mudane madaxwayne nala daawo waqtigii aad gudoomiyaha snm ahayd[ xamar tagideedu ha inoo danbaysee]

 

 


Bismilahi raxmani raxiim asalamu calaykum

Muuqaal xasuustiisa mudan iyo taariiikhda oo aan waligeed duugoobayn

Waa hubaal in waqtiyo badani kasoo wareegeen waqtigii mujaahidiinta snm
dagaal hubaysan la galeen maamulkii kacaanka siyaad bare
waxaanse aad u jeclaystay bal in shacabka Somaliland daqiiqad yar xsuusiyo
dibna loo yar jaleeco taariikhda qoran iyo isbadalka iyo marxaladaha lasoo maray
intaan soomlia loo hanqaltaagin wax wada qaybsigeeda.

Madaxwaynaha Somaliland mudane axmed mohamud siilaanyo cimrigiisu ha raage
ayaa ku jira muuqaalkan aad daawan karto eee hoos ku yaala.
mudane m,adawayne axmed siilaanyo ayaa waqtigaa ahaa gudoomiyaha snm
waxaanu warbixin siinayaa caalamka asagoo ka waramaya guulaha snm gaadhay

Sidoo kalana maxamed siiciid morgan oo ahaa taliyaha ciidanka 26 aaad ee saldhigiisu
ahaa magaalada hargeysa ayaa ka waramaya xaalada ciidankiisa
waxa sidoo kale waraysiga laga qaaday ambasadorka soomaliya u fadhiya dalka ingriiska
oo si way u difaacaya dawlada kacaanka oo loo yaqaano SAALAH ALI.

Hadaba akhristoow waxaan aad u jeclaystay in gudoomiyihii snm mudane axmed siilanyo
waqtigii lasoo galay.
imikana ah hogaanka dalka Soomaliland taladana gacanta ku haya ahna madaxwaynaha umada.
bal in uu is bar bar dhigo ama is waydiiyo dhawr su,aaalood

1, Soomaliya ma tahay dal aynu dawlad la wadaagi karno?
2. wada hadalka iy waan waanta baryahan socotay labada dhinac ma tahay mid
ku munaasiba kumanaan maato iyo caruur ku nafwaayay duqayntii askarta kacaanka
ku gumaadeen shacabka soomaliland?
3, mujaahidiintii aad hogaanka u haysay ee ku shahiiday xornimada miyay tahay in loogu
abaal gudo in mar kale dib loo hor fadhiisto taliskii soomalia ee ay naftooda ku waayeen?
4. shacabka soomaliland guud ahaan sumcad intee leeg ayaad mudane madaxwayne ku yeelan kartaa hadiiba ay dhacdo in xamar mar kale ka muuqato quluubta shacbiga soomaliland?
5- su,aasha uGu danbaysaana waxay tahay soomaliya horta ma tahay meel dawlad ahaan
kula mansaba oo nabadi taalo ayadaaaba dab ka holcayaaye sidee wax loo wadaa
ma shacabka soomaliland ayaynu dab ku gurnaa inoo muuqda?

Waakan muuqaaalkii ee hoos guji dhamaantiin shacabka soomalilad iyo maamulka dawlada
madaxwayanaha iyo wasiiraduba iyo mucaaridkuba bal ha ka faaloodaan taariikhdan lasoo maray ee aan indhaha laga qarsan Karin.
hargeysa iyo magaalooyinka kale oo dhamaantood madaafiic iyo dayarado lagu garaacay
si xuna loo dumiyay dad badana ku naf waayeen
shacabka Somaliland oo qaxaya baahi badanina ka muuqato si gaarana u taabatay
dumarka iyo caruuurta.

gabagbdii

Malaa xamar in lagu noqdaa waa gaf wayn waana arin shacabka LAF-JAB ku noqonaysa
una baahan in si mug leh looga fiirsado oo sidii lixdankii aan la ilduufin
daawo oo guju muuqaalka hoos ku yaal

http://youtu.be/xnngyHwHqpg
 


wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
dheen2011@hotmail.co.uk
London uk