha, waxay dhaliileen siyaasadaha arrimaha dibadda iyo  gud aha, gaar ahaan waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay ku tilmaameen mid fashilantay, kuna guuldarraysatay inay dalka u samayso istiraatijiyad cad oo la raaco iyo xidhiidh wanaagsan oo dunida kale lala yeesho.

Fadhiga oo uu guddoominayey Ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre oo mudanayaasha maalintii labaad ku sii amba-qaad een doodda ajandahooda, waxa dhawr xildhibaannadii ka qaybgalay dooddu si weyn u cambaareeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay xuseen inay in aanay Somaliland waxba u soo kordhin, siyaasad la raaco oo laga dhaxlana samayn.

Waxa kaloo mudanayaasha Guurtidu ku eedeeyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax-ka-qabasho la’aanta qaxootiga xaf-dhaafka ah ee dalka soo galaya oo ay sheegeen inuu halis ku yahay nabadgelyada. Hase ahaatee waxa jiray mudanayaal kale oo si xoog leh uga horyimi aragtidaasi, isla markaana ku dooday in wasaaradahaasi wax badan qabteen, loona baahan yahay in lagu garabgalo.

Xildhibaan Axmed Dirir Cali ayaa ku dooday in aanay dalka jirin barmaamuj siyaasad  arri mo-dibadeed oo la raaco, sidaa daraadeedna dooda goluhu aanay wax faa’iido ah soo kordhinayn.

“Dalkeenu ma laha barmaamij-siyaasadeed arrimo-dibadeed oo cad oo la raaco. Barmaamuj la’aantaasi waa ta keentay in dhallinyaradii tahriibto, waa ta keentay inay is qarxiyaan, waa ta keentay in dhallinyaradii wax baratay loo diido shaqooyinkii,” ayuu yidhi Md. Axmed Dirir.

Md. Dirir waxa uu sheegay in qodobada uu ka kooban yahay ajandahooda yihiin qaar  kalf adhiga kasta laga hadlo oo la soo celceliyo, balse wixii goluhu ka soo saaro marka  xukuu madda loo gudbiyo aanay waxba ka qaban, waxna ka dhegaysan. “Talada qudha ee la qaataa waa muddo-kordhinta, waana ta aan inteena badani meesha u fadhino,” ayuu hadalkiisa ku soo gebobageeyey Xildhibaan Axmed Dirir Cali.

Md. Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) ayaa isagu ku dooday aragti ka fog ta  mudana ha hore, waxaannu sheegay in siyaasada dibedda dawladu dedaal badan ka gashay, isla markaana baasaboorka Somaliland lagu tagi karo 24 dal oo dunida ka tirsan.

“Anigu halkan waxaan ku hayaa warqad baasaboorka Somaliland iyadoo aan la aqoonsan waxaad haddana ku tegi kartaa 24 dal. Anigu waxaan ku tagay dalalka Itoobiya iyo  Koon fur Afrika waxa baasaboorka Somaliland lagu tagi karaa Itoobiya, Koonfur Afrika, London, Biljam, Yemen, Kenya, Tanzania, Sucuudiga, Sirilanka, Musanbig, Suuriya iyo qaar kaleba, Ilaahay baan idinku dhaaryee arrintaasi iyadoo aan la ina aqoonsan miyayna ahayn xirfad aynu sameynay qaran ahaan,” ayuu yidhi Md. Dheeg.

Haseyeeshee, Md. Cabdiraxmaan Cismaan Xasan ayaa naqdiyey dooda mudaha hore, wa xaannu sheegay in aan baasaboorka Somaliland lagu tegin dhammaan dalalka uu  sheeg ay, isla markaana uu isagu Xajka ku tagay baasaboorkii hore ee Soomaaliya. Isagoo  arri ntaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Anigu baasaboorkii dawladdiisii dhacday ayaan sitaa (dawladdii Siyaad Barre) oo aan xajka ku tagay, saddex wasiir oo aanu wada soconayna saddexduba kaasay siteen, markaan maan arag meel lagu tagayo baasaboor Somaliland. Waxaan u malaynayaa masuuliyiintu intay baasaboorkii Soomaaliya qaataan ayey markay fiisaha ku dhuftaan yidhaahdaan kii Somaliland baanu sidanaa, taasina waa khiyaamo qaran.”

Md. Cabdiraxmaan Cismaan Xasan waxa uu ku dooday in siyaasadda arrimaha dibada  So maliland iyo ta guduhuba faashil noqdeen oo aanay ahayn wax jira, isla markaana  wasiir adda xilalkaasi hayaa ay ku guuldarraysteen shaqadoodii loona baahan yahay in  Madaxw eyne Rayaale shaqada ka eryo.

“Wasiirka Arrimaha Guduhu weligii waxba inoomuu sheegin, joornaalka cid uu ka caayo moyee, waa wasiirka dhan ee aan waxba ka ogayn tirada qaxoontiga dalka wareeriyey ee xitaa makhaayadihii qabsaday. Malaha cid kale ayuu u shaqeeyaa ee ummadda  shaq ayeeyo,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan, waxaannu intaa ku daray isagoo ka hadlayey wasiirka Arrimaha Dibadda iyo waxqabadkiisa, “Wasiirka Arrimaha Dibadda wax allaale iyo wax uu dalka u qabtay ma jirto, ka Arrimaha Gudaha boolis baaba u shaqeeyee, isaga (wasiirka khaarajiga) way u dhammaatay. Waxaan leeyahay Madaxweynaha ummadda nimankaa aad u igmatay waxba umay qaban, ummadduna adiga ayey ku soo eegaysaa. Inkastoo Madaxweynuhu kuwa uu annaga noo magacaabay qaar aanay reeruhuba waxba waydiin.”

Waxa kale oo dooddaas ka qaybgalay mudanayaal kale oo ka mid yihiin Caydiid Cabdi  Max amed, Maxamed Xuseen Hurruuse, Cali Aadan Qallinle, Jirde Siciid, Yuusuf Cabdillaahi Cawaale iyo qaar kale



Source:Jamhuuriya Online