MUDANE RIYAALE OO HOR GEEYEY GOLAHA GUURTIDA IN MUDADA LOO KORDHIYO IYO AMNIGA OO AAD LOO ADKEEYEY

 

Fadhigii aan caadiga ahayn ee golaha guurtida Somaliland oo uu gudoominayey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Mudane Saleeban Maxamud Adam ayaa maanta laga hor akhriyay Codsi uu uu u soo gudbiyay M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Riyale Kahin kaas oo ay ku lifaaqnayd warbixintii Komishanka ee ahayd in aan la qaban karin Doorashada wakhtigii Hore loogu cayimay iyo muddo kordhinta iyo asbaabha kordhinta .

Fadhigan maanta oo ay ka soo xadireen 63 mudane kadib markii loo qaybiyey qoraalkii uu madaxwaynuhu soo diray iyo waliba qoraalk ka socday commissionka doorashooyink kaas oo ka hadlaaya dib u dhaca waxa keenay Xoghaya Guud ee Golaha Guurtida Mudane C/laahi Ibraahim (C/laahi Dheere )ayaa ka hor akhriyay Qoraal ka madaxweynaha oo u qornaa sidan:

“Mudaneyaal, anigoo tixraacaya warqada ka soo baxday Komishanka doorashooyinka Somaliland, kuna lifaaqan yihiin qorshaha wakhtiyaysan ee hawl fulineed iyo go’aanka Guddiga komishanka qaranka ee doorashooyinka, kaasi oo ay ku caddahay in doorashadii madaxtooyadu ay dib uga dhacday wakhtigii hore loogu tallo-gashanaa inay qabsoonto ayaan idiin soo gudbinayaa qoraalada halkan ku lifaaqan.

Haddaba sida ku cad qodobka 8-aad ee xeerka lambarkiisu yahay 20/2001-da xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, wuxuu komishanku cayimayaa muddo u qabashada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka.

Sidaas darteed, waxaan idiin soo gudbinayaa Go’aanka Komishanka doorashooyinka oo is fasiraya, si aad uga gudataan xilkiina dastuuriga ee ku qeexan Qodobka 83-aad, isla markaana aad qiimaysaan sida aynu ku gaadhi karno doorasho aan lahayn mad-madow iyo dib u dhac dambe hadii alle yidhaahdo.”


Gudoomiyaha guurtida oo ka hadlaayay ujeedada qoraaladani ay xabmbaarsan yihiin ayaa yidhi “Waxa Mudaneyaal la idiin qeybinayaa wixii xeerar ah ama ha ahaado Madaxweynaha ama Komishinka doorashooyinku soo gudbiyeen ha ahaado ee la cuskaday waxa ugu horeeya xeerkii doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, komishinkana aasaaskiisu xeerkaasi ayuu ku jiraa kaas waa la idiin soo gudbinayaa, waxa kale oo aan idiin soo gudbinaynaa xeerkii diiwaan gelinta iyo lifaaqiisii oo wada socda.”


“Qodobka dastuurka ah ee 83-aad waxaan filayaa inaad dusha ka wada haysaan dastuurkiina aad wada haysataan, marka arrimahan oo kale la inoo soo gudbiyo wuxuu xeer hoosaadka Golaheenu dhigayaa inaynu haysano 24 illaa 48 saacadood oo lagu dul fikiro, maanta iyo barito soo akhridaan ka baaraan degtaan Sabtidana aynu iskugu nimaadno oo hawsha nuxurkeedii uu inoo bilaabmo,”Sidaa waxaa ka hor yidhi golaha guurtida hortooda oo ugu khudbadeeyey gudoomiyaha golaha gurtida Somalilad Mudane Saleebaan Gaal


Mudane Riyaale ayaa waxa uu ka dalbaday golaha guurtida in dib loogu dhigo maadama ay kaga dhamtahay xiligi uu hayey xukunka 6 April ayaa waxa uu sheegay in goaanka dib u dhiga xiligii doorashooyinka ay fuliyeen commissionka doorashooyink a oo loo igmaday waxanaan idiin sheegayaa in qodobka 8-aad ee xeerka lambarkiisu yahay 20/2001-da xeerka doorashooyinka dawladaha Hoose iyo Madaxtooyada, wuxuu komishinku cayimayaa muddo u qabashada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka. Isla markan waxa uu Riyaale ka codsaday in ay eegaan qodonka 83aad kana fikiraan sidii ay ama cidi ina gaadhsiin laahayd doorasho xor ah oo xalaal ah.


Ka dib markii ay golaha akhriyen ayaa waxaa la isla qaatay in ay dib arintan u eegideedi u jaleecan oo ay ka tashadan sidi ay wax odhan lahaayeen.
Geesta kale Ciidamo Boolis ah oo aad u farabadan ayaa la soo dhoobay Gudaha iyo Dibada Aqalka Odayaasha taas oo Mudanayaal ka keeneen Guux uu horeeyo Gudoomiyaha Guurtida Mudane Saleeban Isaga oo Gudoomiyuhu ka codsaday Ciidamada in ay ka baxaan Goobta haddii ay u baahdaana ay iyagu u yeedhan doonaan ,fadhigan maanta waxa joogay Xubno ka socday dawlda oo ay ka mid ahaayeen wasiiro iyo Xildhibaano Wakiilada ah iyo dadweyne kale oo danaynaayay Arintan.

Guud ahaan waxa la rajaynayaa Golaha Guurtida oo ay maanta horyaalaan qodobo xaasaasi ah oo masiirkii dalka lagu badbaadin lahaa inay u helaan xal lagu qaboojiyo muranka iyo kala jiidashada awooda siyaasadeed ee dalku ku jiro.

 

 


Togaherer